Madasha “MyUNHCR”
Dhammaan adeegyada iyo kaalmooyinka ay bixiyaan Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo la-hawlgalayaasheedu waa bilaash.
Had iyo jeer xaqiiji xiriirka internetka ka hor intaadan gujin (https://sy.myunhcr.id)
Madasha “MyUNHCR” waa madal elektaroonik ah oo u oggolaanaysa qaxootiga iyo magangelyo-doonka inay si fudud u maareeyaan una cusboonaysiiyaan macluumaadkooda shakhsiyeed ee UNHCR. Isticmaalayaashu waxay iyagoo adeegsanaya madashan cusboonaysiin karaan lambarradooda telefoonka iyo cinwaannadooda, taas oo xaqiijinaysa in xogta xiriirkoodu ay mar walba sax tahay oo la cusboonaysiiyay.
Si aad u hesho tilmaamo ku saabsan sida loo galo loona isticmaalo madasha “MyUNHCR”, waxaad samayn kartaa mid ka mid ah arrimahan soo socda:
• La xiriir mid ka mid ah mutadawiciinta la aamini karo ee taageera helitaanka adeegyada.
Mutadawiciinta helitaanka adeegyada waxay sharxi karaan habraaca, kaa caawin karaan isticmaalka madasha, kuna siin karaan macluumaad, laakiin looma oggola inay galaan koontadaada, helaan lambarka xaqiijinta hal-mar-la-isticmaalo (OTP), qabtaan dukumentiyada aqoonsiga, ama kuugu dhammaystiraan habka xaqiijinta joogitaanka.
• Aad xarunta bulshada ee kuugu dhow, halkaas oo internet laga heli karo.
• La xiriir UNHCR lambarradan soo socda:
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110, ama
• Booqo mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu jiro saacadaha la shaaciyey ee talo-bixinta
Qofna ma aha inuu galo koontadaada, helo lambarka xaqiijinta (OTP) ee laguu soo diray, ogaado eraygaaga sirta ah, ama kuugu dhammaystiro xaqiijinta joogitaanka.
Ha la wadaagin cidna xogta koontadaada, lambarka xaqiijinta hal-mar-la-isticmaalo (OTP), eraygaaga sirta ah, ama macluumaadkaaga shakhsiyeed. Hana u oggolaan qofna inuu kuugu dhammaystiro xaqiijinta joogitaanka.
Iska Ilaali Khiyaanada:
• Xusuusnow: UNHCR marnaba lacag ma qaaddo. Dhammaan adeegyada UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu waa bilaash!
• Adeegso oo keliya bogga rasmiga ah ee madasha “MyUNHCR” (https://sy.myunhcr.id)
• Ka taxaddar markaad gujinayso xiriirrada aan la aqoon, hana isticmaalin wax kale marka laga reebo xiriirrada laguugu soo diray kanaallada rasmiga ah ee UNHCR.
• Ka hor intaadan gelin macluumaad shakhsiyeed, hubi inaad isticmaalayso madasha rasmiga ah ee “MyUNHCR” (https://sy.myunhcr.id)
• UNHCR marnaba kuma weydiin doonto inaad wadaagto lambarrada xaqiijinta hal-mar-la-isticmaalo (OTP), erayada sirta ah, PIN-ka, ama xogta gelitaanka koontadaada. Sidaa darteed ha la wadaagin OTP-gaaga, eraygaaga sirta ah, ama macluumaad kale oo qarsoodi ah cidna.
• Haddii qof kaa codsado lacag ama adeeg si uu kuu caawiyo, ama haddii aad hesho fariin shaki leh, si degdeg ah ugu soo sheeg UNHCR (kanaallada warbixinta ayaa lagu dari doonaa).
• Soo sheegidda khiyaanada ama dhaqan-xumadu saamayn kuma yeelan doonto faylkaaga UNHCR ama helitaanka adeegyada ay bixiyaan UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu.
Dhammaan adeegyada iyo kaalmooyinka ay bixiyaan UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu waa bilaash!
Waligaa ha bixin lacag qof kasta si uu kuugu dhammaystiro xaqiijinta joogitaankaaga.
Waligaa ha la wadaagin lambarrada xaqiijinta hal-mar-la-isticmaalo (OTP), erayada sirta ah, ama macluumaadkaaga shakhsiyeed ee koontadaada.
Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo ee Ku Saabsan Xaqiijinta Joogitaanka iyo Xaqiijinta Saxnaanta Kaarka
Dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ka diiwaangashan UNHCR ee Suuriya ee hela farriin qoraal ah (SMS) oo lagu codsanayo inay ka qaybqaataan habka xaqiijinta joogitaankooda, waa inay xaqiijiyaan joogitaankooda gudaha dalka muddo hal toddobaad gudihiis ah laga bilaabo taariikhda ay ka helaan farriinta UNHCR ee ay ku jirto xiriirka madasha “MyUNHCR”. Ujeeddadu waa in faylalkiinnu ay sii ahaadaan kuwo firfircoon oo ka shaqeeya UNHCR, in la hubiyo in hay’addu hayso macluumaad cusub oo sax ah oo ku saabsan joogitaankiinna Suuriya, iyo in adeegyada iyo kaalmooyinka aad heshaan ay sii socdaan.
Haddii aad ka heshay UNHCR farriin qoraal ah laakiin aadan weli dhammaystirin habka xaqiijinta joogitaanka, fadlan samee sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah gudaha muddada lagu cayimay farriinta. Waxaad si toos ah ugu geli kartaa madasha “MyUNHCR” adigoo isticmaalaya xiriirka lagu siiyay si aad u dhammaystirto habka xaqiijinta.
Haddii aadan awoodin inaad dhammaystirto habkan xaqiijinta muddada la cayimay gudaheed, ama aad la kulanto dhibaatooyin farsamo ama caqabado kale, fadlan la xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya mid ka mid ah kanaallada taageerada ee hoos ku xusan.
Dhammeystirka habka xaqiijinta ee madasha “MyUNHCR” waa ikhtiyaari, mana dammaanad qaadayo in qaxootigu helo kaalmo, u qalmo kaalmo, ama helo wax faa’iidooyin gaar ah.
UNHCR waxay si joogto ah wareysiyo ula yeelataa qaxootiga iyo magangelyo-doonka si loo xaqiijiyo inay ku sugan yihiin Suuriya, loo cusboonaysiiyo xogtooda, isla markaana loo hubiyo inay sii helayaan adeegyada iyo kaalmooyinka la heli karo.
Habkan xaqiijinta waa hab cusub oo la fududeeyay oo u saamaxaya dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku sugan Suuriya inay si elektaroonik ah ugu xaqiijiyaan joogitaankooda iyagoo adeegsanaya madasha ee “MyUNHCR”, iyaga oo aan u baahnayn inay si shaqsi ah ugu yimaadaan wareysi xafiisyada UNHCR.
Fadlan ogow in habka cusboonaysiinta kaararka ay bixiso UNHCR uu si gaar ah u sii socon doono iyada oo loo marayo wareysiyada caadiga ah ee cusboonaysiinta la sameeyo kahor dhammaadka muddada uu kaarku shaqeynayo.
Ujeeddada ugu weyn ee habka xaqiijinta joogitaanku waa in si dhakhso leh loo xaqiijiyo in qaxootiga iyo magangelyo-doonku ay ku sugan yihiin gudaha Suuriya.
Xaqiijinta joogitaanka gudaha Suuriya waa shuruud aasaasi ah si faylkaaga UNHCR uu u sii ahaado mid firfircoon.
Haddii aadan awoodin inaad dhammaystirto habka xaqiijinta joogitaanka adigoo adeegsanaya madasha “MyUNHCR”, waxaa jira habab kale oo taageero iyo xaqiijin ah oo la diyaariyey si laguugu caawiyo dhammaystirka habka.
TMadasha “MyUNHCR” waxay kuu oggolaanaysaa inaad si elektaroonik ah oo meel kasta oo aad joogto uga dhammaystirto habka xaqiijinta joogitaanka adigoon u baahnayn inaad tagto xafiis UNHCR ah, taas oo kuu badbaadinaysa waqti iyo qarashka safarka.
Haddii aadan awoodin inaad dhammaystirto habka xaqiijinta dijitaalka ah ee onleenka iyo meel fog, waxaad ka faa’iidaysan kartaa habab kale oo lagu sameeyo xaqiijinta adigoo:
• La xiriiraya mid ka mid ah mutadawiciinta helitaanka ee la aamini karo.
• Aadaya xarunta bulshada ee kuugu dhow, halkaas oo adeegga internetka laga heli karo.
• La xiriiraya UNHCR lambarradan soo socda:
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110, ama
• Booqanaya mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu jiro saacadaha la shaaciyey ee bixinta la-talinta.
Haddii dhibaatadu sii socoto inkastoo aad taageero ka codsatay kanaallada kor ku xusan, fadlan la xiriir UNHCR, oo ku siin doonta tilmaamaha lagama maarmaanka ah ee ku saabsan tallaabooyinka xiga.
Haddii loo baahdo, UNHCR waxay kuu qaban doontaa balan aad si shaqsi ah uga soo qayb gasho.
Habka xaqiijinta waxaa loogu talagalay in lagu hubiyo joogitaanka joogtada ah ee dhammaan qaxootiga iyo magangelyo-doonka ay UNHCR diiwaangelisay ee ku sugan Suuriya, iyadoon loo eegayn jinsiyaddooda.
Haddii aad ka hesho farriin qoraal ah (SMS) UNHCR oo kugu codsanaysa inaad ka qaybqaadato habka xaqiijinta joogitaanka, fadlan ku dhammaystir toddobo maalmood gudahood. Haddii aadan awoodin inaad sidaas samayso, fadlan la xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya mid ka mid ah kanaallada taageerada ee la heli karo.
Haddii aadan haysan taleefan casri ah ama internet, ama aad u baahan tahay taageero farsamo sida helitaanka internet, meel kuu gaar ah oo aad ku dhammaystirto hawsha, caawimo lagu xalliyo dhibaatooyinka farsamo, ama isticmaalka taleefan casri ah, waxaad samayn kartaa mid ka mid ah waxyaabahan soo socda:
• La xiriir mid ka mid ah mutadawiciinta la aamini karo ee taageera helitaanka adeegyada;
• Aad xarunta bulshada ee kuugu dhow; ama
• La xiriiraya UNHCR lambarradan soo socda:
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110, ama
• Booqo mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu jiro saacadaha talo-bixinta ee la shaaciyey, hadii aadan ka heli karin taageerada loo baahan yahay kanaallada kor ku xusan.
Xusuusnow in dhammaan adeegyada ay bixiyaan UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu ay kuu yihiin bilaash.
Maya. Taas ma samayn kartid.
Kaararka ay bixiso UNHCR waxaa loo cusboonaysiiyaa si gaar ah iyadoo loo marayo wareysiyada caadiga ah ee cusboonaysiinta ee lagu qabto xafiisyada UNHCR.
Dhammaystirka habka xaqiijinta joogitaanku ma beddelayo habraacyada caadiga ah ee cusboonaysiinta kaarka.
Si aad u gasho madasha ee “MyUNHCR”, waa inaad marka hore xaqiijisaa aqoonsigaaga adigoo wadaagaya sawirkaaga, goobtaada juqraafiyeed (geolocation), iyo cinwaankaaga hadda ee Suuriya.
Xogtan waxaa loo maamuli doonaa si waafaqsan siyaasadda ilaalinta xogta ee UNHCR.
Helitaanka xogtan waxaa ku koobnaan doona oo keliya shaqaalaha UNHCR ee loo idmaday, waxaana la qaadi doonaa tallaabooyin ku habboon si loo ilaaliyo xogtaada inta lagu jiro habka xaqiijinta joogitaanka iyo sidoo kale ka dib marka uu dhammaado.
Si aad wax badan uga ogaato sida UNHCR u maamusho xogta shakhsiyeed ee qaxootiga ku sugan Suuriya, oo ay ku jiraan xuquuqda aad ku leedahay xogtan, waxaad booqan kartaa: https://help.unhcr.org/syria/ar/unhcr-privacy-notice/.
Dhammaan xubnaha qoyska ee leh fayl firfircoon oo ka diiwaangashan UNHCR waa inay ka qaybqaataan habka xaqiijinta, marka laga reebo carruurta ka yar shan sano.
Waxaa lagu talinayaa in dhammaan xubnaha qoyska ay joogaan isla goobta marka la bilaabayo habka xaqiijinta fog ee internetka.
Haddii xubin qoyska ka mid ah uusan joogin waqtigaas, waxaa jira ikhtiyaar lagu dhaafo qofkaas laguna sii wado habka xubnaha kale ee qoyska.
