Refugee.Info
Bogga Refugee.Info, waxaad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan mowduucyo sida habka magangalyada, xuquuqda sharciga, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, shaqada iyo kuwo kale oo badan, oo ay ku jiraan adeegyada laga heli karo Giriigga ee ay bixiyaan ururada bixiya caawinta iyo taageerada. Ujeeddadu waa in la daboolo farqiga macluumaadka ee badanaa ka jira qaxootiga, in la bixiyo taageero, in dadka laga caawiyo inay helaan adeegyo, iyo inay ku dhaqmaan xuquuqdooda.
Bogga Refugee.Info, waxaad ka heli kartaa:
Macluumaad ku qoran Ingiriisi, Carabi, Urdu, Faransiis, Farsi, Soomaali iyo Yukreeniyaan.
Macluumaad sax ah | Casri ah | Xilliyeed | Waxtar leh
Booqo bogga Refugee.Info ee https://greece.refugee.info/
Sida loo isticmaalo bogga
Macluumaad: Guji “INFORMATION” ee ku yaal menu-ga si aad u aragto liiska dhammaan mowduucyada.
Adeegyada: Guji erayga “SERVICES” si aad u aragto dhammaan qaybaha adeegyada dadweynaha iyo NGO-yada ee aaggaaga Giriigga.
Dir fariin ku saabsan Messenger ama WhatsApp
Raac boggayaga Facebook oo iska diiwaangeli kanaalada Telegram iyo WhatsApp
Haddii aad jeclaan lahayd inaad la hadasho mid ka mid ah xubnaha kooxda, u dir qoraalkaaga adoo adeegsanaya Facebook messenger mid ka mid ah luqadaha kor ku xusan.
Fadlan ogow in kooxda Refugee.Info ay ixtiraamto oo ilaaliso amniga iyo qarsoodiga macluumaadka aad wadaagi doonto.
Tilmaamaha loogu talagalay Magangalyo-doonka & Qaxootiga
Labadan Hagayaal waxay taxaan adeeg-bixiyeyaasha loogu talagalay magangelyo-doonka iyo qaxootiga jooga Athens iyo Thessaloniki iyadoo loo eegayo siday u kala horreeyaan waxaana soo saara Refugee.Info oo kaashanaysa UNHCR. Ururada ku qoran hagahani waxay baxshaan gargaar bilaash ah. Adeegyada waxaa ka mid ah daryeelka caafimaadka, la-talin bulsho, taageerada maskaxda, adeegyada daryeelka iyo nadaafadda, gargaarka sharciga, cuntada, hoyga, gargaarka agab, waxbarashada, adeegyada dadka la nool HIV/AIDS, iyo sidoo kale adeegyada dadka lagu takooro sababo la xiriira aqoonsigooda jinsi iyo/ama nooca galmo ee ay doortaan.
Hagaha waxaa sidoo kale ku jira hay’ado madaxa banaan oo aad kaalmo ka raadsan karto haddii ay xuquuqdaada ku xadgudbaan goobaha bixiya adeegyada dadweynaha, shirkado gaar loo leeyahay, ashqaas caadi ah ama kuwo sharciyeed.
Hagaha Athens
Hagaha Athens waxaa halkan lagaga heli karaa.
Hagaha Thessaloniki
Hagaha Thessaloniki waxaa laga halkan laga heli karaa.
Khadiyadaha waxtarka leh iyo adeegyada ee Giriigga
Xarumaha caawinta iyo waraaqaha adeegga ee waxtarka leh ayaa halkan lagu heli karaa af-Soomaali.
Hoyga iyo Qaybinta Cuntada iyo Alaabta Aasaasiga ah ee Athens
Waraaqaha qaybinta cuntada iyo alaabta aasaasiga ah ee af-Soomaali ayaa halkan lagu heli karaa.
Qaybta “adeegyada kale” ee websaydkan nala hawlgala ee HELP waxa ku jiri kara tixraacyo iyo tilmaamo ka socda websaydyo qolyo saddexaad leeyihiin. Goobaha ku xiriirsan UNHCR ma maareyso, markaas UNHCR kama masuul aha waxa ku qoran goob kasta oo ku xiran bogga. UNHCR waxay tixraacyadan u bixisaa ujeedooyin baariseed iyo macluumaad bixin, ku soo darista linkiga ama tixraacu kama dhigna in bogga la tixraacay ay ayidsan tahay UNHCR.