Xuquuqda LGBTI

Cabsi laga qabo cadaadis ay ugu wacan tahay aqoonsiga LGBTI ayaa aasaas u noqon karta sheegashada magangalyo ee Ireland.

Isutagga dadka isku jinsiga waxaa laga aqoonsaday Ireland 1993 iyo guurka dadka isku jinsiga waxaa lafasaxay 2015.Aqoonsiga Jinsiga waxaa sidoo kale la ansixiyey 2015 kaasoo u ogolaanayo dhammaan shaqsiyaadka da’dooda ka weyn tahay 18 iney laftirkooda shaaca ka qaadaan aqoonsiga jinsigooda.Dhallinyarada da’dooda tahay 16-17 ayaa sidoo kale codsan kara in si sharci ah loo aqoonsado, inkastoo habka uu in badan culusyahay.

Dhamaan saldhigyada booliska ee Ireland waxay leeyihiin sarkaal xiriiriyaha LGBT ah. Falalka cadaadiska khaniisiinta ama dhibaataynta waa in lagu soo wargeliyaa An Garda Síochána (adeegga bilayska) oo si dhab ah ayaa loo qaadi doonaa.

LGBT Ireland

LGBT Ireland waxay maamushaa khadka caawimaadda LGBT, khadka taageerada qoyska ee aqoonsiga jinsiga, adeegga taageerada farriinta deg degga ah, iyo kooxaha taageerada asxaabta shaqsiyeed.

Kala Xiriir:

BelongTo

Adeegyada Dhallinyarada ee BelongTo waa hay’adda qaran ee Ireland u qaabilsan LGBTI + dhalinyarada. BelongTo waxay maamushaa kooxaha dhalinyarada horayna waxay oga shaqeyneysay mashruuc si gaara loogu tala galay LGBTI+ magangalyo-doonka iyo qaxootiga. BelongTo waxay kaloo siisaa tababaro xasaasi ah LGBTI + shaqaalaha xarumaha tooska u bixinaya. https://www.belongto.org/

Kala Xiriir:


Macluumaadka la xiriira