Heshiiska Adeegsadaha Khidmadda WhatsApp ee UNHCR Indonesia

Fadlan akhri Bayaanka Sirdhowrka iyo Shuruudaha Guud iyo Shuruudaha lagu fulinayo Adeegga WhatsApp ee UNHCR ee Indonesia. Dukumeentigaan waa la fududeeyay loona tarjumay inuu yahay nooc la heli karo, laakiin tani waxay ka dhigan tahay inaysan sharci mid leh sharciyad. Dukumiintiga sharciga ah waxaa lagu heli karaa Ingilis ah halkan. Ogsoonow in dukumintiga Ingiriisiga ah uu odhanayo in lagu diro farriimo af Ingiriis ah ficilada qaarkood, tusaale ahaan “JOOJI” “STOP” ama “TIR TIR” “ERASE” si loo joojiyo helitaanka farriimaha iyo masiirka xogtaada. Fadlan isticmaal ereyada lagu qeexay dukumintigan la tarjumay ama lagu siiyay ikhtiyaariyada ku qoran luqadda aad dooratay markaad adeegsanaysid Adeegga waddanka aad joogto. Heshiiskan Isticmaalaha iyo shuruudaha iyo xaaladaha la xiriira. Adoo xaqiijinaya aqbalaadaada markii laguu soo gudbiyo adeegga, waxaad xaqiijin doontaa inaad fahamtay shuruudaha waxaadna la geli doontaa heshiis sharci ah oo qabanaya UNHCR.

Bayaanka Asturnaanta

1. Xogta shaqsiyeed

Isticmaalka adeegga WhatsApp ee UNHCR Indonesia, waxay cadeynaysaa inaad ogolaatay in UNHCR Indonesia aad siiso macluumaad shaqsiyeed oo ay ugu baahan tahay adeeggu inuu shaqeeyo yeeshana awood ay ugu jawaabto fariimahaaga iyo su’aalahaaga. Adeegani wuxuu daba socdaa Qaanuunka Siyaasadda UNHCR’s ee difaaca ilaalinta Xogta shaqsiyeed  (Siyaasadda Ilaalinta Xogta ee UNHCR). Waad joojin karta inaad ogolaansho siiso UNHCR si ay u adeegsato xogtaada waqti kasta.Waa joojin karta adeegsiga, sidoo kale waxaad codsan kartaa in dhammaan macluumaadka aad la wadaagtay la tirtiro. 

Xogtaada waxaa si badbaado leh u keydisay UNHCR laakiin waxaa lala wadaagay xubno yar oo ka mid ah shaqaalaha aan wada shaqeynta leenahay ee dhinac tiknolajiyada - Praekelt – oo naga taageera bixinta Adeegga WhatsApp-ka ee UNHCR Indonesia. Maadaama Adeeggu adeegsanayo WhatsApp, tani macnaheedu wuxuu yahay WhatsApp wuxuu heli doonaa qeyb ka mid ah xogta, laakiin tani waxay gaar u noqon doontaa adeeggan waxayna la socon doontaa shuruudahooda iyo xaaladooda taasoo aad ogolaatay markii aad bilowday Isticmaalka WhatsApp. Xogta la uruuriyay, la kaydiyay lana wadaagay waa tan:  

Waa maxay xogta  Sidee xogtaada loo uruuriyay  Yuu la wadaagayaa 
Lambarka  taleefoonka  Waxaa si otomaatig ah looga soo qaadayaa astaanta Isticmaalaha   WhatsApp, Praekelt, UNHCR  
Astaanta  Magac  Waxaa si otomaatiga ah looga soo qaadayaa astaanta Isticmaalaha  WhatsApp, Praekelt, UNHCR  
Xogta Meta ee ku saabsan xiriirkaaga (IMEI, MAC Cinwaankaaga, IP)  Tani waxay si toos ah u duubi doontaa moobeelka Isticmaalaha iyo isku xirka la adeegsanaya  WhatsApp  
Macluumaadka  fariinta  Macluumaadka gaar ah ee uu soo diray adeegsadaha, oo ay ku jiraan sawiro, fiidiyowyo iyo feylal maqal ah   UNHCR, Praekelt  

Xogta si otomaatig ah ayaa loo qabtaa  umana baahnid inaad wax kale sameyso si aad ula wadaagto. Xog kale waxaa loo diri karaa WhatsApp waxay ku xirantahay akowtigaaga/koontadaada gaarka ah iyo dejimaha qalabka aad Isticmaalaysid ee WhatsApp, laakiin kuwani kuma xirno Adeegga WhasApp ee UNHCR Indonesia gebi ahaanba. Fadlan eeg ama/fiiri farqadda 7-aad ee hoose si aad u hesho macluumaad ku saabsan inta xogtaada kaydsan tahay.  