Qofka la dhaafay wuxuu habka ku dhammaystiri karaa wakhti dambe, waqti kasta oo ku jira muddada lagu cayimay fariinta qoraalka ah.
Hadii xubin qoyska ka mid ahi uusan ku sugnayn Suuriya, si joogto ah uga go’ay qoyska, uu maqan yahay, geeriyooday, xiran yahay, ama sabab kale darteed aanu uga qaybqaadan karin, fadlan dooro sababta ku habboon xaaladda marka madashu kuu oggolaato.
Xaqiijinta joogitaanku waa shuruud aasaasi ah si faylkaagu uga sii ahaado firfircoon UNHCR iyo si aad u sii hesho adeegyada iyo kaalmooyinka lagu bixiyo Suuriya.
Haddii aadan awoodin inaad dhammaystirto habka xaqiijinta joogitaanka sabab kasta ha noqotee, fadlan la xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya mid ka mid ah kanaallada taageerada ee halkan lagu xusay :
• La xiriir mid ka mid ah mutadawiciinta la aamini karo ee taageera helitaanka adeegyada;
• Aad xarunta bulshada ee kuugu dhow; ama
• La xiriiraya UNHCR lambarradan soo socda:
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110, ama
• Booqo mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu jiro saacadaha talo-bixinta ee la shaaciyey, hadii aadan ka heli karin taageerada loo baahan yahay kanaallada kor ku xusan.
Qof kasta oo ka tirsan qoyska oo da’diisu tahay 5 sano ama ka weyn waa inuu ka qaybqaataa habka xaqiijinta isagoo adeegsanaya madasha “MyUNHCR”.
Ha isticmaalin VPN ama Proxy marka aad galeyso barta “MyUNHCR “
Farriinta qoraalka ahi waxay xambaarsan tahay xiriir ( https://sy.myunhcr.id) ay ku qoran yihiin tilmaamo sharxaya sida loo dhammaystiro habka xaqiijinta joogitaanka.
Ka hor intaadan gujin xiriirka, fadlan hubi in farriinta iyo xiriirku ay waafaqsan yihiin astaamaha farriimaha rasmiga ah ee UNHCR ee kor lagu sharaxay.
Markaad xaqiijiso arrintaas, fadlan guji xiriirka (https://sy.myunhcr.id), dabadeedna raac tallaabooyinka hoos ku xusan.
Si Aad U Gasho (Login):
1. Marka hore dooro luqadda aad doorbidayso.
2. Guji “Adeegyada” (Services).
3. Dooro habka gelitaanka aad doorbidayso, ama aqoonsiga wajiga (facial recognition) ama lambarka xaqiijinta (OTP) ee laguugu soo diro farriin qoraal ah lambarka telefoonka ee ku diiwaangashan faylkaaga UNHCR.
4. Akhri “Siyaasadda Asturnaanta” (Privacy Policy) oo sharxaysa sida UNHCR u ururiso, u isticmaasho, u kaydiso uguna ilaaliso xogta shakhsiyeed inta lagu jiro habka xaqiijinta.
UNHCR waxay inta lagu jiro habkan ururin kartaa macluumaadka lagama maarmaanka u ah xaqiijinta aqoonsiga qofka iyo xaaladdiisa diiwaangelin, oo ay ku jiraan jawaabaha la bixiyo inta lagu jiro xaqiijinta, natiijooyinka isbarbardhigga sawirka wajiga, cusboonaysiinta lagu sameeyo macluumaadka xiriirka iyo macluumaad kale oo loo baahan yahay si loo xaqiijiyo saxnaanta xogta diiwaangelinta.
Siyaasadda Asturnaantu waxay ka kooban tahay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo maareeyo loona ilaaliyo xogta shakhsiyeed.
Ka hor intaadan sii wadin, waxaa lagaa codsan doonaa inaad xaqiijiso inaad akhriday oo aad fahamtay Siyaasadda Asturnaanta, islamarkaana aad oggolaatay inaad ka qaybqaadato habka xaqiijinta.
Oggolaanshahaaga waxaa la diiwaangelin doonaa markaad doorato ikhtiyaarka “Waan Oggolahay oo Waan Sii Wadayaa” (I Agree and Continue).
