لطفاً توجه داشته باشید: تمامی خدمات ارائهشده توسط کمیساریا و شرکای آن رایگان هستند.
Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) waxay waddaa hawlgal lagu xaqiijinayo joogitaanka qaxootiga iyo magangelyo-doonka ka diiwaangashan Suuriya, si loo hubiyo inay ku sugan yihiin gudaha dalka, loo xaqiijiyo saxnaanta xogta diiwaangelinta, loona cusboonaysiiyo diiwaannada, isla markaana loo sii hubiyo helitaanka adeegyada iyo kaalmooyinka.
Dhammaystirka hawlgalka xaqiijinta joogitaanku waa muhiim si faylasha dadka ka diiwaangashan UNHCR ay u sii ahaadaan kuwo firfircoon, loona xaqiijiyo saxnaanta diiwaannada iyo joogitaanka qofka gudaha Suuriya. Waxaan si adag ugu dhiirrigelinaynaa dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ka diiwaangashan UNHCR inay ka qaybqaataan hawlgalkan iyagoo adeegsanaya madasha MyUNHCR. Haddii aadan awoodin inaad hawsha ku dhammaystirto internetka, waxaa jira habab kale oo xaqiijin ah oo diyaar ah.
Ku guuldareysiga dhammaystirka xaqiijinta joogitaanka keligeed ma horseedi doonto xiritaanka ama joojinta faylkaaga, mana saameyn doonto helitaanka adeegyada.
Dhammaystirka xaqiijinta ee madasha MyUNHCR waa ikhtiyaari (voluntary), mana dammaanad qaadayso helitaanka kaalmo, u-qalmitaanka kaalmo, ama faa’iido gaar ah oo shakhsiyeed.
- UNHCR waxay kula soo xiriiri doontaa lambarka taleefanka ee ku diiwaangashan faylkaaga iyada oo adeegsanaysa lambarkeeda rasmiga
- Kahor intaadan la wadaagin wax macluumaad ah, fadlan xaqiiji in fariintu ka timid lambarka rasmiga ah ee UNHCR (ku dar lambarka halkan) iyo in link-ga laguu soo diary uu yahay bogga rasmiga ah ee MyUNHCR: [https://sy.myunhcr.id].
- UNHCR marnaba kuma weydiin doonto inaad , wax qarash ah so lacag, ama la wadaagto furaha sirta ah, PIN, ama macluumaadka akoon bangi.
- Haddii aadan hubin in farriinta ama linkiga dhab ahaan ka yimid UNHCR, ha bixin wax xog shakhsiyeed ah. La xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya lambarka [0988005086] si loo xaqiijiyo.
- Dhammaan xubnaha qoyska ee leh fayl firfircoon oo UNHCR ah waa inay ka qaybqaataan, marka laga reebo carruurta ka yar shan sano. Hadii xubin qoyska ka mid ah aanu joogin waqtigaas, xaqiijinta xubnaha kale waa la sii wadi karaa, waxaana qofka maqan la xaqiijin karaa goor dambe inta lagu jiro muddada lagu sheegay SMS-ka.
- Hadii xubin qoyska ka mid ah aanu ku noolayn Suuriya, uu maqan yahay, xiran yahay, geeriyooday, qoyska ka go’ay, ama aanu awoodin inuu ka qayb galo sabab kasta ha ahaatee, fadlan sheeg sababta.
Dhammeystirka habka xaqiijinta joogitaanka kama maarmo cusboonaysiinta kaarka UNHCR. Fadlan cusboonaysii kaarkaaga UNHCR adigoo raacaya habraacyada caadiga ah ee cusboonaysiinta ka hor taariikhda uu dhacayo, adigoo booqanaya xafiisyada UNHCR.
Haddii aad ka hesho SMS ka yimid lambarka rasmiga ah ee UNHCR oo ay ku jirto xiriir (link) loogu talagalay madasha MyUNHCR, fadlan raac tilmaamahan:
- Fur linkiga rasmiga ah ee MyUNHCR ee laguu soo diray SMS-ka si aad u bilowdo xaqiijinta.
- Gal koontadaada adigoo adeegsanaya hababka xaqiijinta ee la heli karo.
- Xaqiiji xogta xubnaha goyskaaga ee ku qoran faylkaaga UNHCR.
- Raac tilmaamaha si aad sawirrada looga baahan yahay uga qaaddo xubnaha qoyskaaga una dhammaystirto xaqiijinta aqoonsigooda iyo inay nool yihiin.
- Dib u eeg macluumaadka xiriirkaaga iyo cinwaanka degaankaaga, una cusboonaysii haddii loo baahdo.
- Gudbi foomka xaqiijinta joogitaanka.
UNHCR waxay kula soo xiriiri kartaa hadii loo baahdo macluumaad dheeraad ah ama dabagal.
Waa inaad dhammaystirtaa xaqiijinta toddobo (7) maalmood gudahood laga bilaabo taariikhda aad hesho SMS-ka. Hadii aadan awoodin muddadaas gudaheeda, fadlan la xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya kanaallada rasmiga ah ee taageerada si aad u hesho tilmaamo.
Ha welwelin. In kasta oo MyUNHCR ay tahay habka ugu muhiimsan ee xaqiijinta, ma aha habka keliya.
Hadii aadan awoodin inaad isticmaasho MyUNHCR, aadan doonayn inaad isticmaasho, ama aad la kulanto dhibaatooyin inta lagu jiro xaqiijinta, waxaad la xiriiri kartaa UNHCR si aad u ogaato taageerada la heli karo ama hababka kale ee xaqiijinta.
Tani waxay sidoo kale khusaysaa hadii:
- Aadan helin SMS-ka.
- Aadan heli karin ama isticmaali karin qalabka teknoolojiyadda.
- Aad leedahay naafo.
- Aadan mar dambe isticmaalayn lambarka taleefanka ee ku diiwaangashan faylkaaga.
- Aad qabto walaacyo ku saabsan asturnaanta ama ilaalinta.
- Dukumentiyadaadu dhacday.
- Aad la kulanto dhibaatooyin la xiriira iswaafajinta wejiga (face matching).
Waxaad mar walba taageero ka heli kartaa:
- Mutadawiciin lagu kalsoon yahay oo taageera helitaanka adeegyada;
- Xarunta bulshada ee kuugu dhow;
- Khadka caawinta UNHCR ee lambarka :
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110;
- Mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu guda jiro saacadaha talo-bixinta.
Doorashada hab kale oo xaqiijin ah ama baahida loo qabo hab kale ma keeni doonto xiritaanka ama joojinta faylkaaga.
- Haddii aad aaminsan tahay in xogtaadu khaldan tahay, aad qabto walaacyo ku saabsan natiijada xaqiijinta, ama aad u baahan tahay gargaar, waxaad la xiriiri kartaa UNHCR adigoo adeegsanaya kanaallada taageerada ee kor ku xusan.
- Isticmaal oo keliya linkiga xaqiijinta ee laga soo diro lambarka rasmiga ah ee UNHCR, kuna xaqiiji inuu ku geeyo bogga rasmiga ah ee MyUNHCR.
- Ha la wadaagin cidna lambarka xaqiijinta hal mar la isticmaalo (OTP), furaha sirta ah, dukumentiyada aqoonsiga, sawirrada, ama xogtaada diiwaangelinta. Mutadawiciinta iyo shaqaalaha xarumaha bulshada waxay bixin karaan hagid iyo taageero farsamo, laakiin waa inaadan la wadaagin OTP-gaaga ama furaha sirta ah.
- Hadii aad hesho farriin ama linkiga shaki leh, codsi lacag ama adeeg, ama qof ku weydiisto OTP-gaaga ama xogtaada shakhsiyeed, fadlan soo sheeg arrintaas adigoo adeegsanaya xafiisyada UNHCR ama hababka cabashooyinka iyo jawaab celinta ee la ansixiyey.
- Codsashada taageero, bixinta jawaab celin, ama gudbinta cabasho ma saameyn doonto faylkaaga UNHCR ama helitaanka adeegyada UNHCR iyo kuwa la-hawlgalayaasheeda.
Macluumaadkaaga shakhsiyeed waxaa loola dhaqmaa si qarsoodi ah waxaana loo maareeyaa si waafaqsan nidaamka ilaalinta xogta ee UNHCR. Xogta lagu ururiyo hawlgalka xaqiijinta joogitaanka waxaa loo isticmaalaa ujeeddooyin gaar ah oo UNHCR leedahay, oo ay ka mid yihiin xaqiijinta aqoonsigaaga iyo joogitaankaaga gudaha Suuriya, iyo ilaalinta diiwaanno sax ah oo la cusboonaysiiyey.
Kaliya shaqaalaha loo oggolaaday ayaa heli kara xogtaada shakhsiyeed.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan habka ay UNHCR u maamusho xogtaada waxaad ka heli kartaa https://help.unhcr.org/syria/ar/unhcr-privacy-notice/, oo lagu heli karo luqadaha Carabiga, Ingiriisiga, Faarisiga iyo Soomaaliga, lagana gali karo taleefanka gacanta.
- Adiga ayaa laguugu talagalay inaad dhammaystirto xaqiijinta inta aad awooddo. Ka fogow inaad cid kale la wadaagto xogta gelitaanka ama lambarrada xaqiijinta hal mar la isticmaalo (OTP).
- Dhammaan adeegyada UNHCR iyo kuwa la-hawlgalayaasheeda waa bilaash. Marnaba lagama rabo inaad bixiso lacag, hadiyad, adeeg ama wax kale oo magdhow ah si aad u hesho diiwaangelin, xaqiijin, kaalmo ama adeeg kasta oo ay bixiyaan UNHCR ama la-hawlgalayaasheeda.
- Haddii qof kaa codsado lacag, hadiyad ama adeeg isagoo ku bedelanaya adeegyada UNHCR ama kuwa la-hawlgalayaasheeda, fadlan ku soo wargeli arrintaas iyada oo loo marayo xafiisyada UNHCR ama hababka cabashooyinka iyo jawaab celinta ee la ansixiyey.