2. Maxay UNHCR u aruurinaysaa una adeegsanaysaa Xogtaada

Ogolaanshahaaga, UNHCR waxay u adeegsan doontaa macluumaadkaaga shaqsiyeed keliya inay ku bixiso adeeggan WhatsApp iyadoo la raacayo kuwa hoose:  

Waa maxay xogta  Maxaan ugu baahan nahay helitaanka xogtaada  
Lambarka taleefoonka iyo  magaca astaanta Si aad ula socotid si toos ah su’aalahaaga,faahfaahinta xiriirkaaga, waxaa lala wadaagi doonaa bixiyeyaasha addegaa khuseeya ama kooxaha kale ee ka tirsan UNHCR, marka loo baahdo, si loo hubiyo jawaabta ugu haboon. Marka aysan jirin  ikhtiyaarro kale oo la heli karo ama ay tahay habka la doorbido UNHCR Indonesia ayaa sidoo kale u Isticmaalin karto tani inay ku bixiso koobi jilicsan si elektaroonig ah iyadoo loo marayo WhatsApp dukumiintiyada aan si asal ah loo wadaagi karin. Tani ayaa marka hore lagaala hadli doonaa.   
Macluumaadka fariinta   Si aan kuu siino macluumaad iyo adeegg taageero oo ku haboon  waqtigiisa sidaad ugu codsatay adeegga WhatsApp ee UNHCR Indonesia  

Hay’adda ay UNHCR ay wada shaqeynta leeyihiin dhanka teknolojiyadda (Praekelt) waxay UNHCR ka caawisaa bixinta adeeggan iyadoo toos fariimaha Isticmaalayaasha u diraysaa dib u soo celinta, isla markaana ka dhigaya jawaabaha kuwo macquul ah oo otomaatig laguna saleynaya wax yaabaha la helay.  

Tan ka sokow, UNHCR iyo Praekelt waxay uruurin doonaan xog aan la aqoonsan (tusaale ahaan xog aan cidina awood u yeelan doonin inay kula xiriiraan aqoonsigaaga oo ku saabsan sida aad u Isticmaasho adeeggan. Tani waxaa loo Isticmaali doonaa dib u eegista iyo hagaajinta arjiga. 

UNHCR iyo hay’adda ya wada shaqeynta leeyihiin ee dhanka tiknolojiyadda ma iibsan doonaan macluumaadkaaga ama looma adeeggsan doono wax kasta oo aan kor lagu soo xusin, mana lala wadaagi doon cid kale oo saddexaad adoon ogolaansha lagaa helin. 

3. Amniga Xogtaada

UNHCR iyo la- hawlgalaheeda dhanka teknolojiyadda ee Praekelt waxay u ilaalin doonaan macluumaadkaaga si amni iyo qarsoodi ku jirto, iyadoo loo maraya sirta WhatsApp iyo kaydinta amaanka UNHCR meel bannaan oo dijitaal ah oo heli karto keliya UNHCR. Ka hay’add caalami ahaan, UNHCR waxay leedahay xaquuq ah inay ka ilaaliso xogtaada inay galaan dowladaha iyo kuwa kale oo aan fasax u haysanin tan. 

4. Sirta Xogtaada

UNHCR waxay leedahay sharci adag oo ku saabsan xafidaada xogta aad la wadaagto si sir ah oo amni ah, iyadoon la heli Karin fasax la’aan. Macluumaadkaaga waxaa arki karo oo keliya shaqaalaha UNHCR gaar ahaan kuwa ka shaqeeya adeegga WhatsApp ee UNHCR Indonesia si ay ugu jawaabaan su’aalahaaga ama ay u hubiyaan jawaabaha otomaatiga inay shaqeeyaan. Waxaa sidoo kale arki doona shaqaale qaar ah oo bahwadaag la ah UNHCR dhanka tecknolojiyada ee Praekelt. Dhamman shaqaalahan waxay raaci doonaan qawaaniinta ku saabsan ilaalinta macluumaadka si qarsoodi ah oo ammaaan ah. 

