Dib u Midaynta Qoyska & Dib-ugu-noqoshada dalkaaga si ikhtiyaari ah

Fiiro Gaar ah!  Dhammaan adeegyada UNHCR waa BILAASH!

Waxaan rabaa in aan qoyskayga dib ugula midoobo waddan saddexaad. UNHCR miyey I caawin kartaa?

Iyadoo oo ay ku xirantahay wadanka ay joogaan xubnaha qoyska, hadana, waa ay kala duwan yihiin nidaamyada dalalka qaar, UNHCR waxaa laga yabaa in ay bixiso taageero, hasa-yeeshee fursadaha dib-umideenta qoyska ayaa aad u xadidan yihiin.

Hadii UNHCR ay kaa qaaday waraysida dib-umidaynta qoyska, isla UNHCR ayaa kula soo xiriri doonta marka codsigu uu noqdo mid natiijo fiican laga gaaro.

Hadii aadan UNHCR u sheegin xubinta qoyska ee joogta wadamada kale, waa inaa.

Wacdaa qeebta badbaadada/xaq-dhowrka UNHCR adigoo wacaya qadka furan ee 📞 0917127644 si aad u siiso xubinta qowska ka tirsan, waxa aad iskutihiin, wadamada ay daganyihiin, UNHCR ayaa qiimeen doonto inay suurto gal tahay in la bilaabo nidaamka isku keenida qawska iyo in kale.

Waxaan rabaa inaan did ugu laabto wadankaygi. Miyey UNHCR I cawin kartaa?

UNHCR waxaa ka go’an iney hubiso in dib-ucelinta ay u dhacdo hanaan badbaado iyo Sharaf ku dheehan tahay. UNHCR waxaa laga yabaa iney ku siiso maclumadka xalada dalkaaga si ay kaaga caawiso inaad qaadato go’aan xog ogaal ah. Mararka qaar, UNHCR, IOM, ama hay’ado kale ayaa bixin kara kharashaadka safarkaaga, waxayna ku siin karaan kaalmo dhaqaale iyo caawimaado kale markaad wadankaga tagtid.

Hadaa donaysid maclumaad ku sabsaan in ay macquul tahay ku laabashada wadankaaga, fadlan wac qadka Tawasul 📞 1404.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya >> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta