Dib-u-dejintu waa adeeg bilaash ah.
Qaxootigu waa in aanay cidna wax lacag ah siin si ay u soo gudbiyaan failkooda dib-u-dejinta, dhammaan adeegyada ay ku jirto dib-u-dejinta, ee ay bixiso UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya waa lacag la’aan.
Taas macnaheedu waa in aan lagu waydiin lacag dib u dejin. Waxaa dhacda in dadka aan wax xiriir ah la lahayn UNHCR ay isku dayaan in ay ka faa’iideystaan qaxootiga doonaya in dib u dejin loo sameeyo oo ay bedelaan wax ay weydiistaan. Mararka qaarkood falalkani waa kuwo si wanaagsan loo agaasimay oo ay u muuqdaan kuwo lagu qanci karo. Tan waxaa loo arkaa khiyaano waxayna UNHCR si dhab ah u qaadataa.
Fadlan ogeysii UNHCR hadii uu qof kula soo xiriiray isago ku andacoonaya inuu kaa caawin karo failkaaga lacag ama wax kale.
Kiisaskan waxaad kaga warbixin kartaa:
– U dir email: [email protected]
Kala xidhiidh xafiiska UNHCR ee Suuriya sanduuqa cabashooyinka ee ku yaal qaybta soo dhawaynta ee dhammaan xafiisyada UNHCR.
o Hadii aadan rabin in magacaaga ama lambarkaaga la isticmaalo, waxaad xerayn kartaa cabasho qarsoodi ah
o Gelida sanduuqa cabashooyinka waxa ay ku kooban tahay tiro aad u yar oo shaqaale UNHCR ah
Hadii aad dareento in si xaq darro ah laguula dhaqmay xubin ka mid ah shaqaalaha UNHCR ama kuwa kale ee sida tooska ah ula shaqeeya UNHCR, gaar ahaan hadii xubnaha shaqaaluhu ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq, xadgudub jinsi ah, dhiig-miirasho ama anshax-xumo kale, waxaanu kugu dhiirigelinaynaa inaad soo gudbiso adigoo isticmaalaya tan. Sanduuqa Dacwadaha iyo/ama la xidhiidhida Xafiiska Kormeeraha Guud ee unhcr:
– Qof ahaan ama boosto ahaan: 94, rue de Montbrillant, Case postale 2500, 1211 Geneva
– E-mail qarsoodi ah: [email protected]
– Isticmaalka foomka cabashada ee onlaynka ah
Fadlan maskaxda ku hay in macluumaadka badan ee aad bixiso, ay u wanaagsan tahay UNHCR inay wax ka qabato arrintan.
Welwelkaaga si dhab ah ayaa loo qaataa waxaana lagu hayn doonaa sir.