Hadii aadan doonayn inaad habka ku dhammaystirto kanaalka dijitaalka ah, waxaad la xiriiri kartaa UNHCR adigoo adeegsanaya kanaallada taageerada ee jira si looga wada hadlo habab kale oo xaqiijinta lagu sameeyo.
5. Geli lambarka faylkaaga kadibna guji “Xaqiiji” (Verify).
6. Hadii aad doorato aqoonsiga wajiga, waxaa lagaa codsan doonaa inaad u oggolaato madasha inay isticmaasho kamaradda taleefankaaga. Guji “Oggolow” (Allow).
7. Taleefanka u qabo sida lagu sharxay tilmaamaha sawirka selfie-ga. Marka sawirka la qaado, waxaad dooran kartaa “Isticmaal Sawirkan” ama “Isku Day Mar Kale”.
8. Hadii aad doorato inaad ku gasho lambarka telefoonkaaga, waxaad farriin qoraal ah ku heli doontaa lambarka xaqiijinta (OTP) oo ka kooban lix lambar. Geli lambarka kadibna guji “Xaqiiji” si aad u sii waddo. Lambarkan ha la wadaagin cidna.
9. Marka gelitaankaagu guuleysto, waxaad arki doontaa fariinta: “Aqoonsiga si guul leh ayaa loo xaqiijiyay”. Bogga ugu weyn ayaa furmi doona halkaas oo aad ka heli doonto astaanta “Xaqiijinta Joogitaanka”.
10. Haddii gelitaanku fashilmo, waxaa kuu soo bixi doonta fariinta “Aqoonsiga lama xaqiijin karin”. Waxaad isku dayi kartaa mar kale ama waxaad codsan kartaa taageero haddii dhibaatadu sii socoto.
Si Aad U Dhamaystirto Xaqiijinta Joogitaanka:
1. Guji astaanta “Xaqiijinta Joogitaanka” ee midabka casaanka lagu calaamadeeyay.
2. Akhri Siyaasadda Asturnaanta ee sharxaysa siyaasadda UNHCR ee ku saabsan asturnaanta iyo ilaalinta xogta. Hadii aad oggol tahay, hoos ugu dhaadhac bogga oo guji “Waan Oggolahay”.
3. Guji “Oggolow” si loo suurtogeliyo isticmaalka kamaradda taleefankaaga iyo goobtaada juqraafiyeed.
4. Xaqiiji saxnaanta lambarka telefoonkaaga adigoo dooranaya “Haa”. Haddii lambarku sax ahayn, dooro “Maya”, geli lambarka cusub kadibna guji “Xiga”. Waxaad heli doontaa OTP si aad u xaqiijiso lambarka cusub. Geli lambarka kadibna guji “Xiga”.
5. Dooro gobolka (gobernorate) aad hadda degan tahay kadibna guji “Xiga”.
6. Magacyada iyo sawirrada xubnaha qoyska ee ku diiwaangashan faylkaaga UNHCR ayaa soo muuqan doona. Dadkani waa inay xaqiijiyaan joogitaankooda gudaha Suuriya. Guji “Bilow Xaqiijinta” si aad u sii waddo.
7. Guji “Xiga” si aad u bilowdo.
8. Guji “Qaado Sawir” kadibna raac tilmaamaha ka muuqda shaashadda ilaa sawirka si toos ah looga qaado. Hubi inaad joogto meel iftiin fiican leh oo wejigaagu ku jiro gudaha qaabka sawirka.
9. Guji “Oggolow” si loo suurtogeliyo isticmaalka kamaradda taleefankaaga.
10. Hadii xubin qoyska ka mid ahi aanu hadda joogin, dooro “Ka Gudub (Skip)” kadibna cadee sababta maqnaanshihiisa. Qofkaasi wuxuu xaqiijinta ku dhammaystiri karaa waqti dambe inta lagu jiro muddada lagu sheegay farriinta qoraalka ah.
11. Guji “Isticmaal Sawirkan” ama “Dib U Qaad Sawirka” haddii aad rabto inaad mar kale sawirka qaaddo.
12. Ku celi tallaabooyinkan dhammaan xubnaha qoyska ee ku diiwaangashan faylkaaga.
13. Waxaa lagaa codsan doonaa inaad sheegto hadii aad u baahan tahay inaad ku darto ama ka saarto xubin qoyska ka mid ah faylkaaga. Dooro “Haa” ama “Maya”. Haddii aad doorato “Haa”, raac tilmaamaha lagu siinayo.
