Caawinta adeegyada Kale

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Ireland

Gudaha Ireland, Laanqayrta Cas waxay ka shaqeysaa arimo badan oo kusaabsan caafimaadka dadweynaha. Shaqada Laanqayrta Cas ee Ireland oo badanaa la xiriirto magangalyo-doonka iyo qaxootiga waa iney shaqadoodu tahay dib usoo celinta xiriirka qoyska ayagoo raad raacayo qaraabada kala maqan rajada ah dib usoo celinta xiriirka iyo dib u mideynta qoyska iyo iney aqbalaan codsiyada taageerada caawinta safarka oo qayb kamid ah barnaamijka caawinta saafarka ee IOM, UNHCR and Laanqayrta Cas. https://www.redcross.ie/

Kala Xiriir:

Spirasi

Spirasi waxay taageero siisaa dadka ka badbaaday jirdilka ee magangalyo-doonka ah, qaxootiga, ama kooxaha kale ee muhaajiriinta ah ee liita. Spirasi waxay bixisaa baaritaanada caafimaadka iyo barnaamijyada baxnaaninta daweynta, taageerada dhex maaxidda nidaamka sharciga iyo fasalada waxbarashada Ireland ee loogu talagalay caawinta isdhexgalka macaamiisha ee bulshada Ireland. http://spirasi.ie/

Kala Xiriir:

Doras Luimn

Doras Luimn waxay kutaalaa gobolka Limerick. Waxay siisaa adeegyo caawin oo toos ah magangalyo-doonka iyo qaxootiga, ay kujirto talabixinta sharciga iyo. http://dorasluimni.org/

Waxay maamulaan xarun macluumaad iyo talabixin laga bilaabo Isniinta ilaa Khamiista (ballan kaliya).

Kala Xiriir:

http://dorasluimni.org/

Adeegga Qaxootiga Jesuit (JRS)

Adeegga Qaxootiga Jesuit waxay bixisaa dhowr adeeg oo caawin toos ah qaxootiga, ay kujirto taageerada luqadda, barnaamijka isdhexgalka iskuulka iyo taageerada nafsaani-bulsho. JRS waxay booqataa magangalyo-doonka ee Direct Provision, maamulidda fadhiyo macluumaad isweydaarsi iyo udoodidda siyaasada socdaalka oo caddaalad ah. http://www.jrs.ie/

Kala Xiriir:

Waxqabadka Dhqaamada Kala Duwan ee Mayo

Waxqabadka Dhqaamada Kala Duwan ee Mayo waa urur bulsho maxalli ah oo horumarinayo saameynta fiican ee kala duwanaanta dhaqanka iyo ka qeyb gal micno leh ee qaxootiga, magangalyo-doonka, muhaajiriinta iyo qoysaskooda xaaladaha dhammaan ee bulshada gobolka Mayo. Waxqabadyada waxaa ka mid ah gaarsiinta mashaariicda is-dhexgalka bulshada maxalliga ah, gaarsiinta mashruuc lagu horumarinayo haweenka muhaajiriinta ah ee soogalootiga ah, bixinta macluumaadka iyo taageerada, horumarinta kooxaha, iyo mashaariicda is-dhexgalka ee magangalyo-doonka sida farshaxanka, isboortiga, beeraha, iwm.

http://intercultural-action.mayo-helplines.mayo.tel/

Kala Xiriir:

Xarunta Xuquuqda Soogalootiga Ireland

Xarunta Xuquuqda Soogalootiga Ireland (MRCI) waa urur qaran oo kashaqeynaya horumarinta caddaaladda, awoodsiinta iyo sinnaanta Soo galootiga iyo qoysaskooda. MRCI waxay kajawaabi karaan su’aalaha la xiriira socdaalka, shaqada iyo daryeelka bulshada. Shaqaalaha kiisaska MRCI waxay diyaar uyihiin iney ku caawiyaan Isniinta ilaa Jimcaha laga bilaabo 10am – 1pm iyo 2 – 4pm ee xarumaha kulanka lasii cayimin ee loo asteeyey. http://www.mrci.ie/

Kala Xiriir:

Iskaashiga Bulshooyinka Cusub

Iskaashiga Bulshooyinka Cusub (NCP) shabakad qaran oo madax-bannaan oo ah 175 kooxo oo hormuud u ah soogalootiga kuwaasoo ay kubahoobeen 65 wadan xafiisna kuleh gobolka Dublin iyo gobolka Cork oo ay gaaraan magaalooyinka kale. Waxay bixiyaan taageerada xuquuqda shaqaaleysiinta, codsiyada dhalashada, daryeelka bulshada, waxbarashada, caafimaadka, isdhexgalka iyo hoyga. Liiska xubnaha oo dhameystiran waxaa laga heli karaa webseedkooda. https://www.newcommunities.ie/

Kala Xiriir:

Xarunta Caawinta Soo galootiga Clare (CISC)

Xarunta Caawinta Muhaajiriinta ee Clare (CISC) waxay siisaa adeegyo iyo barnaamijyo bilaash ah muhaajiriinta ay ka mid yihiin qaxootiga iyo magangalyo-doonka ka tirsan County Clare, oo ay ku jiraan adeegga hoos u dhaca, taageerada kiis shaqsiyeed, barnaamijyada luqadda Ingiriisiga iyo shaqada bulshada iyo wacyigalinta. http://www.clareimmigrantsupportcentre.com/

Kala Xiriir:

Rugta Caafimaadka Caawinta Soo galootiga

Rugta Caafimaadka Caawinta Soo galootiga.Waxay bixisaa warbixin bilaash ah, talabixin,u doodid iyo caawin qof-qof ee bulshooyinka soo galootiga kusugan gobolka Kilkenny. Waxay furan tahay maalmaha Isniinta laga bilaabo 10 – 1pm, dabaqa kore Xarunta Khayraadka Qoyska ee Fr. McGrath kaliya xilliyada la shaqeynayo. http://frmcgrathcentre.ie/immigrant-support-clinic/

Kala Xiriir Theresa Delahunty:

Xarunta Khayraadka Caalamiga Tralee (TIRC)

TIRC Caawinta isdhexgalka udhaxayso bulshooyinka maxalliga iyo caalamiga gobolka Kerry iyagoo bixinaya adeegyada caawinta ee magangalyo-doonka, qaxootiga iyo bulshooyinka soo galootiga ballaaran ee kusugan Tralee. Waxay kashaqeeyaan xarun la tago oo dhexdhexaad ah oo udhexeyso iskaashiga hay’adaha dhexdooda si loo gaaro isdhex gal weyn. https://tirc.ie/

Kala Xiriir:


Macluumaadka la Xiriira