Xuquuqda iyo Waajibaadka

Xuquuqda iyo Mas’uuliyadda ee magangalyo-doonka

Haddii aad tahay codsadaha ilaalin caalami ah (sida magangalyo-doon) xuquuqdaada waxaa kamid ah waxyaalaha soosocdo:

  • Oggolaanshaha gelitaanka iyo sii joogitaanka Ireland ee baaritaanka codsigaada magangalyo ee Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO) iyo wixi rafcaan oo loo gudbinayo Maxkamadda Racfaanada Caalamiga ah (IPAT)
  • Xaqa aad kuheleyso talabixin sharci iyo wakiil kasocda qareen
  • Xaqa in lagugula dhaqmo si xushmo leh, sharaf iyo dhexdhexaadnimo ayadoo lamarayo hal nidaam
  • Xaq aad u leedaahay inaad u soo gudbiso qoraal qoraal Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta ee la xiriirta codsigaaga ilaalinta
  • Isticmaalka turujumaan meeshi lagama maarmaan tahay si loo xaqiijiyo wada xiriirka
  • Xaqa sir xafidida
  • Xuquuqda in qoraal lagugu ogeysiiyo wixi wareysi ah, go’aano ama ogeysiisyo kale oo laxiriira dalabkaaga magangalyada caalamiga ah
  • Xaq aad kula xiriiri karto UNHCR
  • Xaqa aad u leedahay inaad codsato ogolaansho aad ku gali karto suuqa shaqada haddii aadan helin go’aanka koowaad ah oo 9 bilood gudahood markaad codsatay magangalyada caalamiga ah

Caawinta sharciga waxaa laga heli karaa Guddiga Kaalmada Sharciga (LAB). Waxay ku siin doonaan mid ka mid ah qareenadooda ama qareeno gaar ah oo iyaga la shaqeeya. LAB waxay diyaar u tahay inay siiso dhammaan macaamiisha talobixin sharci oo hore oo ku saabsan dhammaan dhinacyada codsigooda magangelyo. Tani waxaa kujiri kara la-tashi macluumaad oo hordhac ah ka hor intaadan dhammaystirin weydiimaha iyo la-tashiga wareysiga ka-hor kaas oo talo sharci ah oo ku saabsan waxyaabaha aad ka kooban tahay dalabkaaga oo ku saleysan weydiimahaaga oo dhameystiran oo lagu siin doono. Xarunta Sharciga Madaxa Banaan ee Golaha Qaxootiga ee Ireland waxay kaloo bixisaa talo sharci oo hore iyadoo la eegayo awoodda. Haddii aad qarash haysato waxaad sidoo kale raadsan kartaa adeegyada qareen gaar ah.

Iyada oo kuxiran tahay duruufaha shaqsiyeed ee codsigaada, waxaad doorbidi kartaa turujubaan jinsiyad gaar ah oo jooga inta lagu guda jiro wareysigaaga ama dhageysiga racfaanka. Waxaa muhiim ah inaad middan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo bandhigto Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) iyo / ama Maxkamadda Ilaalinta Caalamiga ee Rafcaanka (IPAT) si ay ula qaabili karaan codsigan halka ay suurogal tahay.

Dhammaan macluumaadka la bixiyay ee la xiriira codsigaada waxaa loola dhaqmi doonaa si kalsooni leh loomana sheegi doono mas’uuliyiinta waddanka aad ka soo jeedo / waddanka aad ku nooshahay ama wakiillada waddankaaga ee Ireland.

 Waa maxay masuuliyadaydu?

Mas’uuliyadahaaga waxaa kamid ah:

  • Waajibaadka aad u hoggaansameyso sharciyada Ireland

Tan macnaheedu waa inaad ixtiraamto sharciyada iyo qawaaniinta Ireland

  • Waajibaadka aad la kaashaneyso

Codsade ahaan nidaamka kaliya ee aad kuleedahay waajibaad firfircoon waa inaad iskaashi la yeelato baaritaanka codsigaada magangalyada iyo go’aaminta wixi racfaan oo laxiriira codsigaas. Sidoo kale waa inaad soo gudbisaa sida ugu dhaqsisan uguna macquulsan dhammaan macluumaadka loo baahan yahay si loo xaqiijiyo codsigaada oo uu noqdo run. Ku guuldaraysiga wadashaqaynta wuxuu cawaaqib ku yeelan karaa natiijada codsigaada magangalyada.

Mas’uuliyadaha nidaamka

Qeyb ka mid ah waajibaadka iskaashiga kula sameyneyso waxaa ka mid ah waajibaadyada soo socda:

a. Inaanad ka bixin ama isku dayin inaad ka baxdo Ireland inta lagu guda jiro halka hawl iyada oo aan ogolaansho laga helin Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta;

b. Ogeysiinta Wasiirka Caddaaladda iyo Sinnaanta cinwaankaaga iyo wixii cinwaan ah ee beddel ah qoraal ahaan sida ugu dhakhsaha badan;

c. U hogaansanaanta ogeysiisyada warbixin ee aad heli karto sida shuruudda ah inaad degganaato ama aad ku sii sugnaato meel cayiman ama meel ka mid ah Ireland iyo / ama u soo sheegto xilliyada u gaarka ah sarkaalka waaxda socdaalka, xarun Gaarda (booliis) cayiman;

d. Ku tilmaamidda magacaaga, cinwaankaaga, dhalashadaada iyo lambarka aqoonsiga qofka ee waraaqaha deggenaanshaha ku-meel-gaarka ah ee wixi warqad ah oo aad u gudbinayso Xafiiska Ilaalinta Caalamiga ah (IPO) ama Maxkamadda Ilaalinta Caalamiga ee Racfaanka (IPAT);

e. In runta la xiriirto laga sheego codsigaada magangalyo iyo inaad ku buuxiso foomka su’aalahaaga macluumaadka la xiriira si loo baaro codsigaada;

f. Haysashada dhammaan nuqulada dukumintiyada ee lagu siiyay ama aad siisay Xafiiska Ilaalinta Caalamiga (IPO) iyo Maxkamadda Ilalinta Caalamiga ee Racfaanka (IPAT);

g. In aan la raadin ama la gelin shaqo ama la gelin wax ganacsi ah, ganacsi ama mihnad ah iyada oo aan laga haysan fasax ee suuqa shaqada la xidhiidha.