14. Marka habku si guul leh u dhammaado, waxaa kuu soo bixi doonta fariinta “Guul”.
15. Guji “Xir”.
16. Daaqad cusub ayaa soo muuqan doonta oo aad ka dooran karto mid ka mid ah xulashooyinkan:
Dhammaystir “Habka Xaqiijinta” ee xubnaha qoyska ee hore looga gudbay;
“Ku Noqo Liiska Ugu Weyn” (Bogga Hore); ama
“Ka Bax Koontada” (Log Out).
Fiiro Gaar Ah:
Marka dhammaan xubnaha qoyska ay dhammaystiraan habka xaqiijinta joogitaanka, astaanta “Xaqiijinta Joogitaanka” waxay noqon doontaa mid aan firfircoonayn (disabled), taasoo muujinaysa in habku u dhammaaday dhammaan xubnaha qoyska.
Haddii aadan haysan taleefan casri ah ama internet, ama aad la kulanto dhibaatooyin isticmaalka tignoolajiyada, ama aadan awoodin inaad hawsha keligaa ku dhammaystirto sabab kasta ha noqotee, waxaad samayn kartaa mid ka mid ah arrimahan soo socda:
• La xiriir mid ka mid ah mutadawiciinta la aamini karo ee taageera helitaanka adeegyada;
• Aad xarunta bulshada ee kuugu dhow;
• La xiriiraya UNHCR lambarradan soo socda:
Dimishiq: 0988005086
Xumus: 0988099181
Qamishli: 0958099305
Xalab: 0992299110, ama
• Booqo mid ka mid ah xafiisyada UNHCR inta lagu jiro saacadaha la shaaciyay ee talo-bixinta.
Haddii aad qabto walaacyo degdeg ah oo la xiriira arrimaha ilaalinta (protection), fadlan la xiriir UNHCR adigoo adeegsanaya kanaallada ilaalinta ee la ansixiyay.
Dhammaan Adeegyada iyo Kaalmooyinka ay Bixiyaan UNHCR iyo La-hawlgalayaasheedu Waa Bilaash
N
Haddii aad qabto walaac ku saabsan habka xaqiijinta, aad u baahan tahay gargaar, aad rabto inaad bixiso faallooyin, aad aaminsan tahay in macluumaadkaaga aanu sax ahayn, ama aad rabto inaad soo sheegto tuhun khiyaano ama dhaqan xumo, waxaad la xiriiri kartaa UNHCR adigoo adeegsanaya mid ka mid ah kanaalladan rasmiga ah:
• Khadka macluumaadka ee UNHCR (Infoline);
• Mutadawiciinta taageera helitaanka adeegyada;
• Xafiisyada qaabilaadda ama diiwaangelinta ee UNHCR;
• Kanaal kasta oo kale oo rasmi ah oo UNHCR ku dhawaaqdo inta lagu jiro habka xaqiijinta.
UNHCR waxay dadka ku dhiirrigelinaysaa inay soo sheegaan mid kasta oo ka mid ah arrimahan soo socda:
• Dhibaatooyinka farsamo ee ay la kulmaan inta lagu jiro habka xaqiijinta;
• Walaacyada la xiriira saxnaanta xogtooda shakhsiyeed ama macluumaadka diiwaangelintooda;
• Cabashooyinka la xiriira habka xaqiijinta;
• Dhibaatooyinka la xiriira gelitaanka ama isticmaalka madasha;
• Kiisaska la tuhunsan yahay ee khiyaanada, iska-dhigista qof kale, ama ka faa’iidaysiga, ama codsi kasta oo lacag lagu weydiisto si loogu helo adeegyada UNHCR.
Dhammaan cabashooyinka, faallooyinka, warbixinnada khiyaanada, iyo codsiyada dib-u-eegista macluumaadka waxaa loo maamuli doonaa si waafaqsan habraacyada ay ansixisay UNHCR, waxaana loo gudbin doonaa kooxda ku habboon si ay ula socdaan oo ay uga shaqeeyaan.
Gudbinta cabasho, faallo, ama warbixin khiyaano saamayn taban kuma yeelan doonto helitaankaaga adeegyada ama kaalmooyinka ay bixiso UNHCR