Dib u Noqoshada Ikhtiyaariga Ah

Xageen ka heli karaa warbixinta ku saabsan hadii aan rabo inaan iskay ugu laabato ama dib ugu noqoshada dalkaygii hooyo?

Buuga iskaa ulaabashada ee UNHCR ka waxaa ku qoran warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qaabka iyo shuruucda dib u laabashada waxa aadna ka heli kartaa halkan:
https://www.unhcr.org/en-my/publications/legal/3bfe68d32/handbook-voluntary-repatriation-international-protection.html?query=handbook%20voluntary%20repatriation

Waxaa lay aqoonsaday qaxoonti, laakin waxaan rabaa inaan dalkaygii hooyo ku laabto. UNHCR may caawin kartaa?

Haddii ay suurtagal noqoto in aad dalkii hooyo ku laabato kadib qiimeyn iyo la talin.UNHCR waxay u gudbineysaa codsiga Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM). IOM waxay maamushaa Barnaamijka Dib u Celinta Iskuduwida iyo Dib-u-noqoshada (AVRR) ee loo adeegsan karo safarka. UNHCR waxaa laga yaabaa inay bixiso Foomka Dib u Celinta Dib u Celinta (VRF). Nidaamka oo idil wuxuu qaadan karaa 1 ilaa 3 bilood. Tani waxay kuxirantahay haddii dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay la heli karo, iyo sidoo kale habaynta saadka. Qofka qaxootiga ahi wuxu bixin doona ganaaxa iyo qiimaha fiisaha gaarka ah ee dal kaka bixida oo ah RM100 qofkiiba. Cafiska ganaaxa dalka bixista waxaa kaliya oo loogu talagalay dadka haysta kaararka UNHCR.

Waxaan ahay magan-gelyo doon, laakin waxaan rabaa inaan dalkaygii hooyo ku laabto. UNHCR ma I caawin kartaa?

Haddii ay suurtagal noqoto in aad dalkii hooyo ku laabato kadib qiimeyn iyo la talin, UNHCR waxay u gudbineysaa codsiga Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM). IOM waxay maamushaa Barnaamijka Dib u Celinta Iskuduwida iyo Dib-u-noqoshada (AVRR) ee loo adeegsan karo safarka. UNHCR waxaa laga yaabaa inay bixiso Foomka Dib u Celinta (VRF). Nidaamka oo idil wuxuu qaadan karaa 1 ilaa 3 bilood. Tani waxay ku xiran tahay marka dhammaan dukumiintiyada loo baahan yahay la heli karo, iyo sidoo kale habaynta saadka.Qofka Magangalyo-doonka ahi wuxu bixin doona ganaaxa iyo qiimaha fiisaha gaarka ah ee dal kaka bixida ka bixida oo ah RM100 qofkiiba. Cafiska ganaaxa dalka bixista waxaa kaliya oo loogu talagalay dadka haysta kaararka UNHCR. Lacag bixinta buuxda ee ugu badnaan RM3000 ayaa laga rabaa qofka magangalyo-doonka ahi inuu bixiyo.

Dacwadaydii qaxoontinimada waa la soo diiday markaa waxaan rabaa inaan dalkaygii hooyo ku laabto. UNHCR ma I caawin kartaa?

Waad la xiriiri kartaa IOM si aad ula tashato. Codsadayaashu waxay u baahan doonaan inay iska bixiyaan kharashka ku baxa codsiga ruqsadda iyo ganaax iyo sidoo kale visaha dalka baxa ah. UNHCR ma awoodi doonto inay bixiso foomka Dib u laabashada (VRF).

Ma u qori karaa qeybta xalka joogtada ah si aan u codsado warbixintii u dambeysay oo kusoo kordhay kiiskeyga?

Uma baahnid inaad xafiis u tagto ama u dirto waraaqo,fakiska ama emails. Hase yeeshee, waa muhiim, inaad bixi meesha lagaala soo xiriirayo oo faahfaahsan – lambarrada telefoonka (sidoo kale fadlan sheeg haddii aad isticmaasho Whatsapp) cinwaanada emailada ee aad cusbooneysiiyo usoo gudbi UNHCR, si xafiisku kuugu qaban karo ballan marka loo baahdo.

Ma u laaban karo dalkeyga maadaama uusan aheyn ammaan, UNHCR ka ma ii diri karaan dal daris la ah dalkeyga hooyo?

Dib u noqoshada ikhtiyaariga ah waxaa loola jeedaa in qofku dib ugu laabto wadankiisa hooyo si ikhtiyaari ah iyo xaalad nabadgelyo iyo sharaf leh. UNHCR ma qabanayso, mana caawiso mana u fududeyneyso qofka inuu u safaro waddan kale oo deris ah.

Nolasheyda malaysia aad bey u dag tahay , waxaan doonayaa inaan aado dal kale, UNHCR ka ma ii soo saari karaan foomka dib u laabashada ee(VRF)?

Foomka Dib u Celinta (Voluntary Repatriation Form) (VRF) waxaa la soo saaray KALIYA haddii qofku muujiyo rabitaanka inuu ku laabto waddankii asalka ahaa.

UNHCR ma i caawin kareysaa haddii aan halis ugu jiro inaan si khasab ah dib la igu celiyo waddankayga hooyo?

UNHCR waxay u doodi doontaa qofka si looga hor tago masaafurinta waddanka uu ka soo jeedo, gaar ahaan haddii ay jiraan sababo la rumaysan karo in qofka naftiisu halis ugu jiro haddii dib loogu celiyo.