Khadka caawinta Helplines


1) 1056 - Khadka caawinta Qaranka ee Carruurta SOS (Dhoola cadaynata cunnuga)

Bilaash,24 saac/ ee maalinkii. Waxa jira koox turjumaano ah oo mutadawiciin ah oo ku hadla luuqadaha Carabiga iyo Faarsiga Khadka caawimaadkuna waxa uu ku xidhanyahay teleefan lambarka 112 ee arrimaha deg-dega ah ee yurubiyaanka iyo sidaas oo kale urrurka SAWA.

Hadafka ugu weyn ee khadka caawinta waa in la ilaaliyo lana difaaco xuquuqda carruurta.

Waxay aqbashaa warbixinada ku saabsan carruurta – dhibanayaasha u ah xadgudubka.

Waxay faro galisaa Goobta hadii ay khatar ku jiraan.

Taageerada cilmi nafsiga ee carruurta iyo dhalinyarada iyo la-talinta waalidiinta iyo barayaasha ayay bixisaa.

Macluumaadka iyo wacyi galinta arrimaha khuseeya  xuquuqda iyo ilaalinta carruurta.

Wadahadalka telefoonka  mudnaan ayaa la siiyey oo LAMA duubo.

Khadka Caawinta waxa iska leh Khadka Taleefanka ee Shabakadda Caalamiga ah (Khadka Caawinta Carruurta ee Caalamiga ah).


2) kala shekeysiga 1056 codsiga

La sheekeysiga codsiga 1056 wuxuu ka koobanyahay kordhinta Khadka caawimaada  Qaranka ee loogu talagalay Carruurta SOS 1056.  Waa wado cusub oo toos ah oo loogu talagalay xirriirka caruurta kaas oo in badan  amaan u ah in lagu wada xidhiidho qoraal.
Iyada oo loo marayo codsiga wada sheekeeysiga 1056, carruurtu waxay ka helaan adeegyo la-talin iyo taageero onlayn ah. Codsiga wada sheekeysiga 1056 wuxuu soo bandhigaa  astaamo u gaar ah, isagoo ku dhiirigelinaya carruurta inay naftooda ku muujiyaan deegaan amaan ah;

  • Carruurta ayaa si khaas loogu tala galay
  • Waa lacag la’aan waana qarsoodi
  • La heli karo oo u shaqayn kara si kastba
  • Hawl gala 24 saac ee asbuuca iyo 365 cisho ee sanadka
  • Waxaa laga shaqaaleesiiyay Dhakhaatiirta Cilmi-nafsiga ee khibradda leh iyo Shaqaale Bulsho oo bixiya caawimo- wax ku ool ah
  • wuxuu Ilaaliyaa carruurta iyadoo uu bixinayo amaan buuxa inta  lagu gudo jiro wada sheekeysiga

Wixii macluumaad dheeraad ah: https://www.hamogelo.gr/gr/en/paidia-thimata-vias:chat-1056/


3) 1107 - Khadka caawinta Qaranka ee loogu talagalay ilaalada Carruurta

Bilaash, 24 saac/ ee maalinkii

Macluumaad si toos ah loo heli kero iyo la talin lagu bixinayo xaaladaha deg-dega ah, iyo sidoo kale taageerada bulsho iyo mida maskaxiyinta ah ee arrimaha  dbibaatada ku ah carruurta iyo dhalin-yarada iyo ama hadii ay khatar ku jiraan.

Isku xirka adeegyada  xirfada ah, ee  abaabulida xaaladaha deg dega ah ee hababka wax ka qabadka farsamooyinka.

Waalidiintu waxay helaan macluumaad iyo la-talin ku saabsan arrimaha khuseeya carruurtooda iyo kaalintooda waalidnimo.

Waa qayb ka mid ah Xarunta Qaranka ee loogu tala galay isku duubnaanta bulshada ee Wasaarada Shaqaalaysiinta, Amaanka Bulshada iyo Taburucadka.

Waxa la aasaasay Maarso 2012 waxayna qabataa baaqyada khuseeya nooc kasta oo ka mid ah Rabshada ka dhanka ah carruurta iyo dhalin-yarada.   khadka caawimadaa  degdega/tooska  ah ee bulshada ee 197 waxa uu  ka mid yahay shabakado adeegyo ah oo ay bixiso Xarunta Qaranka ee loogu tala galay Wada-Jirka Bulshada.


4) 116111 - Khadka caawimaadka yurubiyaanka ah ee loogu tala galay caruurta iyo dhalin-yarada (Dhoola cadaynta ilamaha)

Bilaash, 24 saac/ ee maalinkii. Waxa jira koox turjumaano ah oo mutadawiciin ah oo ku hadla luuqadaha Carabiga iyo Faarsiga Khadka caawimaadkuna waxa uu ku xidhanyahay teleefan lambarka 112 ee arrimaha deg-dega ah ee yurubiyaanka iyo sidaas oo kale urrurka SAWA.

Khadka caawimaadu wuxuu bixinayaa waanooyin iyo Taageerada cilmi nafsiga ee carruurta, dhalinyarada , waalidiinta iyo barayaasha hadii ay jiraan wax ay dhibsanayaan.

Lanbarkan waxa uu khuseeyaa dhammaan wadamada Yurub! Wadahadalka telefoonka waa la maamusayaa.

Khadka Caawinta waxa iska leh Khadka Taleefanka ee Shabakadda Caalamiga ah (Khadka Caawinta Carruurta ee Caalamiga ah).


5) 80011/80015 - khadka caawinta ”TAAGEERADA”

Bilaash, Isniin ilaa jimce: 9:00 suabaxnimo – 3:00 galabnimo

Waaxda caafimaadka dhalin-yarada ee B’ Dhakhaatiirta carruurta  ee cisbitaalka jaamacada  Athens, wuxuu ku  shaqeeyaa TAAGEERADA  Khadka caawimaadka ee 80011 80015 ee Xarunta Wacyigelinta/baraarujinta  Giriigga ee badbaadada inteerneetka , oo hoos imanaysa dallada Komishanka Yurub.

Waxay khusaysaa carruurta yaryar iyo qoysaskooda.

Waxay bixisaa taageero iyo kala la-talin ku saabsan arrimaha la xiriira isticmaalka internet-ka, taleefoonnada gacanta, iyo ciyaaraha elektaroonigga ah (khashkhashaadka, balwadda, walxaha waxyeellada leh, u galmoodka carruurta yaryar, iwm.)


6) 11525 - Khadka caawimaada “Si wadajir loogu tala galay caruurta” ee haayada “wadajirka loogu tala galay caruurta”

Kharashka wicitaanka maxalliga ah, Isniinta ilaa Jimcaha : 9:00 subaxnimo – 9:00 galabnimo

La-talinta carruurta, dhalinyarada, waalidiinta iyo macalimiinta.

La-talin bilaash ah oo taageerta caafimaadka maskaxda ee carruurta, oo ku saabsan arrimaha rabshadaha qoyska iyo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.


7) 8001132000 - Khadka caawinta ee carruurta, Cabasho dhagaystaha ee loogu tala galay carruurta

Bilaash, Isniin ilaa Jimce: 9:00 subaxnimo – 4:00 galabnimo.

Khadka caawinta ee Cabasha dhagaystuhu wuxuu aqbala wicitaannada carruurta iyo da’yarta  ilaa 18 sano jirka ah.


8) 11188 - Qayb-hoosaadka Unugga Dambiyada Internetka (Wasaaradda Nidaamka Dadweynaha iyo Ilaalinta Muwaadinka)

Muwaadiniintu waxay u jeesan karaan qaybta dambiyada internetka si ay uga warbixiyaan falalka dembiyada ee laga geysto internetka iyo arrimaha ku saabsan ilaalinta carruurta yaryar,  sida fillimada dhaqanka xun ee ilamaha iyo in la sasabto ilamaha yar iyada oo la adeegsanayo shabakada inteerneetka iwm.

Muwaadiniinta sidoo kale waxaa loo gudbiyaa khadka caawinta 2106476464.

+30 2132128888 iyo +30 6942773030  Farsamada ka Jawaab bixinta Deg dega ah ee Qaranka (NERM) oo ah Khadka telefoonka ee carruurta aan lala socon ee ku jira xaalado nololeed oo khatar ah

WAC  Farsamada Jawaab bixinta Deg dega ah ee Qaranka (NERM), Xoghaynta Gaarka ah ee Ilaalinta ee UAM (SSPUAM –Wasaaradda socdaalka iyo magangalyada), ee dhammaan carruurta aan lala socon ee ku jira xaalad khatar ah.


9) Khadka caawimaadka ee NERM waxay gacan ka geysataa sidii loo aqoonsan lahaa loona heli lahaa carruurta baahan

  • (0030- 2132128888 και 0030- 6942773030, WhatsApp ahaan ή Viber) waxaa diyaar ku ah 6 luqadood, iyo maalmaha iyo saacadaha soo socda:

Isniin – Jimco 08:00 – 22:00

Sabti 11:00 – 19:00

Khadka caawimaadka iyo qaybaha dhaqdhaqaaqa/abaabulka ee xarunta:

  • Waxay hubiyaan in carruurta aysan waligood la kulmin khataraha xadgudubka ama dhiig-miirashada ee waddooyinka.
  • Caawimaadka soo helitaanka iyo ilaalinta dhallaanka aan lala socon ee ah guri la’aanta ama ku jira xaalado nololeed oo khatar ah.
  • Bixinta hoy si deg deg ah.
  • In la fududeeyo diiwaangelinta degdega ah ee maamulka deegaanka.
  • bixinta taageero maskaxeed, sharci, iyo mid caafimaad iyo turjumaad.
  • Dabaqida/ku dhaqanka qiimeynta xiisaha ugu wanaagsan.

 


10) 116000 – Khadka Tooska ah ee caruurta la waysan yahay (Dhoola cadaynta ilamaha qaranka)

Dhoola-caddaynta Ilmaha waa hawl wadeenka qaranka Giriiga ee 116000 Khadka Tooska ah ee Yurub ee Carruurta la waysan yahay / maqan, isaga oo taageero bilaash ah siiya carruurta la waayay iyo qoysaskooda.

Bilaash, 24 saac/ ee maalinkii.  Waxa jira koox turjumaano ah oo mutadawiciin ah oo ku hadla luuqadaha Carabiga iyo Faarsiga Khadka caawimaadkuna waxa uu ku xidhanyahay teleefan lambarka 112 ee arrimaha deg-dega ah ee yurubiyaanka iyo sidaas oo kale urrurka SAWA.

War-bixinadu iyo wicitaanadu waxay noqon doonaan kuwa qarsoodi ah ama ma —  Caawimaad ayaa al siin doonaa kiisaska carruurta  la waysan yahay/maqan (cararitaanka/baxsashada  da’yarta, afduubka, qafaalashada/afduubka waalidka,  lumitaanka naxdinta leh) Warbixinnada waxaa loo gudbin doonaa mas’uuliyiinta xirfada  u leh.

khadka tooska ah ee 116000 waxaa si gaar ah uga shaqeeya shaqaale bulsho iyo cilmu-nafsi yaqaano la soo xulay waxaana laga heli karaa dalka oo dhan,  24 ka saac ee maalinka iyo 365 cisho ee sanadka

Wicitaannada khadka tooska ah ee 116000, waa lacag la’aan laga bilaabo talefanka layn laynka ah ilaa telefoonka gacanta, laga bilaabo goobaha taleefoonada,  Kaar taleefanka looma baahna, halka isticmaalka kaarka prepaid-ka uu u baahan yahay qaybo aan la heli karin.

Khadka Tooska ah waxaa iska leh khadadka Teleefanada isku xidhka ee Caalamiga ah (Khadka caawimaadka carruurta ee Qaranka ).