Xeerka dharka hoos Gahshiga

Xeerka dharka hoos Gahshiga (ka Daawo muuqalka halkan here)  waa hage fudud oo ka caawinaya waalidiinta inay u sharxaan carruurta meelaha ay tahay in dadka kale aanay isku dayin inay ka taabtaan, sida looga falceliyo iyo halka laga raadsado caawimo. Waa maxay xeerka dharka hoos-gashigu? waa fudayd: Ilmaha waa in aanay dadka kale ka  taaban qaybaha jidhka ah ee ay sida caadiga ah ugu xidhan yihiin nigistoodu/hoos gashigooda . Waana inaysan iyaguna ka  taaban dadka kale meelaahaas. Waxa kale oo uu ka caawiyaa in  uu u sharaxo carruurta inay jidhkooda iyagu  leeyahay, iyo inay jiraan siro wanaagsan iyo kuwo  xun iyo taabashooyin wanaagsan iyo kuwa xun.

Shantii carruur ah mid ka mid ah ayaa dhibane u ah nooc ka mid ah xadgudubka galmada iyo rabshadaha. Waxay ku dhacdaa carruurta jinsi kasta, da ‘kasta, iyo midab kasta oo ay yihiin, darajo walba oo ay kaga jiraan bulshada iyo diin walba oo ay haystaan.Dembiiluhu inta badan waa qof uu ilmuhu garanayo oo aaminsan yahay. Dembiilaha sidoo kale wuxuu noqon karaa ilmo.

Waxaad gacan ka geysan kartaa ka hortagga in tani ku dhacdo ilmahaaga: Xidhiidh wanaagsa oo ilamaha aad al yeelato waa furaha. Waxa ay tusinaysaa furfurnaan, ka  go’aanaasho, toosnaan iyo saaxiibtinimo,jawi aan cabsi gelin lahayn. Xeerka dharka hoos-gashiga ayaa kaa caawin kara arrintan. Ilmuhu marnaba aad ugama yaraan karo in la baro Xeerk Dharka Hoos-Gashiga sababta oo ah xad gudubku wuxuu ku dnici karaa dhamaan da’aha. Hadii aad nafis ku dareemi waydo inaad kala hadasho mawduucan ilamahaaga, fadlan xasuusnow in ay u badantahay adiga ka qof wayn ahaan inay in badankugu adaakanayso inta ay ku adkaanayso ilmaha yar.

Carruurtu waa inay ogaadaan inay jiraan xirfadlayaal si gaar ah u caawin kara (macalimiin, shaqaalaha arrimaha bulsho, dhexdhexaadiyeyaasha/ cabasho dhageystayaasha, dhakhaatiirta,  cilmi-nafsiyahanada dugsiga, booliiska) iyo in ay jiraan khadadka caawimada oo ay carruurtu wici karaan si ay talo u raadsadaan.

Wixii macluumaad ah ee intaa dheer, fadlan jeeg garee dukumentigan here