Dib u Midaynta Qoyska & Dib-ugu-noqoshada dalkaaga si ikhtiyaari ah

Fiiro Gaar ah!  Dhammaan adeegyada UNHCR waa BILAASH!

Waxaan rabaa in la igu mideeyo qoyskeyga oo ku sugan dal saddexaad. Ma UNHCR ayaa i caawin karta?

Iyadoo ku xiran dalka ay xubnaha qoyskaagu joogaan, habraacyadu way kala duwanaan karaan, mararka qaarna UNHCR waxay awood u yeelan kartaa inay taageero bixiso; si kastaba ha ahaatee, fursadaha mideynta qoyska waa kuwo aad u kooban waxayna ku xiran yihiin sharciyada dalka ay xubnaha qoyska joogaan. U-qalmitaanka mideynta qoyska waxaa sidoo kale saameyn kara arrimo sida da’da, xaaladda guurka, iyo nooca xiriirka qoyska.

Haddii horey laguu wareystay UNHCR arrinta mideynta qoyska, UNHCR way kula soo xiriiri doontaa marka/ haddii codsigaaga mideynta qoyska la aqbalo.Haddii aadan UNHCR u sheegin xubnaha qoyskaaga ee ku sugan dalal kale, waa inaad wacdaa xarunta wicitaanka Tawasul ee UNHCR: 1504 si aad u bixiso faahfaahinta xubnaha qoyska, sida aad ula xiriirto, iyo dalka ay joogaan, UNHCR-na waxay qiimeyn doontaa in ay suurtagal tahay in la bilaabo habka mideynta qoyska. Fadlan ogow in mideynta qoyska ay tahay hab dheer oo qaadan kara waqti badan in la dhameeyo, natiijooyinkuna lama dammaanad qaadi karo.

Waxaan rabaa inaan ku laabto dalkayga. Ma UNHCR ayaa i caawin karta?

UNHCR waxay ka go’an tahay in ay hubiso in soo noqoshadu ku dhacdo xaalado ammaan iyo sharaf leh. UNHCR waxay sidoo kale ku siin kartaa macluumaad ku saabsan xaaladda dalkaaga si ay kaaga caawiso inaad qaadato go’aan xog ogaal ah. Xaalado badan, UNHCR, IOM, ama hay’ado kale ayaa bixin kara kharashka safarkaaga, waxayna sidoo kale ku siin karaan kaalmo dhaqaale iyo taageero kale markaad gaarto dalkaaga.

 

Haddii aad rabto macluumaad ku saabsan suurtagalnimada ku noqoshada dalkaaga hooyo, fadlan wac khadka Tawasul ee 1504.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya
>> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta