Dhammaan ajaanibta, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo magangelyo-doonka, ee ku nool Jamhuuriyada Carabta Suuriya waxaa looga baahan yahay inay haystaan sharci degenaansho oo sax ah. Hadii aadan haysan sharci degenaansho oo sax ah, waxaad dalka ku joogtaa si sharci darro ah waxaana laga yaabaa in si sharci ah lagu daba galo. .
La’aanteed sharci degenaansho oo ansax ah, ma awoodi doontid inaad hesho tiro adeegyo iyo xuquuq ah oo ay dadka degani caadi ahaan xaq u leeyihiin (sida gelitaanka saldhigyada booliska si ay uga warbixiyaan fal dambiyeed kasta ama dhacdo amni, helitaanka cadaalad, iyo diiwaanada madaniga ah si loo diiwaan geliyo dhalashada , guurka, ama dhimashada). Waxaan si adag kuugula talineynaa inaad hesho sharcigaaga daganaanshaha ka dib markaad iska diiwaan geliso UNHCR iyo inaad hubiso in lagu cusboonaysiiyay waqtigii loogu talagalay.
Hadii aad u baahan tahay taageero ku saabsan cusboonaysiinta sharcigaaga daganaanshaha, fadlan la xidhiidh xafiiska UNHCR ee kuu dhow [ Sida loola xidhiidho UNHCR gudaha Suuriya]