Habka go’aaminta magangalyada

Qaybta go’aaminta magangalyada ayaa mas’uul ka ah go’aaminta in qofka codsaday magangalyada caalamiga ah uu yahay qaxooti sida lagu qeexay qeexitaanka qaxootiga.

Qeexida qaxootiga:

Qaxootigu waa qof ka baxsan wadankii uu asal ahaan ka soo jeeday oo si fiican uga baqaya in lagu dhibaateeyo sababo la xidhiidha jinsiyad, diin, dhalasho, fikrad siyaasadeed ama xubin ka mid ah koox bulsho oo gaar ah, oo aan awoodin ama aan doonayn in uu naftiisa ka faa’iidaysto ilaalinta dalkaas cabsidaas darteed (laga soo xigtay qodobka koowaad (paragraph A2) ee Axdiga Geneva ee 1951 ee laxidhiidha Xaaladda Qaxootiga).

Hadii aanad buuxin qeexida qaxoontiga, laguma siin doono aqoonsi qaxootinimo.

 

Hadii UNHCR ay haysato sababo cadcad oo ay ku rumaysato in qof uu galay dembiyo waaweyn, waxaa laga yaabaa in aanay u qalmin aqoonsiga qaxoontinimo.

Sidee bay u socdaa waraysiga go'aaminta xaaladda qaxootinimo?

Ujeedada waraysiga RSD waa in la ururiyo macluumaadka si loo helo sawir dhamaystiran oo ujeedo leh xaaladaada iyo in la go’aamiyo haddii aad la kulanto qeexida qaxootiga.

 Wareysigu wuxuu inta badan diiradda saarayaa waaya-aragnimadaada wadankaagi, duruufaha kugu kalifay inaad ka soo cararto dalkaagi, iyo sababaha aad u awoodi wayday inaad ku laabato dalkaagi.

 Doorka waraystuhu waa inu ku siiyo fursad aad ku sharaxdo wixii kugu dhacay wadankaaga sida ugu macquulsan.

UNHCR waxay ula dhaqmi doontaa dhammaan macluumaadka lagu bixiyo xilliga wareysiga si qarsoodi ah.

 Codsade kasta waxa uu leeyahay xaalad u gaar ah, asalkiisa gaarka ah, iyo sababta uu dalkiisa uga soo cararay, kuwaas oo qofba qof ku kala duwan yihiin. Sidaa darteed, kiis kasta si gaar ah ayaa loo qiimeeyaa iyadoo la raacayo nidaamka UNHCR iyo habraacyada.

Ma jiraan jawaabo sax ah ama khaldan. Fadlan, ha dhegaysan wararka xanta ah ee ku saabsan sheekooyinka qaarkood ee loo sheegayo si loo helo sharci qaxootiniom.

Imisa waraysi ayay Waaxda Go'aaminta Xaalada Qaxoontiga iga qaadi doontaa?

Mararka qaarkood waxaa laga yaabaa in dib laguugu yeero waraysi dabagal ah oo lagugu sameeyo faylkaaga marka macluumaadka hore loo ururiyey ay ku filnaan waayan ama dhinacyo qaarkood loo baahan yahay in la cadeeyo ka hor inta aan go’aan kama dambays ah laga gaadhin faylkaaga. Taas macnaheedu maaha in codsigaaga qaxootinimo uu dib u bilaabmayo. Waxa lagu wici doonaa telefon, hadii loo baahdo, waxaana lagu ogeysiin doonaa taariikhda wareysigaaga dabagalka ah.

Sideen ugu diyaar garoobi karaa waraysiga RSD?

Qaado nasasho badan maalinta ka horeysa waraysiga si aad ugu diyaargarowdo waraysiga, jidh ahaan, nafsi ahaan, iyo dareen ahaanba. Wareysiyada qaar ayaa laga yaabaa inay qaataan in ka badan kuwa kale, iyado ku xiran adayga failka.

Ha iloobin inaad keento dukumeentiyada soo socda, hadii ay jiraan, waraysigaaga RSD:

  • Kaarka aqoonsiga
  • Dukumentiyada safarka
  • Diiwaanada caafimaadka
  • Shahaadooyinka guurka/dhalashada
  • Liisanka Wadista
  • Shahaadooyinka tacliinta
  • Buuga adeegga ciidamada

Cadaynta dukumeentiga diiwaangelinta xafiisyada kale ee UNHCR

Dukumeenti kasta oo kale oo aad u malaynayso inuu muhiim u yahay taageerada faylkaaga

Maalinta wareysiga, waxa si naxariis leh laguugu codsanayaa inaad ka soo qaybgasho dhamaan dadka kugu tiirsan ama xubnaha kale ee qoyskaaga (hadii ay jiraan) kuwaas oo loo qorsheeyay waraysiga isla maalintaas.

Waa maxay xuquuqdayda iyo waajibaadkayga inta lagu jiro waraysiga?

Xuquuqda:

Xaqa turjumaanka

Waxaa laga yaabaa in la dalbato turjumaan si adiga iyo shaqaalaha RSD aad si fudud ula xidhiidhi kartaan. Turjubaanka waa dhexdhexaad oo wax door ah kuma laha go’aan ka gaadhista codsigaaga.

– Xaqa sirta

Qof kasta oo ka qayb gala waraysiga waxa ku waajib ah inuu xafido dhamaan macluumaadka ku saabsan failkaaga si sir ah.

