Dib-U-Dejin

Halkee ayaan ka heli karaa macluumaad ku saabsan dib u dejinta waddamada debeda ee UNHCR dadka u dirto?

Buuga dib u dejinta ee UNHCR ka waxaa ku qoran warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qaabka iyo shuruucda dib u dejint. dalalka dib u dejinta sameeya waxay ku faahfaahiyeen shuruucda iyo qanuunkooda iyadoo loo sharaxay dal kasta gaarkiisa,buuga dib u dejintu wa dhokuman guud waxa aadna ka heli kartaa halkan:  www.unhcr.org/en-my/protection/resettlement/4a2ccf4c6/unhcr-resettlement-handbook-country-chapters.html

“Qeybaha codsiga ee dib u dejinta” waxa lagu sharaxay cutubka 6aad ee buuga dib u dejinta UNHCR, waxa aanad ka akhrisan kartaa lingaxan hoos ku qoran: https://www.unhcr.org/3d464e842.htm https://www.unhcr.org/3d464e842.html

Maalmahe ayay shaqaysa qeybta la weydiyo warbixinta ku saabsan dib u dejinta (DSU) ee UNHCR?

Daaqadda ama kawntarka dib u dejinta (DSU) si abadiyan ah ba loo xidhay. waxaan idinka codsanayna inaad noo samirtan intay UNHCR helayso qaabab kale oo loo maareyo weydiimihiina.

Sidee ayaan ulaso xiriira xafiska dib u dejinta si aan uga wareysto kiiskayga?

Uma baahnid inaad xafiis u tagto ama u dirto waraaqo,fakiska ama emails. Hase yeeshee, waa muhiim, inaad bixisid meesha lagaala soo xiriirayo oo faahfaahsan – lambarrada telefoonka (sidoo kale fadlan sheeg haddii aad isticmaasho Whatsapp) cinwaanada emailada ee aad cusbooneysiiyo usoo gudbi UNHCR, si xafiisku kuugu qaban karo ballan marka loo baahdo.

Haddii kiiskayga qeybta dib u dejinta ee (DSU) ay wax ka qabatay oo loona gudbiyey maraykanka, yaan laso xiriira si aan wixii kuso kordha u ogaado?

Qeybta dib u dejinta taageerta ee (RSC) waxay u shaqaysa dawlada maraykanka waxayna caawisa qaxoontiga si loo buuxiyo codsiyada dib u dajinta si ay u tixgeliyaan saraakiisha Mareykanka. waxaad laso xiriir karta qeybta dib u dejinta taageerta ado so wacaya +60321415846 ama iimayl uguso diraya  [email protected].

Sideen ku ogaan karaa inaan u qalmo in lay tixgeliyo dib u dejinta?

“Qeybaha codsiga ee dib u dejinta” waxa lagu sharaxay cutubka 6aad ee buuga dib u dejinta UNHCR, waxa aanad ka akhrisan kartaa lingaxan hoos ku qoran: https://www.unhcr.org/3d464e842.html

Waraysigayga diwaangelinta kadib, intee in leeg bay qaadanaysa in lay aqoonsado oo dib u dijin la ii sameeyo?

Shakhsiyaadka ka diiwaan gashan UNHCR waxay marayaan habka go’aan qaadashada xaaladda qaxootinimo, inta lagu gudajiro qiimeynta qoto dheer ee baahida badbaadada caalamiga ah ee shakhsi ahaaneed ayaa la qaban doonaa kahor inta aan go’aan laga gaarin haddii shakhsigu yahay qaxooti. Kaliya shakhsiyaadka lagu go’aamiyay in ay qaxooti ahaan ka noqdaan UNHCR waxaa loo tixgelin karaa dib u dejin. Waqtiga la samaynayo go’aanka xaaladda qaxootinimada iyo dib u dejinta, haddii u u qalmo, way ka duwan tahay kiisba kiiska kale.

Waan helay kaadhkii qaxootiga. goorma aya wareysiga dib u dejinta la iiso wacaya?

