Dib u noqosho Ikhtiyaari ah

IOM Ireland

Waxaa la aas aasay 1951 Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM), waa urur hogaaminayo ururada dawladaha kala duwan ee dhinaca socdaalka , bixinta adeegyada iyo tala siinta dawladaha iyo muhaajiriinta oo ujeedadu tahay horumarinta binii’aadanimada iyo guuritaanka si haboon oo faa’iido u ah dhammaan.Ireland gudaheeda, IOM waxay ka caawisaa dib u noqoshada ikhtiyaariga ah, mideynta qoyska, kahortaga tahriibinta, iyo dib udejinta. http://iomireland.ie/

Waxaad haysataa doorashada inaa si ikhtiyaari ah ugu laabato wadankaad kasoo jeedo/degenaanshaha caadiga ah ee marxallad kasta eel habraac keli ah. Haddii aad go’aansato dib u noqosho ikhtiyaari ah Ururka Caalamiga ee Socdaalka (IOM) waxuu awoodi karaa inuu kusiiyo taageero iyo talo siin, ay kujirto caawin dhaqaale ee safarkaaga. Qaybta dib unoqoshada ikhtiyaariga ah ee INIS ayaa sidoo kale siin kara caawin.

Si aad oga faa’iideysato dib u noqoshada ikhtiyaariga ah inta lagu jiro howsha, waa inaad un labadan middood aad kala laabato codsigaada magangalyada Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) ama kala laabato codsigaada maxkamadda Racfaanka Ilaalinta Caalamiga (IPAT). Wasiirka ayaa sidoo kale kugu war gelin doona suurto galnimada dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ee wadankaad kasoo jeedo/degenaanshaha caadiga ah ee dhammaadka howsha haddii laguu diiday ilaalinta caalamiga gudaha Ireland iyo haddii aan lagu siin ogolaansho aad ku joogto.Si aad u ogaato waxbadan, fadlan eeg muuqaalkan:

Kala Xiriir:


Macluumaadka la xiriira