Macluumaad ku saabsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Suuriya

Ujeedada ugu weyn ee UNHCR waa in ay ilaaliso xuquuqda iyo wanaagga dadka lagu qasbay in ay ka cararaan dagaal iyo cadaadis ka socda dalalkii ay ka yimaadeen iyo ilaalinta wanaaga danahuuga . Suuriya, waxaan xafiisyo ku leenahay Dimishiq, Qamishli, Xalab, Xoms, As-Suwayda, Tartous iyo Deir ez-Zor, waxayna ka kooban yihiin dhamaan afar iyo tobanka gobol ee dalka.

UNHCR ee Suuriya waxay dammaanad qaadaysaa gelitaanka hababka ilaalinta caalamiga ah iyada oo ku diwaangelinaysa magangelyo-doonka database-keeda, iyo go’aaminta inay u qalmaan heerka qaxootinimo. UNHCR waxay siisaa dukumeenti magangalyo doon ah iyo qaxootiga ka caawin kara inay sharci daganaan ka helaan Suuriya.

UNHCR waa hay’ada kaliya ee bixisa adeegyada noocaas ah magangalyo-doonka iyo qaxootiga Suuriya.