U doodista & Gargaar Sharci

UNHCR waxa ay ku baaqaysaa in la sii daayo qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee sida sharci darada ah loogu hayo xabsiga Libya lana soo afjaro. iyada oo loo marayo samaynta nidaam dib-u-eegis garsoor oo waafaqsan heshiiskii Berlin iyo horumarinta badelka xabsiga. Ayada oo la tixgalinaayo baahiyaha bini’aadinimo ee degdega ah, UNHCR waxa ay ku bixisaa xarumaha dadka lagu hayo gargaarka bini’aadinimo iyo mid caafimaad oo nafta lagu badbaadiyo ayada oo ujeedadu tahay in la xaqiijiyo helitaanka dabagal ilaalin,aqoonsi,xaqiijin, u doodista sii daynta iyo raadinta badelka xabsiga. Howlaha UNHCR ay ka qabato xarumaha dadka lagu hayo ma matalaan siyaasada xabsiga ee Libya.

Waxaan hadda ku xiranahay xarun xabsi. Ma UNHCR ayaa u doodi karta sii-deyntayda?

UNHCR waxay u dooddaa sii-deynta dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku jira xabsiga. UNHCR waxay booqashooyin ku tagtaa xarumaha xabsiga rasmiga ah ee hoos yimaada Maamulka La-dagaallanka Tahriibka Sharci-darrada ah (DCIM). Xaruumaha xabsiga, UNHCR iyo hay’adaha la-hawlgalaya waxay bixiyaan gargaar badbaado-nololeed, oo ay ku jiraan qaybinta agabka nadaafadda iyo agabka gargaarka aasaasiga ah ee kale, iyo mararka qaarkood cabitaanno fudud marka si weyn loogu baahdo.

Waxaan hadda ku xiranahay xarun xabsi, waxaana rabaa inaan iska diiwaangeliyo UNHCR. Maxaan sameyn karaa?

UNHCR ma sameyso hawlaha diiwaangelinta gudaha xarumaha xabsiga. Si kastaba ha ahaatee, UNHCR waxay u doodi doontaa sii-deyntaada, marka lagu sii daayana waxaa laguu gudbin doonaa xarunta diiwaangelinta UNHCR, waxaana laguu qaban doonaa ballan diiwaangelin.

Waxaan waayay xiriirkii qaraabadayda oo la xiray. Ma iga caawin kartaan helitaankiisa/keeda?

You can call UNHCR Tawasul Call center: 1504 and provide the details of your relative.

UNHCR undertakes visits to official detention centres which fall under the jurisdiction of the Directorate for Combatting Illegal Migration (DCIM) in order to verify the people UNHCR serves. If/when UNHCR locates your relative, and if your relative gives his/her consent, you will be contacted.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya
>> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta