Dib u dejin

Waa maxay dib u dejin?

Dib u dejintu waa wareejin ikhtiyaari ah ee qaxootiga oo laga soo qaadayo wadanka ay ka diiwaan gashan yihiin oo la keenayo wadanka ogolaado inuu u aqbalo qaxooti ahaan siiyana ogolaansho degenaansho.

Fadlan eeg Su’aalaha inta Badan La Isweydiiyo ee UNHCR oo kusaabsan Dib u dejin macluumaad dheeraad ah oo la xiriira dib u dejinta iyo sida uu u shaqeeyo. https://www.unhcr.org/56fa35b16

Yaa u qalma dib u dejinta?

Dib u dejinta ayaa laga yaabaa iney heli karaan qaxootiga kuwaasoo haysta ubaahnaansho joogto ah oo ilaalin caalami ah sababtoo ah noloshooda, xorriyadooda, bad qabkooda, caafimaadkooda ama xuquuqdooda aasaasiga ayaa halis kujirta wadanka ay u qaxeen.

Waxaa kujira macluumaad faahfaahsan  Buug-gacmeedka dib u dejinta UNHCR sida UNHCR u aqoonsato qaxootiga u baahan dib u dejinta iyo  Qeybaha Gudbinta Dib u dejinta. https://www.unhcr.org/46f7c0ee2.pdf

https://www.unhcr.org/en-ie/protection/resettlement/3d464e842/unhcr-resettlement-handbook-chapter-6-unhcr-resettlement-submission-categories.html

Dib u dejinta ma ahan xuquuq mana jiraan waajibaad saaran Dowladaha iney aqbalaan dib u dejinta qaxootiga.

Qaxooti ahaan in laguu aqoonsado macnaheedu maahan in si toos ah laguu gudbin doono.

Fadlan la soco inuu jiro farqi weyn oo u dhexeeyo tirada qaxootiga u baahan dib u dejin iyo inta ay bixiyaan dowladaha adduunka, sidaa darteed Dib u dejinta waxaa kaliya heli kara tira yar ee qaxootiga adduunka.

Sidee bay dib u dejinta Ireland u shaqeysaa?

Waxaa jira hab go’an oo lagu go’aaminayo qofka boos laga siinayo barnaamijka dib u dejinta.UNHCR iyo dawladda Ireland ayaa isku raaco xulasho sanadla ah kootada dib u dejinta iyo wadamada laga keenayo ayadoo lagu saleynayo Qiyaasta Baahiyaha Dib u dejinta Adduunka. UNHCR ayaa baarta kiisaska wadamadaan ayadoo la eegayo shuruudo dhagsan iyo kadib tix raacidda qaxootiga ugu badan ee u baahan dib u dejinta oo loo gudbiyo Ireland. Xukuumadda Ireland ayaa ugu danbeyn go’aan ka gaarta qofka la keenayo Ireland oo qayb ka ah barnaamijka. Xafiiska UNHCR kuyaalo Ireland ma ka ahan masuul soo xulashada dadka dib loo dejinayo. https://www.unhcr.org/en-ie/protection/resettlement/5ef34bfb7/projected-global-resettlement-needs-2021.html

Yaa dib u dejin loogu sameyn karaa Ireland?

Dawladda Ireland ayaa go’aansata tirada qaxootiga dib loogu dejinaya Ireland sanad walba iyo halka ay ka imaanayaan. Bishii Diseembar 2019, Ireland waxay ballanqaaday inay soo dhaweyneyso ilaa 2,900 oo qaxooti ah laga soo bilaabo 2020 ilaa 2023.

Qaxootiga imaanayo labada sano u horreyso waxay u badnaan doonaan qaxootiga Suuriya oo ku nool Urdun iyo Libnaan, lagu daray koox yar oo 150 Qaxooti Eriteriyaan ah oo ku nool Itoobiya. http://www.justice.ie/en/JELR/Pages/PR19000319

UNHCR Ireland may iga caawin kartaa dib udejinteyda Ireland?

UNHCR Ireland makaa caawin karto in dib laguu dajiyo Ireland.

Haddii aad tahay qaxooti kusugan dibadda Ireland, waa inaad la xiriirtaa xafiiska UNHCR ee aad ka diiwaan gashantahay si aad ogala hadasho in kiiskaada dib u dejin loo tixgalin karo.

Macluumaadka lagala xiriirayo xafiisyada UNHCR adduunka dhan waxaa laga heli karaa webseedka UNHCR.

https://www.unhcr.org/en-au/where-we-work.html

Sidookale waxaad kaheli kartaa xoogaa macluumaad oo muhiim ah boggaga Caawinta UNHCR.

https://help.unhcr.org/

Waxaan ku noolahay Ireland, laakiin waxaan kuleeyahay qoys Libnaan / Urdun / Itoobiya kuwaasoo qaxooti ah. Ma ku caawin kartaa in dib loogu dejiyo Ireland?

UNHCR Ireland ma kulahan wax door ah soo xulashada qaxootiga dib loogu dejinayo Ireland.Si kastoy ahaataba, Haddii qoys kuujoogo Libnaan, Urdun ama Itoobiya kuwaasoo udiiwaan gashan qaxooti ahaan, waxaan awoodi karnaa inaa ugudbino kiiskooda UNHCR ee wadamadan kutaalo si loogu sharaxo in ay jirto xiriir qoys ee Ireland iyo in la hubiyo haddii ay u qalmaan dib u dejin. TWeydiimahan ma saameyneyso uqalmitaankooda dib u dejinta, si kastoy noqotaba, haddii loo tixgaliyo uqalmidda ayadoo la eegayo heerka shuruudaha aqoonsiga, waxaa loo gudbin karaa dib u dejintaIreland.Waxaad la socotaa iney jiraan tiro aad u badan oo dad ah oo u baahan dib u dejin, laakiin boosas aad u yar loo heli karo.Saameyn maku yeelan karno qaabka xulashada ama ma weydiin karno qof gaar ah ama qoys in dib loogu dejyo Ireland.