Xogta lagu bixiyay waraysiga lama wadaagi karo cid ka baxsan UNHCR ogolaanshahaaga la’aanteed. Shaqaalaha RSD iyo turjumaanku ka qayb galaya waraysiga waxa ku waajib ah inay ilaaliyaan sirta.

Xaq u leeyahay inuu codsado nasasho

Waxaad xaq u leedahay inaad codsato nasasho inta lagu jiro waraysiga, kaas oo lagu waydiin doono inaad ku jirto gudaha xarunta UNHCR.

Waajibaadka:

Balanqaadka in runta la sheego iyo in si buuxda loo wada shaqeeyo inta waraysigu socdo

Tani waxay ka dhigan tahay inaadan beenin, been-abuurin ama ka tegin wax macluumaad ah.

Hadii aad si bareer ah u bixiso, been abuurto ama aad ka tagto xog been ah, codsigaga magangalyada caalamiga ah waa la diidi karaa.

 

Maxaa dhacaya hadi aan xasuusto qaar ka mid ah macluumaadka si loo bixiyo ka dib wareysiga RSD?

Waxaad nagala soo xidhiidhi karta telefoon oo aad codsan karta waraysi kale si aad macluumaad ugu darto ama aad u bixiso dukumeenti. Intaa ka dib, UNHCR ayaa kula soo xidhiidhi doonta si ay kuu balansato .waraysi dheeri ah.

Maxaa dhacaya ka dib wareysiga go'aaminta xaalada qaxootiga?

Iyado lagu salaynayo macluumaadka aad bixisay inta lagu jiro waraysiga iyo macluumaadka guud ee ku saabsan wadankaaga asal ahaan, go’aan ayaa laga gaarayaa failkaaga.

Go’aanku wuxuu noqon kara in lagugu aqoonsado qaxootinimo ama lagu diido codsigaga magangalyada caalamiga ah. Go’aanka qoraal ayaa lagugu soo sheegi doonaa.

Hadii codsigaaga magangalyada caalamiga ah la diido, waxaad xaq u leedahay inaad codsato in failkaaga dib loo eego 30 maalmood gudahood. Waxa lagu siin doonaa macluumaad iyo talo dheeraad ah oo ku saabsan nidaamkan marka UNHCR ay ku wargeliso go’aanka.

Hadii go’aanku yahay in lagugu aqoonsado qaxoonti ahaan, UNHCR waxay kuu samayn doonta taariikh ay ku bixinayso kaarka qaxootiga.

Failkaygii in mudo ah lama xalin Maxaan natiijada u heli waayay?

Go’aanada ku saabsan go’aaminta xaalada qaxoontiga waxay u baahan yihiin dib-u-eegis taaso mararka qaarkood qaadan karta waqti. Waxaan isku dayeynaa inaan ku bixinno natiijooyinka sida ugu dhaqsaha badan laakiin mararka qaarkood waxaan u baahanahay waqti dheeri ah si aan u hubino in failkaaga si wanaagsan loo darso.

Si kastaba ha ahaate, hadii uu kiiskaagu sii socdo mudo dheer, fadlan ka wac Waaxda Go’aaminta Magangalyada 📞 0988005086 laga bilaabo Axada ilaa Khamiista 8:30 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo ama u soo dir email: [email protected] Si aad wax uga weydiiso arrimahaaga profile. Waa inaad sheegta failkaaga/lambarka codsigaga marka aad la xidhiidho UNHCR.

 

Waxaa jira arimo xasaasi ah oo aanan rabin in aan la wadaago qof qoyska ka mid ah ama qof kale. Taasi ma welwel baa?

Waxaan ixtiraamaynaa sirta iyo dareenka macluumaadka nala wadaago. Dhammaan macluumaadka waxaa loola dhaqmaa si qarsoodi ah. Waraysiga iyo turjumaanka ka qayb galaya waraysiga waxa ku waajib ah inay xafidaan dhamaan macluumaadka ku saabsan codsigaga magangalyada.

Wareysiga RSD waxa lala yeesha qof kasta si gaar ah , oo adiga keligaa ayaa qolka kula jiri doona xubinta shaqaalaha RSD (iyo turjumaanka hadii loo baahdo). Ma jiro xubnaha qoyskaaga, xitaa kuwa adiga kugu diiwaangashan isla fail, ma joogi doono inta lagu guda jiro wareysigaaga shaqsi/qofeed ee RSD.

Intaa waxaa dheer, hadii aad u baahan tahay inaad macluumaadka qaar la wadaagto quf qoyska ka mid ah  ,UNHCR had iyo jeer waxay ku weydiisan doontaa ogolaanshahaaga ka hor. UNHCR ma qaadi doonto wax talaabo ah ogolaanshahaaga la’aanteed.

Weli waxaan haya su'aalo ku saabsan habka go'aaminta xaalada qaxootiga oo aan laga jawaabin bogan, sidee ii caawin kartaa?

Waxaad kala xidhiidhi karta Waaxda Go’aaminta Xaalada Qaxoontiga 📞 0988005086 laga bilaabo Axada ilaa Khamiista 8:30 subaxnimo ilaa 4:00 galabnimo, UNHCR waxay ka jawaabi doonta dhammaan su’aalahaaga ama waxay su’aashada u gudbin doontaa shaqaalaha UNHCR ee ay khusayso. Waxaad sido kale email u soo diri kartaa: [email protected]

 


Related Information:   << Back to Syria homepage >> Select another country on our Help page