Macluumaad ku saabsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Suuriya

Waa maxay doorka UNHCR ka qabato Suuriya?

Ujeedada ugu weyn ee UNHCR waa in ay ilaaliso xuquuqda iyo wanaagga dadka lagu qasbay in ay ka cararaan dagaal iyo cadaadis ka socda dalalkii ay ka yimaadeen iyo ilaalinta wanaaga danahuuga . Suuriya, waxaan xafiisyo ku leenahay Dimishiq, Qamishli, Xalab, Xoms, As-Suwayda, Tartous iyo Deir ez-Zor, waxayna ka kooban yihiin dhamaan afar iyo tobanka gobol ee dalka.

UNHCR ee Suuriya waxay dammaanad qaadaysaa gelitaanka hababka ilaalinta caalamiga ah iyada oo ku diwaangelinaysa magangelyo-doonka database-keeda, iyo go’aaminta inay u qalmaan heerka qaxootinimo. UNHCR waxay siisaa dukumeenti magangalyo doon ah iyo qaxootiga ka caawin kara inay sharci daganaan ka helaan Suuriya.

UNHCR waa hay’ada kaliya ee bixisa adeegyada noocaas ah magangalyo-doonka iyo qaxootiga Suuriya.

Yaan caawinaa?

Hay’adda UNHCR ee dalka Suuriya ayaa caawisa dadka aan haysan dhalashada Suuriya ee dalkooda uga soo qaxay dagaal iyo cadaadis oo magangelyo caalami ah ka raadsanaia Suuriya.

Ilaalinta Caalamiga ah:

Baahida loo qabo ilaalinta caalamiga ah (sida ilaalinta uu wadan bixiyo) waxay soo baxdaa marka qofku ka maqan yahay wadankiisa oo aanu awoodin inu ku laabto wadankiisi hooyo sababtoo ah waxay halis ugu jiraan halkaas dagaal iyo/ama cadaadis, iyo wadankoodu ma awoodo ama ma rabo inuu ilaaliyo .

 

  • Magangelyo-doon: Magangalyo-doonku waa qof raadinaya magangalyo caalami ah, oo codsigiisa wali la tixgelinayo. Suuriya gudaheeda, magangalyo-doonka waxaa la siiyaa kaarka aqoonsiga oo ay bixiso UNHCR.

Qaxootiga: Qaxooti waa qofka aan awoodin ama aan doonayn inu ku laabto wadankisi asal ahaan sababto ah cabsi sal leh oo laga qabo in lagu silciyo sababo la xiriira isir, diin, dhalasho, xubin ka mid ah koox bulsho gaar ah ama ra’yi siyaasadeed . Suuriya, qaxootiga waxaa la siiyaa kaarka aqoonsiga oo ay bixiso UNHCR.

Dadka aan haysan jinsiyada: Dadka aan wadan waa dad aan lahayn wax dhalasho ah. Sidaa awgeed waxaa laga yaabaa inay Suuriya kala kulmaan xoogaa dhibaatooyin ah si ay u helaan qayb ka mid ah xuquuqdooda.

Sideen ula xidhiidhi karaa UNHCR ee Suuriya?


Related Information:   << Back to Syria homepage >> Select another country on our Help page