Inaad haysato kaadhka qaxoontiga ma ahan micnaheedu inaad si toos ah ugu qalmayso dib u dejin.sido kale muddada aad Malaysia joogtay kaama dhigayso qaxoonti u qalma dib u dejin. “qeybaha codsiga ee dib u dejinta” waxa lagu sharaxay cutubka 6aad ee buuga dib u dejinta UNHCR, waxa aanad ka akhrisan kartaa lingaxan hoos ku qoran: https://www.unhcr.org/3d464e842.html

Ugu danbaynti, sababo la xiriira yaraanta xaddiga dib u dejinta, shakhsiyaadku waxay u baahan yihiin in mudnaanta la siiyo dib u dejinta iyadoo loo eegayo xaalad deg-deg ah iyo darnaanta baahida ay u qabaan ilaalinta iyo dib-u-dejin.

Waxaan helay waraaqad la iigu sheegayo in aanan wakhti xaadirkan u qalmin dib u dejin, maxa laga wada arinkan maxan se sameya?

Taas macnahedu waxa weye in UNHCR aanay wakhti xaadirkan awoodin in ay kiiskaga u gudbiso dalalka dib u dejinta. iyado tasi jirto haddana, macnahedu maaha in is bedel ku yimid marxaladdaada qoxoontinimo. Waxa kuusii socon doona helitaanka adeegyada caalamiga ah ee ilaalinta iyo gargaarka UNHCR.

Inta lagu guda jiro waraysiga dib u dejinta, ma weydiin karaa dalka kiiskayga loo gudbin doono?

Haa waad weydin karta. UNHCR waxay tixgelisaa rabitaanka qoyskaaga iyo shuruudaha dalalka kale ee dib u dejinta. Macluumaadkani wuxuu UNHCR ka caawin doonaa sidii loo dooran lahaa wadan ku haboon qoyskaaga.

Ma codsan kara in dib u dejin la iigu sameeyo dal aan anu doorbido?

Inkasta oo UNHCR ay qadarinayso dalka u qaxoontigu doorbidayo in dib u dejin logu sameyo, go’aanka ugu dambeeya ee waddanka qaxootiga loo gudbinayo waxa iska leh UNHCR. Go’aankaas, UNHCR waxay tixgelineysaa baahida gaarka ah ee qaxootiga iyo sidoo kale in cid familkiisa ahi joogto.

Ma iska diidi karaa wadan dib u dejin la iigu doortay? Maxaa ku dhacaya kiiskeyga kadib markaan diido dalabka?

Haddii aad dooratid in aan laguu tixgelin dib-u-dejin dal gaar ah, waxaad halis u tahay in lagaa reebo hawlaha dib-u-dejinta. Haddii aad go’aansato inaad ka noqoto waddanka dib u dejinta ee ku waraystay oo aqbalay kiiskaaga, UNHCR ayaa talo kaa siin doonta saameynta iyo cawaaqibka ka noqoshada. UNHCR ma awoodi karto inay kiiskaaga mar labaad u gudbiso dal aad dooratay, dal kale na in uu aqbalo kiiskaaga waxay ku xidhan tahay go’aanka dal kale oo dib u dejin ah haddii uu tixgeliyo in loo gudbiyo dib u dejinta.

Waxaan dhammeystirey wareysigeyga dib u dejinta. Goorma ayaa la iiga wici doonaa wareysiga waddanka dib u dejinta?

Ujeedada wareysiga dib-u-dejinta waa in lagu qiimeeyo kiiskaaga dib-u-dejinta. Ka dib wareysiga dib-u-dajinta, kiiskaaga ayaa dib loo eegi doonaa ka hor inta aan la gaarin go’aan laga gaarayo in kiiskaaga dib-u dejin loo gudbiyo iyo in kale. Waqtiga loo baahan yahay nidaamkan wuxuu ka duwan yahay kiis ka kiis. Haddii kiiskaada kadib loo gudbiyo Mareykanka, Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta (RSC) ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu wargaliso taariikhda waraysigaaga RSC. Waddamada aan ka aheyn Mareykanka, UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta si aad u bixiso macluumaad ku saabsan taariikhda waraysigaaga oo ay la socdaan saraakiisha wadanka dib u dejinta.

