Failasha lagu hayo daraasada ee habka dib u dejinta

Macluumada xugtan hoos ku quran waxy ku saabsan tahay hadaad case dib u dajin hada

haysto hadaanad hubin inay xaalad jirto , akhri xugtan xaashida(dib u dajinta)

Maxaa dhacaya haddii faylkayga loo doorto dib-u-dejin?

 Hadii faylkaaga loo doortay tixgelin dib-u-dejin, UNHCR way kula soo xidhiidhi doonta oo waxay kugu martiqaadi doontaa waraysi hore. Hadii lagu wareysto, ma jirto damaanad qaad ah in lagu dejin doono.

 Hadii failkaagu u qalmo dib-u-dejin oo loo diro wadanka dib-u-dejinta si loo tixgeliyo, UNHCR waxay ku ogeysiin doonta gudbinta failkaaga dib-u-dejinta ee wadanka lagu cayimay. UNHCR waxay kula soo xiriiri doonta talefoon ku saabsan marxalad kasta oo habka dib u dejinta. Sidaa darteed, aad ayay muhiim u tahay inaad UNHCR la socodsiiso hadii ay dhacdo in nambarka lagaala soo xidhiidho uu isbeddelo.

Yaa go'aanka ugu dambeeya ka gaaraya failkayga dib u dejinta?

Go’aanka kama dambaysta ah ee lagu aqbalayo qaxootiga dib-u-dejintu waxay saaran tahay wadanka dib-u-dejinta ee maaha UNHCR.

Intee in le'eg ayay qaadataa habka dib u dejinta? Maxay u qaadanaysaa waqti dheer in la farsameeyo failkayga dib-u-dejinta?

 Dib-u-dejintu waa hawl aad u dheer, wakhtiga habayntuna way kala duwan tahay iyado loo eegayo wadanka dib-u-dejinta iyo kiis kasta oo gaar ah.

 Hadii UNHCR ay kugu wargeliso khadka dib-u-dejinta in failkaaga loo gudbiyay wadanka dib-u-dejinta, shaqaalaha Waaxda Dib-u-dejinta ayaa kugula talin doona xaaladihii ugu dambeeyay ee failkaaga.

 Ma fududa in la saadaaliyo inta ay qaadan doonto habka dib u dejinta. Sidoo kale suurtagal maaha in la saadaaliyo inta ay qaadanayso in qof si dhab ah uga soo safro Suuriya ka dib marka wadanka dib u dejinta uu aqbalo.

 

 Waxay qaadan kartaa dhowr bilood ama dhowr sano, iyado ku xiran dalka dib u dejinta iyo habraacyadiisa. Marka lagu daro waraysiga hore, wadamada dib u dejinta qaarkood ayaa laga yaabaa inay waraysiyo kale la yeeshaan qaxootiga loo doortay dib u dejinta. Waxaa lagu weydiin doona inaad dalbato baaritaano caafimaad, ka hor safarka waxaad heli doontaa macluumaad dheeraad ah oo ka socda wadanka dib u dejinta.

UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta inta lagu jiro marxaladaha kala duwan ee habka dib u dejinta, laakiin waa muhiim in la sabro maadaama mudada daraasadu ay qaadan karto dhowr sano. Ha iibin alaabtaada hana joojin shaqada ilaa lagu ogeysiiyo taariikhda safarka. Hubi in caruurtaadu aadaan schoolka oo ay helaan aqoon iyo xirfado.

Failkaygii waxaa loo gudbiyay USA, goormaan heli doonaa jawaab?

Xiisada ka taagan dalka Suuriya ayaa hakad galisay hannaanka dib u dejinta ee dalka Mareykanka. Waqtigan xaadirka ah, UNHCR ma garanayso hadii iyo goorta la dhammaystiri doono nidaamka kiiskaaga. Waxaan ognahay  in tani ay tahay xaalad aad u adag oo aysan sahlanayn in la sugo duruufahaas.

UNHCR ma awoodo, fursadaha dib-u-dejinta oo xadidan awgeed, dib uma soo gudbin karto failkaaga wadan kale oo dib-u-dejin ah. UNHCR waxay kula soo xiriiri doontaa khadka dib u dejinta hadii ay jiraan wax cusub oo ku saabsan failkaaga. Dhanka kale, UNHCR waxay kugula talineysaa inaad diirada saarto xaaladaada hada. Taas macnaheedu waa in caruurtu ay sii wadaan waxbarashada, waana inaad sii wadaa shaqada si aad u daboosho guriga iyo kharashaadka qoyskaaga.

Ma dooran karaa dalka aan rabo taas inaan dib u dajiyo?

Maya, qaxootigu ma dooran karaan wadankooda dib u dejinta waxaana jira xulashooyin aad u kooban marka loo eego wadamada dib u dejinta.

Si kastaba ha ahaatee, marka UNHCR ay u soo gudbiso failka dalka dib u dejinta, waxaan hubineynaa in qaxootiga asal ahaan [qoys, dhaqan, luqad, khibrad waxbarasho iyo shaqo], baahi kasta oo gaar ah iyo sidoo kale xiriirka qoyska la tixgeliyo.

Ma la noqon karaa failkayga ka dib marka aan gudbiyo?

Waxaad xaq u leedahay inaad kala noqoto failkaaga codsiga dalka dib u dejinta.

 Si kastaba ha ahaatee, fadlan la soco in ka noqoshada failkaaga aysan macnaheedu ahayn in si toos ah loo tixgelin doono dib u soo gudbinta wadan kale, oo laga yaabo in aan loo tixgelinin dib-u-dejin gebi ahaanba.