Waxaan leeyahay qoys qaxooti ku ah wadan aan ahayn Libnaan / Urdun / Itoobiya. Ma ka caawin kartaa iyaga sidii dib loogu dejin lahaa Ireland?

Dowlada Ireland ayaa go aansata wadamada ay dib u dajin ka siineyso qaxootiga. Waqtigan, Ireland ayaa dib u dejineyso qaxootiga ay saameysay colaada Siiriya ee jooga Libnaan iyo Urdun, iyo koox yar oo 150 qaxooti Eritrean ah oo ku nool Itoobiya. UNHCR Ireland ma gudbin karto kiisaska shaqsiga ee dib u dejinta wadamada kale.

Ma bilaash baa dib u dejinta iyo adeegyada kale ee UNHCR?

Haa, dhammaan adeegyada UNHCR waa bilaash waddan kasta.

Ha aaminin qofna ama wax urur ah oo ku weydiinayo inaa wax bixiso adeegyada UNHCR ama la hawlgalayaasheeda, ay kujirto dib u dejinta. Haddii lagu weydiiyo lacag ama nooc kale oo eexasho ah, ay kujirto hawl galmo, oo lagu badalanayo adeegyada UNHCR, Fadlan ku wargali UNHCR iyo/ama saldhigga booliska ugu dhaw sida ugu dhaqsiyaha badan.

Si aad oga cabato wax isdaba marin ay geysteen shaqaalo aan ahayn UNHCR,fadlan laxiriir xafiiska UNHCR ee kuugu dhaw.

Haddii aad hayso macluumaad kusaabsan shaqaalaha UNHCR, ama shaqaalaha la hawlgalayaasha UNHCR ama qandaraaslayaasha, oo ku lug yeeshay musuqmaasuq, kuxadgudub (ay kujirto xadgudub galmo), wax isdaba marina ama xadgudub galmo, fadlan ku wargali si dhaqso iyo toos ah Xafiiska Kormeeraha Guud ee UNHCR (IGO) ee xaruntiisu tahay Geneva, Switzerland, adoo adeegsanayo mid kamid ah hababkan soo socdo;

Maxaa dhacaya haddii macluumaad been ah la bixiyo si saameyn uu ugu yeesho baroseeska dib u dejinta?

Sameynta been abuur ee inta lagu jiro baroseeska dib u dejinta waxay jabineysaa sharciga waxaana kadhalan kara xiritaanka faylka dib u dejin qaxooti iyo sidoo kale danbi kusoo oogis.Waxaa muhiim ah in qaxootiga bixiyaan macluumaad sax ah oo dhameystiran ee qaxootiga iyo baroseeska dib u dejinta. Si khaldan usheegidda qoyska waxa uu kakoobanyahay, ama sheegidda macluumaad been ah, waa nooc kamid ah been abuurka.Haddii been abuur lasoo ogaado dib u dejinta kadib waxay yeelan kartaa cawaaqib aad uxun oo ay kadhalaneyso joojinta ogolaansha degenaanshaha iyo suurto galnimada masaafurin.

Waa maxay kafaalo qaadka bulshada?

Kafaalo qaadka bulshada Ireland (CSI) waxaa la aasaasay 2018 si loogu kabo dib u dejinta ay dawladu maalgaliso. Qaxootiga waxaa lagu aqoonsadaa laguna xushaa isla habki caadada ahaa ee dib u dejinta. Si kastoy tahayba, imaatinka Ireland, waxaa caawiyo kooxda bulshada deegaanka kuwaasoo siin doona hoyga iyo caawimaad kale ilaa 2 sano. Hay’adda dawladda ee mas’uulka ka ah dib u dejinta iyo kafaalo qaadidda bulshada waa Barnaamijka Ilaalinta Qaxootiga Ireland IRPP). Si kaduwan qaar kamid ah barnaamijyada kafaala qaadka gaarka ah oo ay fuliyaan wadamada kale, suurtogal ma ahan barnaamijka CSI ee kafaala qaadka inuu keeno ama magacaabo shaqsiyaad gaar ah ama qoysas in dib u dejin loogu sameeyo Ireland. Dhamaan kiisaska CSI waxaa lagu gudbiyaa nidaamka heerka gudbinta dib u dejinta ah ee UNHCR.Waxaad kaheli kartaa macluumaad dheeraad oo kusaabsan kafaala qaadka bulshada ee Ireland halkan: http://www.integration.ie/en/isec/pages/community_sponsorship_ireland

May iga caawin kartaa UNHCR iney iga rarto Ireland oo ay idejiso wadan kale?

Maya, UNHCR Ireland makaa caawin karto iney kaa waddo Ireland oo ay dib udejin kuugu sameyso wadan kale. Haddii aad jeceshahay inaad ogaato xulashooyinka kale ee socdaalka ee soo galidda iyo kunoolaanshaha Ireland, eeg webseedka socdaalka ee Waaxda caddaalada & sinnaanta macluumaad dheeraad ah.

http://inis.gov.ie/en/INIS/Pages/services


Macluumaadka la xiriira