La igalama soo xiriirin wadanka dib u dejinta. Goorma ayaa lay soo wacayaa?

Waqtiyada ay qaadanayso dib u dejinta ayaa wakhti dheer ah oo aan la saadaalin Karin. Waxay kuxirantahay habraaca waddanka dib u dejinta, mudnaanta taas oo ka baxsan xakamaynta UNHCR.

Waxaa isoo wacay qeybta dib u dajinta (DSU), iyagoo igu wargalinaayo inaan sugo kiiskeyga dib u dajinta , sidee u heli karaa macluumaad dheeraad ah?

Iyadoo loo eegayo baahida loo qabo in la ilaaliyo sirta, unhcr mar walba ma u sharxi karto qof kasta sababtoo oo uu kiiskooda u soconin. kiisaska hakad waxey u noqon karaan sababo kala duwan awgeed, si kastaba ha noqotee, markii oo si buuxdo loo qiimeeyo, loo caddeeyo iyo loona xalliyo ayaa howshada dib u dajinta dib loo socosiinayaa. inaad imaato UNHCR misa weydiiso kiiskaaga mar walbo wax maka badali doonto mana kugu caawin doonto inuu kiiskaaga si dhaqsi u socdo.

Kiiskeyga waxaa loo gudbiyay Mareykanka oo ii aqbalay dib u dejin. Waxaan ku lug lahaa khayaanada aqoonsiga sannadka 2012. Waanan qirtay, kiiskeyga hakad aya lagu qabtay. Goorma ayaa la i wareysan doonaa oo dib u dejin la i sameyn dona?

Kuwa lagu soo rogay khiyaanada aqoonsiga waxaa la wareystay bishii Maarso iyo Abriil 2019 ee Waaxda ammaanka dhulka hooyo ee Mareykanka (DHS) saraakiil ka socota Mareykanka ayaana wareystay. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan kiiskaaga, fadlan la xiriir Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta (RSC) adiga oo wacaya +60321415846 ama email ugu dir [email protected].

Waxaan dhammeystiray baadhitaankayga caafimaad balse waxay iga codsatay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) in aan tago baaritaan kale. Waa maxay sababta?

Dalalka dib-u-dejinta waxay u baahan yihiin baaritaan caafimaad la cusbooneysiiyay oo loogu talagalay qaxootiga. Qaxootiga waxay u badan tahay in ay maraan wax ka badan hal imtixaan ka hor intaan la tegin, iyada oo ku xidhan siyaasadaha dalka dib u dejinta samaynaya.

Maxa sababay in dib u dejinteyda waqti dheer qaadato?

Dib u dejinta aya ah mid waqti badan ku qaadata dhammaan dadka ay quseyso sido kale waqtiyada ay ku kala qaadato dalalka aya kala gedisan, sababo quseeya kala duwanaanshaha sharciyada socdaalka, mudnaanta iyo khayraadka. way adag tahay in la saadaaliyo intee in leeg ayay qaadanaysa marka laga bilaabo marka wareysiga dib u dejinta laga dhameystiro dhanka UNHCR ilaa marka wadanka aad ka dagaysid. arrimo sida dhalista, guurka, uurka, furniinka iyo daryeelka caruurta, diwaangelinta, dhimashadu waa in si habboon loo qiimeeyaa loona xalliyaa ka hor inta aan dib u dejinta la sameyn.

Reerkayga weli waxa uu sugaya dib u dajin. masii wadan kara hawshayda dib u dejinta? maxa ku dhici dona reerkayga? UNHCR ma ka caawin karta reerkayga in ay igula midoban dalka dib u dejinta?

UNHCR waxay kor u qaadaysaa isu keenidda qoyska iyo dib u soo celinta xiriirka taageerada mana kala qaybin doono qoysaska. Waa muhiim inaad UNHCR u sheegto xubnaha qoysaska aan diiwaangashaneyn. waxa La-talin la siin doonaa qoyska oo ku saabsan natiijooyinka iyo cawaaqibka.