 Sidoo kale, dib-u-codsigu waxa laga yaabaa inaanay noqon doorasho hadii aanay jirin dalal diyaar u ah dib-u-dejin.

Maxaa dhacaya hadii dalka dib u dejinta uu diido failkayga?

Hadii wadanka dib udajintu uu diido codsigaga, waxa kula soo xidhiidhi doona wadanka dib udajinta iyo/ama UNHCR oo ay kugula talin doonaan.

 Fadlan ogow in hadii wadanka dib u dajintu uu diido failkaaga, gabi ahaanba wax saamayn ah kuma yeelan doono qaxootinimadaada, sidaas darteed waxaad sii wadi doontaa inaad hesho ilaalinta UNHCR oo aad ka faa’iidaysato dhammaan barnaamijyada iyo adeegyada lagu beegsanayo qaxootiga Suuriya ee aad xaq u leedahay inaad ka faa’iidaysato.

Hadii uu i diido wadan dib-u-dejin ah, UNHCR dib ma u soo gudbinaysaa failkayga wadan kale?

Sababo la xiriira meelaha dib u dejinta ee xadidan ee ay heli karaan qaxootiga Suuriya xilligan, uma badna in failkaaga dib loo soo gudbiyo. UNHCR ayaa ku wargelin doonta hadii failkaagu u qalmo dib-u-codsiga.

Maxaa dhacaya hadii mar hore la igu wareystay dib u dajin, oo uu jiro isbedel ku yimid xaalada qoyskeyga sida guurka, dhalashada ama dhimashada?

Waa inaad isla markiiba u sheegtaa UNHCR wixii isbedel ah ee ku yimaada xubnaha qoyskaaga. Qarinta macluumaadkan waxay si xun u saameyn kartaa astaantaada. Waxaad UNHCR siin kartaa warbixin ku saabsan xaaladaada marka aad waraysi la yeelanayso UNHCR ama adoo wacaya khadka latalinta dib udajinta (0932-113 339). Hadii UNHCR ay u baahato macluumaad dheeri ah ama dukumeenti ku saabsan failkaaga dib u dejinta, koox shaqaale dib u dejin ah ayaa si toos ah kula soo xiriiri doonta. Mar labaad, waa muhiim in la cusboonaysiiyo macluumaadkaaga xidhiidhka si kooxdu kuu soo gaadho hadii loo baahdo.

Hadii la i dejiyo, xubnaha qoyskaygu ma igu soo biiri karaan ka dib?

Aad bay muhiim u tahay inaad sheegto dhamaan xubnaha qoyskaaga inta lagu jiro nidaamka dib-u-dejinta si loogu xuso diiwaannada UNHCR. Ma jirto dammaanad qaad ah in xubnaha qoyskaagu ay awood u yeelan doonaan inay kugu soo biiraan dalka dib-u-dejinta hadhow, sababtoo ah tani waxay ku xirnaan doontaa sharciga iyo heerarka dalka.

Wadamo badan ayaa ku xadidaya shuruudaha isu keenida qoyska ee xubnaha qoyska, waxayna dejiyaan shuruudo dhaqaale oo ay tahay in la buuxiyo ka hor inta aanad kafaala qaadin xubnaha qoyskaaga.

Ma inaan joojiyo shaqada ama waxbarashada marka kiiskeyga loo tixgeliyo dib-u-dejin?

Maya. Xitaa hadii codsigaaga dib-u-dejinta la tixgeliyo, waxay qaadan doontaa waqti dheer in habka la dhammeeyo.

 UNHCR waxay ku dhiirigelinaysaa dadka failalka loo haysto dib-u-dejinta inaysan qaadin wax talaabo ah si ay uga baxaan guryahooda, iibiyaan alaabtooda, joojiyaan shaqada ama ka saaraan carruurtooda shoolka  ilaa laga ogeysiiyo taariikhda bixitaankooda ee la xaqiijiyay.

Helitaanka ruqsada shaqada, ka shaqaynta ama diiwaangelinta dugsiga ma saamaynayso failkaaga dib-u-dejinta ama kaalmada aad ka heli karto UNHCR.

Ma ka shaqayn karaa dalka dib-u-dejinta?

 Qoxootiga la dajiyay waxay xaq u leeyihiin inay ka shaqeeyaan dalka dib u dejinta waxaana laga filayaa inay sidaas sameeyaan si ay naftooda ugu maareeyaan. Adeegyada iyo heerarka taageerada way ku kala duwan yihiin wadamada dib u dejinta. Si kastaba ha ahaatee, maskaxda ku hay in fursadaha shaqadu ay xadidan yihiin, iyo in fursadaha horumarinta xirfadeed ay saameeyaan arrimo kala duwan.

 La qabsiga dalka dib u dajintu aad bay u adkaan kartaa iyadoo ay ugu wacan tahay kala duwanaanshiyaha dhaqanka iyo luuqada, waxaana laga yaabaa inay sabab u tahay kala goynta asxaabta qoyska.

Halkeen ka raadsan karaa caawimaad failkayga dib-u-dejinta?

Haddii UNHCR ay kula soo xiriirto tixgelinta xereyntaada dib-u-dejinta, oo aad qabto su’aalo ama walaac ku saabsan failkaaga, fadlan kala xiriir khadka la-talinta dib-u-dejinta ee 0932 113 339 si aad u hesho kaalmo dheeraad ah.

Related information:   << Back to Resettlement <<<Back to Syria homepage >>> Select another country on our Help page