Cusboonaysiinta Taleefoon lambar kaaga

Sidee dad ka qaxoontiga ama magan-gelyo doonka ah ee ka qoran UNHCR u cusboonaysiin karaan teleefon lambarkooda hadii ay lambarka iska bedelaan?

Aad ayaay muhiim u tahay in markasta la hayo taleefan lambarkaaga. UNHCR waxay u isticmaashaa taleefan lambarkaaga marka balan laguu samaynayo ama in lagula wadaago wixii war bixin ah ee adiga kugu saabsan ama qoyskaaga.  Fadlan raac talaabooyinka hoos ku qoran hadii aad u baahato in aad cusboonaysiiso taleefoon lambarkaaga adigoo isticmaalaya SMS ama fariin ahaan ku soo diraya lambar kaaga cusub.

Tallaabada 1 aad

  • Diyaarso taleefon lambar kaaga iyo kaarka ama warqada aad ka haysato UNHCR

Tallaabada 2 aad

  • Geli ama Qor: PHONE<Hakad>lambar ka kiiskaaga<Hakad>nambarkaaga goonida ah ee UNHCR<hakad>taleefan lambar kaga cusub
  • Kuna soo dir lambar ka 0111 7225 222

 

Tallaabada 3 aad

  • Waxaad heli doontaa fariin ku saabsan war-celin ah oo xaqiijinaysa soo gudbintaada iyadoo la adeegsanayo SMS.

Tallaabada 4 aad

  • Marka aad ku guulaysato cusboonaysiinta lambar kaaga cusub, waxaad heli doonta fariin ogaysiis ah ama SMS.

  • Hadii aadan ku helin farriinta ogaysiiska kor ku xusan muddo 7 maalmood ah, fadlan dib-u soo dir farrinta SMS adiigoo raacaya Tallabada 2 aad.

Su’aaalo iyo Jawaabo

Ma cusboonaysiin karaa in kabadan hal taleefan lambar?

Haa, waad cusboonaysiisan kartaa in ka badan hal lambar oo taleefoon, laakin waa in aad ku soo dirtaa fariin SMS oo gooni ah.

Ma isticmaali karaa ama ma laygala soo xiriiri karaa taleefoon lambar qof kale oo qoyskayga ah?

Haa, waad isticmaali kartaa adigoo raacaya sidii habkii hore oo kale adigoo ku soo qoraya lambarka qofka u gaarka ah ee UNHCR iyo lambarka kiiskisa.

Ma ku soo qori karaa in ka badan hal lambar oo ah lambarkayga gaarka ee UNHCR farriinta aan soo dirayo?

May. fadlan gali hal lambar oo keliya halkii marba.

Maxaan sameeyaa hadii aanan helin farriinta war-celinta ah hal toddobaad kadib?

Hadii aanad ku helin fariinta war-celin ah, fadlan mar kale dib u soo dir SMS ka.

Waa maxay sababta aanan u helin farriinta koowad ee war-celinta ah?

Hadii aanad weli helin ama aanay ku soo gaarin farrin war-celin ahi, fadlan dib u soo dir SMS ka.

UNHCR may isoo wacaysaa ka dib marka aan cusboonaysiiyo taleefon lambar kayga?

hadii aad ku guulaysato in aad cusboonaysiiso taleefon lambarkaaga,waxaa lagugu soo ogaysiinayaa farriin SMS ah oo war-celin ah.

Lacag imisa ayay iga qaadanaysaa SMS ka aan diraa?

Qiimah SMS ku wuxuu ku xidhan yahay shirkada aad kaar kooda isticmaashid iyo qiimahooda caadiga.

UNHCR may wax lacag ah igaga qaadayaan cusboonaysiinta lambarada laygala soo xiriiro?

Dhamaan adeegyada UNHCR waa lacag la’aan. Wax lacag ah lagaaga qaadi maayo cusboonaysiinta lambarkaaga.

Miyay Jiraan siyaabo kale oo aan lambarkayga ku cusboonaysiin karaa?

Haa, waxaad u sheegi kartaa lambarkaaga cusub xafiiska UNHCR ama marka waraysiga lagaa qaadayo waxaanad u sheegi kartaa shaqaalaha xafiiska UNHCR ta.