5. Wadaagista Xogtaadaa

UNHCR lama wadaagi doonto macluumaadkaaga cid kale (marka laga reebo WhatsApp iyo Praekelt sida ku xusan farqadda 1-aad ee kor) iyadoon ogolaansha la weydiisan dooniin marka hore (ogolaansho). Si adeeggu u shaqeeyo, xogtaada waxaa loo diri doonaa WhatsApp markaad adeegsanayso, laakiin ma arki doonaan nuxurka fariinta. Nuxurka fariintan waxaa arki doonaa shaqaalaha gaarka ah ee UNHCR ee ka shaqeeya adeegga. Hay’adda UNHCR-ta ay wada ashaqeynta leeyihiin dhanka teknolojiyada ee Praekelt, ayaa sidoo kale arki doonta macluumaadkaaga si ay u hubiyaan habka adeegga u shaqeeyo. Haddii ay lagama maarmaan tahay in lala wadaago xogtaada shaqaalaha kale ee UNHCR ama la-hawlgalayaasha UNHCR si ay ula socdaan su’aashaada ama kiiskaaga, waxaa marka hore la weydiin doonaa ogolaanshahaaga .  

6. Wadaagista Xogta si looga hortago dhibaata, Warbixinta dadka la waayay ama U hogaansanaanta Sharciga Caalamiga ah

UNHCR macluumaadkaaga dad kale way la wadaagi karta haddii ay jirto sabab macquul ah oo lagu aamino in loo baahan yahay si looga hortago geeri ama waxyeelo culus oo kugu soo food leh adiga iyo dadka kale, waxay gacan ka gaysanaysaa helitaanka qaxootiga ama dadka kale barakacyaasha kuwaa soo la soo sheeqay inay maqanyihiin ama laga hortagayo xadgudub shaciga caalamiga. 

7. Ka bixida adeegga iyo tirtirka xogtaada   

Waa joojin kartaa adeegsigan wakhti kasto oo aad weydiisato in xogtaada laga tirtiro nadaamka UNHCR. Si aad u joojiso adeegsiga, qoraal u dir “JOOJI” mana heli doontid fariimo dheeri ah. Si aad u codsato dhammaan macluumaadkaaga iyo wada sheekaysigaaga in la tirtiro, qoraal u dur “TIRTIR” Adeegga. Waxaa lagu weydiin doonaa in aadan rabin xaqiijinta Isticmaalka adeegga kana masaxdo/ tirtirto xogtaada. Waxay nagu qaadan kartaa illa 10 maalmood inaan tirtirno xogtaada laakiin waxaan isku deyi doonaa inaan ku sameyno sida ugu dhaqsaha badan. 

Xogtaada waa la hayn doonaa ilaa 365 maalmood laga soo bilaabo markii ugu dambeysay ee aad adeegsiga adeegsatay, intaa ka dib waa la tirtiri doonaa; marka laga reebo xogta qarsoon ee loo Isticmaalay in lagu arko sida adeegga u shaqeeyo. Haddii aad rabo inaad mar labaad aad Isticmaasho adeegga ka dib markaad horay u weydiisatay inaad joojiso oo aad tirtirto xogtaada, waxaa la xiriiri karta mar labaad oo aad bixin kartaa ogolaansho cusub sida markii ugu horreysay. 

8. Weydiinta Xogtaada

Haddii aad rabto xog shaqsi ahaaneed adiga kugu saabsan ee UNHCR soo uruurisay qeybna ka ah adeegga, waxaad weydiisan kartaa UNHCR macluumaadkan waqti kasta adoo u dirya fariin “macluumaadkayga” adeegga WhatsApp. 

9. Soo Gudbinta wixii aad tabanayso

UNHCR way la shaqeyn doontaa si ay ugu jawaabto wixii walaac ah oo aad qabtid ee ku saabsan adeeggan sida ugu macquulsan, sida sirahaaga. Haddii aad aamin san tahay inaan kaa caawin Karin Khadka isgaarsinta ee ku xusan farqada 8-aad ee kore, ama haddii ay jiraan wax cabasho ah, faalo ama walaac ah, waxaad cabashadaada ku soo gudbin karta adoo adeegsanaya qaabkeena cabashada gudaha.Si aad u hesho macluumaad ku saabsan qaabkan, fadlan iimeyl [email protected] weydi faahfaahin ku saabsan sida loo sameeyo tan. 

10. Isbedelka Ogeysiiska

UNHCR way bedeli kartaa Qaanuunkan Arrimaha khaaska ah waqti kasta. Markasta oo isbedel la sameeyo, waxaad heli doontaa ogeysiis waana inaad ku raacda shuruucda cusub si aad u wadato adeegsiga. 

Shuruudaha  Guud iyo Xaaladaha

 Adeegsiga adeegga UNHCR Indonesia WhatsApp waxay ka dhigan tahay inaad ku raacday dhamman waxyaabaha hoose: 

1. Isticmaalka Adeegga WhatsApp-ka ee UNHCR Indonesia

Markaad Isticmaalaysid adeegga WhatsApp-ka ee UNHCR Indonesia waxaad ku raacsan tahay waxyaabaha soo socda. Xusuusnow kuwani way ka duwan yihiin shuruudaha adeegga WhatsApp ee aad ku raacsan tahay adoo adeegsanaya arjigan : 

  • Ha ka been sheegin xiriirka aad la leedahay Isticmaalaha kale;  
  • Ha ka been sheegin xiriirka aad la leedahay Isticmaalaha kale; 
  • Ha la wadaagin wax macluumaad shaqsi ah oo ku saabsan naftaada ama kuwa kale ilaa si gaar ah laguu weydiisto. 
  • Haddii ay ku weydiiyaan macluumaad dadka ku shaqa leh nadaamkan si ay u arkaan adeegyada aad adiga heli karto, oo aad doorato inaad la wadaagto macluumaadkan,fadlan hubi macluumaadka inuu yahay mid sax ah oo suuragal ah. 
  • Ha Isticmaalin wax edeb darro ah, takoor, aflagaado,ama luuqad xadgudub ah.  
  • Kama iibin kartid macluumaadka aad ka hesho adeegga dad kale ama lacag kama qaadi kartid dadka Isticmaala taleefonkaaga. 
  • Ha u Isticmaalin arjiga xadgudub hanti aqooneed ee qof kasta (yacni xaquuqda ku saabsan hal-abuur iyo shaqa aqli oo noqan karta xuquuqda daabacaadda,naqshadaha calaamadaha ganacsiga,qaabeynta, iyo macluumaadka qarsoodida ah ee qeyb ka noqan kara, waxyaabahaaga) 

2. Aan la ogoleyn  

UNHCR waxay go’aansan kartaa in aan loo jawaabin dadka Isticmaalaya adeegga haddii ay ku xadgudbaan adeegga ama aysan raacin mas’uuliyadooda kor ku xusan, iyo ama aysan ogolaanin marin u helida adeegga dadka Isticmaalaa haddii ay Qatar galinayso shaqsiyaad kasta. 

3. Afeef 

UNHCR waxay isku dayaysaa inay hubiso Adeegga ay ka bixiso WhatsApp-ka UNHCR Indonesia inuu noqdo macluumaad sax ah oo macquul ah, gaar ahaan xaalada COVID-19 mar walbo wuu isbedelaa sidaa darteed dib-u dhac ayaa ku imaan karta cusboonaysiinta macluumaadka adeegga. UNHCR sidoo kale ma awoodo inay bixiso macluumaad la xiriira wadan kale oo aan aheyn kan adeegga lagu bixinayo.Inkastoo UNHCR aan damaanad qaadi Karin in khaladaad aysan ku jirin macluumaadka la bixiyay, hadana waxay isku dayaysaa inay saxdo. Waxyaabaha ku jira adeegga waxaa lagu wadaagayaa qaab sidii uu ahaa iyadoo aan la helin damaanad qaad nooc kasta uu yahay.UNHCR si khaas ah uma sameynayso wax damaanad ah sida haboonaanta tayada, waqtiga,saxsanaanta ama dhammeystirka macluumaadka ay bixiso adeeggu. 

