Macluumaad Muhiim ah oo ku Saabsan Gelitaanka Liibiya


Qaab-dhismeedka Sharci ee Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka ee Liibiya

Qaxootiga iyo magangelyo-doonka qorsheynaya inay galaan ama ku safraan gudaha Liibiya waa inay ogaadaan in waddanku fuliyo sharciyo gaar ah oo nidaaminaya gelitaanka, joogitaanka, iyo ka bixitaanka dhammaan ajaanibta. Xeerarkan waxaa ugu horreyn lagu qeexay:

  • Sharciga Lr. 2 ee sannadka 2004, kaas oo wax ka beddelaya Sharciga Lr. 6 ee sannadka 1987 ee ku saabsan nidaaminta gelitaanka, deganaanshaha, iyo bixitaanka ajaanibta.
  • Sharciga Lr. 19 ee sannadka 2010 ee la-dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Shuruudaha Gelitaanka iyo Deganaanshaha

  • Gelitaanka iyo bixitaanka waa inay ka dhacaan oo keliya meelaha xuduudaha rasmiga ah iyo oggolaanshaha hay’adaha awoodda leh.
  • Dhammaan ajaanibta waa inay haystaan fiiso sax ah ama dukumenti gelitaan oo u dhigma oo ay bixiyeen hay’adaha Liibiya ka hor inta aysan dalka soo gelin.
  • Muddada iyo shuruudaha joogitaanka waxaa go’aamiya hay’adaha awoodda leh iyada oo loo marayo xeerarka fulinta ee khuseeya.

Ciqaabaha Joogitaanka Sharci-darrada ah

  • Sharciga Liibiya wuxuu dhigaa ciqaabo ku saabsan gelitaanka, joogitaanka, ama bixitaanka sharci-darrada ah.
  • Shakhsiyaadka aan haysan fiiso sax ah ama oggolaansho deganaansho waxay la kulmi karaan:

    • Xabsi
    • Ganaax lacageed oo aan ka yarayn 2,000 diinarka Liibiya (Qodobka 19 ee Sharciga Lr. 2 ee 2004).

Qaxootiga iyo magangelyo-doonka waxaa si xoog leh loogu dhiirrigelinayaa inay raacaan habraacyada gelitaanka iyo deganaanshaha ee sharciga ah isla markaana ay raadsadaan macluumaad sax ah si ay uga fogaadaan xarig, xabsi, ama dhibaatooyin kale oo sharci.

 

Ficillada Lagu Ciqaabo Sharciga Liibiya

Ficillada soo socda waxaa lagu ciqaabaa sharciga Liibiya, iyadoo ciqaabtu ay ka mid tahay xabsi (1–5 sano), ganaax lacageed, iyo masaafurin kadib marka ciqaabta la dhammeeyo:

  • Gelitaanka Liibiya si sharci-darro ah ama ka bixitaanka meelaha aan rasmiga ahayn
  • Aan haysan dukumenti sax ah
  • Aan haysan oggolaansho deganaansho oo sax ah

Aqoon-la’aanta sharciga looma aqbalo cudurdaar ahaan.

  • Qodobka (3) ee Xeerka Ciqaabta: “Aqoon-la’aanta sharciga dambiyada looma adeegsan karo cudurdaar falka.”
  • Qodobka (4): Qodobadani waxay khuseeyaan qof kasta oo Liibiyaan ah ama ajnabi ah oo gudaha dhulka Liibiya ku gala dembi lagu sheegay:
    • Sharciga Lr. 6 ee 1987 (gelitaanka, joogitaanka, iyo bixitaanka ajaanibta)
    • Sharciga Lr. 19 ee 2010 (la-dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah)