Is diwaangelinta

UNHCR ayaa mas’uul ka ah diiwaangelinta dhamaan dadka aan u dhalan Suuriya ee magangalyo ka raadsada Suuriya.

 Diiwaangelintu waa hab mutadawacnimo ah oo u furan dhammaan dadka iyadoon loo eegayn dhalasho, isir, jinsi, diin, lab ama dhedig ama da’.

UNHCR waa hay’ada kaliya ee bixisa diiwaan gelinta iyo bixinta adeegyada dukumeentiyada magangalyo-doonka iyo qaxootiga Suuriya, dadkuna waxay markaas ku heli karaan ogolaanshaha joogitaanka iyago dib u raajicinaya xafiisyada Iqaamada  Suuriya.

 Waa inaad maskaxda ku haysaa in UNHCR aanay hawshan u wareejin cid sadexaad, dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCRna waa lacag la’aan.

Yaa iska diiwaan gelin kara UNHCR gudaha Suuriya?

Haddii aadan awoodin inaad ku laabato dalkaagi hooyo cabsi aad ka qabto noloshaada ama badbaadadaada, oo aad rabto inaad hesho magangalyo caalami ah, waa inaad marka hore iska diiwaan gelisaa UNHCR.

Badbaadada caalamiga ah waa mid bini’aadantinimo iyo mid rayid ah, marka hadii aad ku lug leedahay wax ka mida fal hubaysan, kama diwaangelin kartid UNHCR.

Sideen iskaga diiwaan gelin karaa UNHCR?

Si aad isaga diiwaan geliso UNHCR, waa inaad la xiriirta xafiiska UNHCR ee kuugu dhow oo aad balan samaysato waraysi. Sidoo kale fadlan noo soo sheeg hadii aad u baahan tahay turjumaan iyo luqada ama lahjada aad doorbidayso.

UNHCR ee Suuriya waxay ku leedahay xarumo diiwaan gelinta oo ku yaal Dimishiq, Xalab, Tartous, Xomus iyo Qamishli. Waxaad ka heli kartaa macluumadka xiriirka xarun kasta halkan Xidhiidhka Electronic   ah [“Sida loola xiriiro UNHCR ee Suuriya“]

Sidee bay u socdaa hawsha diiwaangelintu?

Maalinta iyo wakhtiga balantada, adiga iyo dhammaan xubnaha qoyskaaga iyo/ama dadka kugu tiirsan ee aad rabto inaad iska diiwaan geliso waa inaad timaadaa xafiiska UNHCR.

Ha iloobin arimaha soo socda:

Keen balantaada dhammaan dukumeentiyada la xiriira failkaaga, sida baasaboorka, aqoonsiga qaranka, warqada dhalashada, warqada  guurka, buuga qoyska, iwm.

Soo qaado bayaan qoran oo faahfaahsan oo luqadaada ah oo sharxaya sida aad uga soo tagtay wadankaagi iyo sababaha aad uga tagtay.

Inta lagu jiro wareysiga, UNHCR waxay diiwaan gelisaa macluumaadka adiga iyo qoyskaaga ku saabsan iyo sababaha aad uga soo tagtay dalkaagi oo aadan awoodin inaad ku noqoto. Sido kale waa lagu sawirayaa waxaana lagu qaadi doonaa xogtaada biometric (iris scan) iyadoo ujeedadu tahay xaqiijinta aqoonsiga. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad maalin dhan ku qaadato xafiiska, markaa fadlan samir.

 

UNHCR cid kale lama wadaagto xogtaada biometric.

Fadlan u fiirso arrimaha soo socda:

Waa inaad siisaa warbixin run ah oo dhamaystiran UNHCR markaad isdiiwaangeliso. Bixinta macluumaad aan dhamaystirnayn ama khaldan waxay keeni kartaa in faylkaaga la diido.

Qof kasta oo diiwaangashan wuxuu helayaa lambarka faylka. Fadlan hayso nambarkan sababto ah waxaad u baahan doontaa marka aad la xiriirto UNHCR mustaqbalka, lambarkani wuxuu naga caawin doonaa inaan si dhakhso ah u helno faylka uu ku jiro macluumadkaga.

Marka aad iska diiwaan geliso UNHCR, adiga iyo xubnaha qoyskaga waxaad heli doontaan kaarka aqoonsiga magangelyo doon (la cusboonaysiin karo) u gaar ah magangalyo doonka .

Hadii duruufahaaga gaarka ah (sida xaaladda guurka, dhismaha qoyska, ciwaanka, iwm.) ay is bedalaan waa inaad u sheegtaa UNHCR oo faylkaaga waa la cusboonaysiin doonaa, markaas ayaa lagu siin doonaa kaar aqoonsi oo cusub.

Si aad u cusboonaysiiso kaadhkaaga aqoonsiga, la xidhiidh xafiiska UNHCR ee kuugu dhow si aad u balansato waraysi. Sidoo kale fadlan noo soo sheeg hadii aad u baahan tahay turjumaan iyo luqada ama lahjada loo baahan yahay.

 

UNHCR waa hay’ada kaliya ee bixisa adeegyada diiwaangelinta iyo dukumentiga bixinta magangelyo-doonka iyo qaxootiga Suuriya, dadkuna waxay markaa ka heli karaan ogolaanshaha joogitaanka xafiisyada iqaamada Suuriya. Waxaan kuu sharxi doonaa sida aad tan u samayn karto.

Waa inaad maskaxda ku haysaa in UNHCR aanay hawshan u wareejin cid sadexaad, dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCRna waa lacag la’aan.

 

Maxaa dhacaya nidaamka diiwaangelinta ka dib?

Ka dib marka aad iska diiwaan geliso UNHCR, waxa laga yaabaa in aanu kula soo xidhiidhno si aanu ku waydiino in aad u timaadid waraysi xafiiskayaga taariikh iyo wakhti cayiman si loo go’aamiyo in aad u qalanto aqoonsiga qaxoontinimo. Fadlan ogow in dhammaan magangalyo-doonka aan lagu casuumin wareysigan. Waxaan go’aamin doonaa in tani ay lama huraan tahay, iyadoo ku xiran duruufahaaga gaarka ah iyo xaalada dalkaaga asalka ah.

Talaabooyin ka-hortag ah oo la xiriira Coronavirus (Covid) gudaha xarumaha diiwaangelinta ee UNHCR

Si loo ilaaliyo naftaada loogana hortago faafitaanka Coronavirus (Covid-19), UNHCR waxay qaaday talaabooyin taxadar ah dhamaan dhismayaasheeda. Sidaa darteed, fadlan raac tilmaamaha iyo macluumaadka ku saabsan nadaafada shakhsi ahaaneed iyo kala  fogaanta bulshahaaned sida ka muuqata dhismaha.

Waxaa aad loogu talinayaa in la xidho maaskaro meelaha dadku ku badan yahay ee gudaha ah iyo in aad ka fogaato dadka kale si aad u ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba si fiican.


Related Information:   << Back to Syria homepage >> Select another country on our Help page