Haysashada adeeggan,UNHCR kuma taageerayso adeegsiga WhatsApp-ka ama barnaamijyada ee fariimaha la iskugu diro. Adeegsiga macluumaadkan ma ahan in Isticmaalaha loo damaanad qaaday helitaan macluumaad ama adeeggyo gaar ah.

Adeegsiga magacyo gaar ah ee dalal ama dhulal macnaheedu ma ahan in UNHCR ay wax faalo ah ama xaqiijin ah ka bixinayso xaalada sharci ee wadamadaas ama dhulalka, maamulladooda iyo hay’addahooda ama soohdimohooda. 

4. Macluumaad ka baxsan UNHCR

Adeeggu wuxuu tilmaami karaa jihada macluumaadka ee bixiyeyaasha adeegga ama kuwa ka baxsan UNHCR, oo ay ku jiraan wax kasta oo ka mid ah bixiyeyaasha maadooyinka, dhinacyada saddexaad ee adeegga macluumaadka bixiyay, adeegsi kasta oo ka mid ah dalabka qof kale ama hay’add kale. Sidoo kale, waxaa laga yaaba kuwa kale inay bixiyaan macluumaad ku saabsan UNHCR. UNHCR ma maamusho macluumaadka ay bixiyaan kuwa ka baxsan. Tani macnaheedu waxay tahay UNHCR ma sheegi karto sax ahaanshaha macluumaad ka baxsan mas’uulna kama ahan macluumaadkaas iyo natiijada ka soo baxdo, oo ay ku jiraan khasaarooyin iyo waxyeelada kaa soo gaaro. UNHCR ma bixiso wax damaanad ah waxayna si qaas ah u adeynaysa tani wax mas’uuliyad ah oo nooc kasta ah wixii lumay ama waxyeelo la xiriira adeegga adeegyadan oo kale. 

5. Talaabooyinka Amniga

UNHCR waxay qaadi doontaa talaabooyin iyo farsamo hay’addeed si loo xaqiijiyo xafidaada xogtaada iyo inaan lala wadaagi doonin cid aan fasax u haysanin macluumaadkaaga laakiin ma damaanad qaadi karto nabadgelyo buuxda iyadoo la texgelinaya halista marwalba ka jirta Isticmaalka dijitaalka.  

Isticmaalka WhatsApp sidoo kale waxay ka dhigan tahay in xog gaar ah ay helaan Facebook, oo iska leh WhatsApp iyadoon loo eegin adeegsiga adeeggan. UNHCR mas’uul kama noqon karto wixii dhibaata ah ama Isticmaal kale ee xogtaada dadka kale,ama khatar kale abuuri karta iyadoo la adeegsanaya barnaajiyada moobilada ee cid saddexaad. 

6. Isbedelada adeegga WhatsApp

UNHCR badana waxay dib u eegis ku sameyn kartaa sida adeegga u sheaqeeyo oo ay u sameyso isbedel si ay u sii wanaajiso haddii ay suuragal tahay. Isticmaalka adeeggan, waxaa siinaysaa UNHCR ogolaansho ay dib ugu eegaan wada hadalka lala yeelanayo shaqsiyaadka si qarsoodi ah sifo loo gaaro isbedelka loo baahan yahay. Haddii isbedel ah la sameeyay uu saameeyso macluumaadkaaga shaqsiyeed ama wax heshiis ah, UNHCR way ku soo wargelin doontaa. UNHCR way bedeli kartaa adeeggan iyadoo loo fiirinaya dhaqliga ama isbedel xaalad adoon lagu ogeyssin laakiin way ku wargelin doonaan isbedelka ka dhib. 

7. Xiriirka  

Haddii aad qabtid su’aal ama walaac ku saabsan Isticmaalka heshiiskan fadlan qoraal u dir “HESHIIS.”  

Wixii macluumaad intaa dheer kala xiriir qeybaheena bixinta jawaabaha adeegyada, fadlan iimeyl u dir [email protected]

8. Hantida aqooneed  

Dhamman xuquuqda la haanshaha aqooneed la xiriira agabyadda ay leedahay UNHCR- ee lagu waddgo arjiga waxaa iska leh UNHCR, ilaa si kale loo sheega mooyaan. Qeybo ka mid ah qalab iyo macluumaad kale oo lagu wadaagay arjiga waa la arki karaa. Lana soo dejin karaa, lana daabici karo si shaqsi ahaaneed oo keliya, iyada oo wax xaquuq ah loo lahayn in la iibiyo,dhib u iibin ama laga abuuro shaqooyin la xiriira iyaga. 

Isticmaal kasto aan ahayn sababo shaqsiyeed, oo ay ka mid yihiin koobiyeynta ama tarjumidda qeybo badan oo ka mid ah agabyadda ay leedahay UNHCR waxay u baahan tahay inaad hesho ogolaansho qoraal oo ay leedahay UNHCR ka hor intaadan sameyn.   

UNHCR waxay xaq u leedahay inay adeegsato dhammaan ikhtiyaarrada sharciga ah si ay wax ugu qabato xadgudub kasta ee shuruudaha iyo xaaladan, ay ku jirto xadgudub kasta oo lagu sameeyo xaquuqda UNHCR astaaanteeda iyo magaceeda, iyo xaquuqda la xiriirta macluumaadkeea farshaxan, qoraak, fiidiyow, maql, ama sawirada la sameeyay waa laga heli karaa arjiga.  

9. Magaca iyo Astaanta UNHCR

Magaca UNHCR iyo astaanta waa hantida gaarka ah ee UNHCR. Waxaa lagu ilaaliya sharciga caalamiga. Isticmaalka aan la fasaxin waa mamnuuc. Lama koobiyeeyn karo lamana soo saari karo iyadoon ogolaansha qaraal ah laga haysanin UNHCR. 

10. Ogeysiiska Isbedelka

UNHCR Indonesia waxay dooran kartaa adeegeeda WhatsApp inay bedesho waqti kasta. UNHCR way bedeli kartaa ama joojin kartaa qeyb kasta oo ka mid ah macluumaadka WhatsApp-ka ee UNHCR Indonesia, oo ay ku jiraan laakiin aan ku koobnayn shuruudaha, xaaladaas iyo marka adeega la heli karo. 

11. Xaaladda gaarka ah ee UNHCR iyo sida walaac loo muujiyo   

UNHCR waxay leedahay meeqaam gaar ah oo hay’add UN sidaa darteed waxay leedahay ilaalin dheeraad ah oo ku saabsan madax-banaanida iyo dhex-dhexaadnimada howlaheeda,oo ay ku jirto adeegga macluumaadka UNHCR Indonesia ee WhatsApp. Ma jiraan wax ku saabsan ama la xiriira ogeysiiskan ama UNHCR adeegga WhatsApp looma arki karo inay ka tanaasushay mid ka mid ah mudnaanta iyo xasaanadda UNHCR   

12. Xalinta khilaafaadka   

Wixii khilaaf ah ee ka dhasha heshiiskan ee lagu xllin waayo wada shaqeyn waxaa lagu xallin doonaa sida soo socota: 

  • Ka dib markii hal dhinac kan kale ogeysiiyo, muranka waxaa loo gudbin doonaa habka halinta, inkastoo taasi aysan qasab ahayn, taasi waxay raaci doontaa qawaniinta guddiga Qaramada Midoobay ee sharciga ganacsiga (“UNCITRAL”), ama hanan kale oo la mid ah haddii labada dhinac ku heshiiyaan. Luuqadda howshu waa waxay noqonaysaa igiriis haddii aan si kale lagu heshhin.  
  • Haddii uusan jirin wax xallin ah 60 ka dib marka dhinac ka mid ah kan kale ogeyssiyo, arrinka waxa loo gudbin doonaa heshiisiin la socoto xeerarka xallinta khilaafaadka ee UNCITRAL. Luuqadda la adeegsan doona waxay noqon doontaa ingiriis waxayna howshu ka dhici doontaa Geneva halkaa oo ay UNHCR ku leedahay xaruunta guud. Dacwadda waxay ku bixi doontaa qaab khadka tooska ah (tusaale ahaan iyadoo la adeegsanayo shir Khadka taleefoonka ah ama qoraal haddii ay suuragal atahy. 

13. Joojinta adeegga

UNHCR way bedeli kartaa ama joojin kartaa adeegga WhatsApp waqti kasta iyadoon bixin wax ogeysiis ah. UNHCR mas’uul kama noqon karto wixii saameyn taban ama joojinta adeegga .