Haddii aan is qabno qof aan qaxooti ahayn, ilmahayga iyo lammaanahayga UNHCR kaadh ma heli karan oo dib u dejinta ma ila geli karan?

Muhiimada ma siiso UNHCR qaxoonti ay is qabaan qof aan qaxoonti ahayn, haddii aad guursato qof aan qaxoonti ahayn, waxaad xaq u yeelan kartaa xaalad degenaansho ama aad muwaadinnimo ka heli karta dalka lammaanahagu kaso jeedo. guursiga qof aan qaxoonti ahayn UNHCR si taxadar leh ayay u qiimeyneysa, si ay u go’aamiso fursadaha u qofkasi haysto iyo xaaladda guud ee dhammaan qoyska, kahor inta aan dib u dejin loo qoondeyn. haddii uu lammaanahaagu yahay Malaysiyaan, waaxda dib u dejintu waxay kiiskaaga u gudbineysa qeybta ilaalada, taasi oo laga yaabo in ay adiga iyo caruurtaadaba dib u eegis ku sameyaan rajada aad ka qabtaan inad dhalsho heshaan.

Waxaan qabaa xaasas badan. Xaasaskeyga dib u dejinta ma la iila sameyn kara?

Guur badnidu waa sharci-darro ku dhawaad ​​dhammaan waddamada dib-u-dejinta, sidaas darteed qaxootiga looma sameyn doono dib u dejin, haddii ay doonayaan in ay sii wadaan guurka noocaasa. Qoys walba waxaa loola tashan doonaa shakhsi ahaan UNHCR ta arrimo oo ku saabsan rajadooda dib-u-dejinta iyo qoysku waxay u baahan doonaan inay tixgeliyaan habka ugu wanaagsan ee loogu talagalay lamaanaha iyo carruurtooda.

Waxaa i diidey waddan dib u dejin. Maxaa dhici doona oo xiga?

Kiiskaaga si toos ah looguma soo diri doono waddan kale. UNHCR, si kastaba ha ahaatee, waxay dhamaystiri doontaa dib-u-qiimeyn ku salaysan kiis ka kiis, iyada oo tixgelineysa baahiyaha gaarka ah ee qoyskaaga. Iyadoo loo eegayo shuruudaha kala duwan ee dalalka dib u dejinta ee kala duwan, waa inaadan u qaadan, haddii laguu diido waddan, in lagaa aqbalo mid kale.

Waa maxay barnaamijka kafaalo qaadida? Sideen u bilaabi karaa barnamijkas? UNHCR ma i caawin doontaa? UNHCR ma u diri kartaa faylkayga UNHCRta safaarada u baahata?

UNHCR ma caawiso barnaamijyada kafaala-qaadka maadaama ay ka baxsan yihiin awoodda UNHCR. Waxaad u baahan doontaa inaad tagto safaaradda ay quseyso.

UNHCR ma soo saari kartaa warqad xaqiijinaysa aqoonsi qaxootinimo si ay u taageerto codsi shakhsiyeed oo loogu talagalay barnaamijka deeqaha G5 ee Kanada?

UNHCR ma bixineyso qirasho ku saabsan xaaladda qaxootinimada qofka. Codsadayaashu waxay ku lifaaqi karaan nuqul ka mid ah kaarka qaxootiga UNHCR ee arjiga.

Waxaa la ii soo bandhigay barnaamijka kafaalo-qaadka iyo fursadda dib-u-dejinta UNHCR labadaba. Haddii aan doorto barnaamijka kafaala-qaadashada, ma siin karaa dib u dejintayda xubnaha kale ee qoyska ama xubnaha bulshada?

Soo gudbinta dib u dejinta ee shakhsi ama qoys waxay ku saleysan tahay qiimeyn ah inay jirto baahi loo qabo dib u dejin. UNHCR ma dhiirrigelinayso dib u dajin qoys heli kara xal kale oo adag.