Diiwaan-gelin

FIIRO GAAR AH! DHAMMAAN adeegyada UNHCR waa bilaash!

Sideen isku diiwaangelin karaa UNHCR?

Diiwaangelinta dadka magangelyo doonka ah ee Libya waxaa maamula UNHCR. Mas’uuliyiinta Libya waxay u oggolaadaan UNHCR oo keliya inay diiwaangeliso dad ka socda jinsiyado gaar ah.

Waxaad wici kartaa khadka diiwaangelinta ee 0911633466 ama WhatsApp 0910019417 / 0916998581, shaqaalaha diiwaangelintuna waxay ku siin doonaan talooyin ku saabsan habraacyada diiwaangelinta. Haddii aad u qalanto, waxaa laguu qaban doonaa ballan aad kula kulanto shaqaalaha UNHCR ee Tripoli ama meel kale oo diiwaangelintu ka dhaceyso. Inta lagu jiro wareysiga diiwaangelinta, UNHCR waxay kaa ururin doontaa macluumaad adiga kugu saabsan, oo ay ku jiraan magacaaga, taariikhda dhalashada, meesha aad ka timid, iyo sababta aad uga tagtay dalkaaga.

Maxaan keenaa marka aan tagayo wareysiga diiwaangelinta?

Dhammaan xubnaha qoyskaaga (xaaskaaga/ninkaaga, carruurta ama xubnaha kale ee qoyska dhow) waa inay kula joogaan maalinta diiwaangelinta.

Waa inaad keentaa dhammaan dukumeentiyada asalka ah ee aad haysato, oo ay ku jiraan:

  • Baasaboorka

  • Kaarka aqoonsiga qaranka

  • Shahaadada dhalashada

  • Ogolaanshaha shaqada

  • Dukumeentiyada la xiriira xaaladda guurkaaga

  • Diiwaannada waxbarashada

  • Shahaadooyinka qaxootinimada ama magangelyo-doonka ee ay bixiyeen UNHCR ama dowlado kale

  • Dukumeenti kasta oo rasmi ah oo ku saabsan aqoonsigaaga

Waxaad sidoo kale keeni kartaa dukumeenti kale haddii aad u maleyneyso inay la xiriiraan sababta aad uga tagtay dalkaaga.

Fadlan ogow in xitaa haddii aadan haysan wax dukumeenti ah, weli waad iska diiwaangelin kartaa UNHCR.

Sideen u cusboonaysiin karaa dukumeentigayga UNHCR?

Waxaad wici kartaa khadka diiwaangelinta ee 0911633466 ama WhatsApp 0910019417 / 0916998581. Waxaa laguu qaban doonaa ballan aad kula kulanto UNHCR ee Tripoli ama meel kale.

Sideen u cusboonaysiin karaa faahfaahinta xiriirkayga?

Waxaad fariin u diri kartaa khadka diiwaangelinta ee 0911633466 ama WhatsApp 0910019417 / 0916998581 adigoo ku daraya lambarka kiiskaaga UNHCR, cinwaankaaga cusub iyo macluumaadka xiriirka. Waxaad fariinta ku diri kartaa SMS, WhatsApp, ama Viber.

Faahfaahinta xiriirkaaga waxaa lagu cusboonaysiin doonaa keydka xogtayada muddo toddoba maalmood oo shaqo gudahood.

Faylkayga waa la xiray. Sideen u codsan karaa in dib loo furo?

Haddii faylkaaga la xiray ama la joojiyay, waxaad u baahan tahay inaad la xiriirto khadka diiwaangelinta ee 0911633466 ama WhatsApp 0910019417 / 0916998581 oo aad qabsato ballan diiwaangelin. Maalinta ballanta, UNHCR waxay kaa codsan doontaa inaad buuxiso foom si loo ururiyo macluumaadka loo baahan yahay si dib loogu furo ama loo kiciyo faylkaaga. Fadlan la imow baasaboorkaaga iyo dhammaan dukumeentiyada aqoonsigaaga.

Waxaan hadda ku xiranahay xarun xabsi, waxaana rabaa inaan iska diiwaangeliyo UNHCR. Maxaan sameeyaa?

UNHCR ma sameyso hawlaha diiwaangelinta gudaha xarumaha xabsiga. Si kastaba ha ahaatee, UNHCR waxay u doodi doontaa sii-deyntaada, marka lagu sii daayana waxaa laguu qaban doonaa ballan diiwaangelin.


<< Ku laabo bogga hore ee Liibiya
>> Ka dooro waddan kale bogga Caawinaanta