Dhinaca sharciga/deganaanshaha 

Dhammaan ajaanibta, oo ay ku jiraan qaxootiga iyo magangelyo-doonka, ee ku nool Jamhuuriyada Carabta Suuriya waxaa looga baahan yahay inay haystaan ​​sharci degenaansho oo sax ah. Hadii aadan haysan sharci degenaansho oo sax ah, waxaad dalka ku joogtaa si sharci darro ah waxaana laga yaabaa in si sharci ah lagu daba galo. . 

La’aanteed sharci degenaansho oo ansax ah, ma awoodi doontid inaad hesho tiro adeegyo iyo xuquuq ah oo ay dadka degani caadi ahaan xaq u leeyihiin (sida gelitaanka saldhigyada booliska si ay uga warbixiyaan fal dambiyeed kasta ama dhacdo amni, helitaanka cadaalad, iyo diiwaanada madaniga ah si loo diiwaan geliyo dhalashada , guurka, ama dhimashada). Waxaan si adag kuugula talineynaa inaad hesho sharcigaaga daganaanshaha ka dib markaad iska diiwaan geliso UNHCR iyo inaad hubiso in lagu cusboonaysiiyay waqtigii loogu talagalay. 

Hadii aad u baahan tahay taageero ku saabsan cusboonaysiinta sharcigaaga daganaanshaha, fadlan la xidhiidh xafiiska UNHCR ee kuu dhow [ Sida loola xidhiidho UNHCR gudaha Suuriya]

Hadii booliisku ku joojiyo ama ku xidho:

Hadii booliisku ku joojiyo ama ku xidho:

 Waa inaad si degan ula shaqeyso booliiska oo aad isku daydaa inaad ogaato sababta lagu xiray.

  • Booliiska tus kaarka aqoonsiga qaxootinimo ee ay bixiso UNHCR ama lambarkaaga failka ee UNHCR, kana codso booliiska inay la xiriiraan xafiiska UNHCR ee kuugu dhow si loo xaqiijiyo xaaladaada.

Wac khadka telefoonka ee UNHCR una sheeg saaxiibada ama qoyskaaga sida ugu dhakhsaha badan. Sii nambarkaaga failka UNHCR, meesha lagu hayo, saldhig kasta oo booliis iyo lambarka xiriirka sarkaalka baaritaanka (hadii ay suurtogal tahay).


Related information:   << Back to Syria homepage >> Select another country on our Help page