Macluumaadka wadanka

Ireland

Jasiiradda Ireland waxay ka baxsan tahay waqooyi-galbeed qaaradda Yurub, iyo galbeedka Ingiriiska. Jasiiraddu waxay u qaybsan tahay laba qaybood: Ireland (oo mararka qaar loo yaqaan “Jamhuuriyadda Ireland”) iyo Northern Ireland, oo ka tirsan Boqortooyada Ingiriiska. Ireland waa xubin ka mid ah Midowga Yurub.

Lacagta: Yuuroo

Luqadda Rasmiga: Irish iyo English

Caasimadda: Dublin

Cimilada: Ireland waxay leedahay cimillo khafiif ah iyo roob joogto ah. Inkastoo xoogaa ay qabow noqon karto, heer-kulku dhif dhif buu xad dhaaf yahay, iyo da’aaga roobka ma badna. Saacadaha cadceeda way kala duwan yihiin sanadka oo idil. Inta lagu jiro jiilaalka, waxay heshaa qiyaasti sided saacadood oo qorraxda maalinti ah. Inta lagu jiro xagaaga, waxay heshaa qiyaasti sided saacadood oo qorraxda maalinti ah. Ireland waxay kudhaqantaa ‘Keydinta Waqtiga Maalinta’ (DST), taasoo micnaheedu tahay in saacadaha lasoo hormariyo hal saac marka lagu jiro xagaaga, marka waqtiga habeenki ayaa dheeraanaya.

Juqraafi: Ireland waxay can kutahay buuraheeda wareegsan iyo xeebeheeda qurxan. Magaalooyinku waa ay yaryihiin laakiin kala duwan yihiin oo shidan yihiin.

Badbaadada: Xaaladda badbaadada ee Ireland wey fiican tahay xaaladda siyaasadana wey daggan tahay. Si kastoy ahaataba, taxadarada caadiga ah ayaa lagu taliyaa. Haddi ay kusoo wajahdo halis,  wac 112 ama 999 ama tag saldhigga booliska kuugu dhaw. Booliska Ireland waxaa loo yaqaanaa ‘An Garda Síochána’. Xoogga booliska Ireland waa aamin. Waxay isku dayi doonaan badbaadintaada waxayna kuu sameyn doonaan waxkasto oo ay kugu caawinayaan. Waxaa muhiim ah inaad soo warbixiso wixi Qatar ah ama hanjabaad ah. Guud ahaan, waxaan kutalinaa in aad marwalbo feejignaato aadna kafogaato xaaladaha qatarta ah. Haddii aad dhibane u tahay weerar, xusuusnow noloshaada iney tahay tix galinta ugu muhiimsan. Hadiidin kuna wareeji wixi lagu weydiiyo.

Dhaqanka

Waxyaalaha aasaasiga

  • Gudaha Ireland, waxaa jira xorriyadda diinta , micnaheedu tahay dhammaan dadka waxay leeyihiin xuquuq ay ku dhaqmi karaan diimo kala duwan .78.3% bulshada Ireland waxay haystaan diinta Roman Catholic (tirakoobki 2016).
  • Isboortiga qaranka ee Ireland waa Hurling iyo Gaelic, laakiin isboorti kale oo badan ayaa lagu ciyaaraa waddanka oo dhan (raagbi, kubada cagta, teenis, kirikeet, dabaasha, ciyaaraha fudud, jimicsiga, iwm.)

Ereyada Caanka Irish-ka

  • Fáilte (loogu dhawaaqo ‘fool-ja’) – ereyga Irishka ee ‘soo dhawow’
  • Craic (loogu dhawaaqo ‘karaak’) – ereyga Irishka ee ‘madadaalo’
  • Sláinte (loogu dhawaaqo ‘islawnja’)- micnaha ‘caafimaad wanaagsan’ oo la isticmaalo kululeyn ahaan marki la qaadanayo cabitaan.

Macluumaadka la xiriira