Nala Soo Xiriir
Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash.
Haddii aad magangelyo ka raadinayso Indonesiya, waa inaad marka hore iska diiwaan gelisaa UNHCR. Diiwaangelintu waa habka ay UNHCR ku diiwaan geliso, ku xaqiijiso, oo ay ku cusboonaysiiso macluumaadka aasaasiga ah ee adiga iyo xubnaha qoyskaaga ku saabsan. Waxaad tixraaci kartaa boggan Diiwaangelinta wixii macluumaad dheeraad ah.
UNHCR waxay joogitaan ku leedahay afar gobol – Aceh, Waqooyi Sumatera, Riau, iyo Koonfur Sulawesi – iyo xafiis iyo xarunta qabashada ee ku taalla Jakarta.
Fadlan ogow in UNHCR aanu lahayn xarumo soo dhaweyn oo ku yaal goobaha la sheegay, isla markaana aanu awoodin iney la kulanto qaxootiga iyo magangelyo-doonayaasha xafiisyadiisa. Shaqaalaha UNHCR waxay si joogto ah u booqdaan qaxootiga ku nool Aceh, Waqooyi Sumatera, Riau, iyo Koonfur Sulawesi, waxaana ay joogteeyaan inay diyaar u ahaadaan arrimaha degdegga ah iyo kuwa muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya khadadka degdegga ee la aas aasay iyo sidoo kale gudbinta bahwadaagta kale.
Haddii aad ku nooshahay mid ka mid ah gobolladan, fadlan kala xiriir UNHCR lambarka khadka degdegga ama iimaylka hoos ku qoran. Sababo la xiriira xaddidaadda kheyraadka, UNHCR kama jawaabto wicitaannada telefoonka. Waxaa si adag lagula talinayaa qaxootiga iyo magangelyo-doonayaasha inay fariin WhatsApp ah ku soo diraan khadka degdegga, iyagoo faahfaahinaya arrinta. Shaqaalaha UNHCR waxay kormeeri doonaan fariimahaas, iyagoo ka jawaabi doona codsiyada suurtogalka ah iyo su’aalaha aan hore loogu qaban bogga UNHCR Indonesia HELP.
Aceh
Hotline: 📩 0811 1936 9063 – Pidie
📩 0811 1703 9250 – Lhokseumawe
Waqooyi Sumatera (Medan)
Email: [email protected]
Hotline: 📩0811 9109 526
Riau (Pekanbaru)
Email: [email protected]
Hotline: 📩0811 8544 232
Koonfur Sulawesi (Makassar)
Email: [email protected]
Hotline: 📩0811 9629 257
Qaxootiga ku nool Jakarta iyo agagaarkeeda, iyo sidoo kale qaxootiga ku nool meelo kale oo ka tirsan Indonesia (marka laga reebo Aceh, Waqooyi Sumatera, Riau, iyo Koonfur Sulawesi oo ay daboolaan goobaha UNHCR ee kor ku xusan), waxay la xiriiri karaan UNHCR iyo bahwadaagteeda iyagoo adeegsanaya khadadka degdegga ee hoose.
Fadlan ogow in, sababo la xiriira tirada badan ee wicitaanada iyo kheyraadka xaddidan, UNHCR iyo bahwadaagteeda aysan ka jawaabi karin wicitaannada telefoonka. Waxaa lagula talinayaa qaxootiga iyo magangelyo-doonayaasha inay fariin WhatsApp ah ku soo diraan khadka degdegga, iyagoo faahfaahinaya arrinta. Shaqaalaha UNHCR iyo bahwadaagteeda waxay kormeeri doonaan fariimahaas, iyagoo ka jawaabi doona codsiyada suurtogalka ah iyo su’aalaha aan hore loogu qaban bogga UNHCR Indonesia HELP.
Fadlan kala xiriir UNHCR iyo bahwadaagteeda khadadka degdegga ee hoose:
Ilaalinta Sharci (UNHCR): 📩0811 9840 643
Caafimaad (YCWS): 📩0811 8161 511
Tacaddiga ku saleysan Jinsiga iyo Ilaalinta Carruurta (YCWS): 📩0811 9009 1374
Taageerada Dhaqaale-Bulsho (YRII): 📩0878 1549 5259
Waxbarashada (YGB): 📩0877 7006 3436
Barnaamijka Dhaqdhaqaaqa Shaqada (YCWS): 📩0811 9004 7381
Xarunta soo dhaweynta UNHCR waxay ku taallaa: Jl. Setiabudi Selatan – UNHCR Reception Center – Jakarta
Saacadaha Shaqada ee Xarunta soo dhaweynta UNHCR ee Jakarta waa sida soo socota:
Isniin ilaa Khamiis:
- Subax: 08:30 – 11.00
- Galab: 13.00 – 15.00
Jimce: Kaliya ballan
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Xarunta Soo dhaweynta oo ay ku jiraan noocyada arrimaha lagu qaban karo (iyadoo ballan leh ama aan lahayn), fadlan ka hubi halkan – Saacadaha Shaqada, Shuruudaha iyo Xeerarka.