Dib u Noqoshada Ikhtiyaarka ah

Dib-u-celinta ikhtiyaariga ah waa markaad ku laabato dalkaagi ka dib markaad qaadato go’aan ikhtiyaari ah oo xog ogaal ah oo aad ku laabato. Markaad si ikhtiyaari ah dalka ugu soo laabato, ma sii ahaan doontid qaxooti ama magangalyo doon, maadaama aad dooratay inaad ku soo noqoto ilaalinta dowladdaada.  

Hadii aad ku fikirayso inaad ku laabato wadankaagii hooyo, fadlan kala xidhiidh UNHCR adigoo sii maraya Foomka Waydiimaha Onlaynka ee Kobo ama iimaylka [email protected].

UNHCR waxay kuu ballansan doontaa la-talin si aad u sharaxdo habka oo ay ku siiso macluumaadka la heli karo ee dalkaaga asalka ah. Inta lagu jiro la-talinta, UNHCR waxay xaqiijin doontaa arrimaha soo socda:

  • Doorashadaada inaad noqoto waa ikhtiyaari.
  • Waxaad si fiican uga war haysaa xaalada wadankiina.
  • Ma jiraan wax walaac ah oo ammaan ama ilaalin ah oo ka jira meesha aad damacsan tahay inaad ku noqoto.
  • Qoyskaaga oo dhami waa ay tixgeliyeen ku noqoshada, carruurta iyo kuwa kale ee kugu tiirsan ayaa ku jira ku noqoshadaada dalkaakga ama waxay ku jiraan daryeel habboon.
  • Baahi kasta oo gaar ah ama khataraha waa in lala wadaagaa UNHCR si wixii taageero ah ee ku habboon iyo la heli karo inta lagu jiro iyo/ama ka dib soo noqoshada la bixin karo.

Indooniisiya, UNHCR iyo IOM waxay ka wada shaqeeyaan sidii ay u caawin lahaayeen qaxootiga iyo magangelyo doonka inay si iskood ah ugu laabtaan dalal badan oo ay asal ahaan ka soo jeedaan. Barnaamijkan waxa loo yaqaan barnaamijka dib-u-soo-celinta iskaa wax u qabso ah ee la Caawiyo (AVRR). Haddii aad rabto inaad ku laabato waddan aan lagu darin barnaamijka AVRR (oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Falastiin, Suuriya, Liibiya, Yemen, Ereteriya, Suudaan, iyo Myanmar), waa inaad adigu maalgelisaa soo noqoshadaada. Soo celintan waxaa loo arkaa inay tahay “iskayd-u-abaabulan”.

Marka loo eego barnaamijka AVRR, UNHCR waxay siisaa shakhsiyaadka danaynaya dib u noqoshada macluumaadka si ay gacan uga geysato hubinta in go’aannada ay yihiin kuwo xog-ogaal ah, waxay qiimeeyaan in soo laabashadu ay tahay mid ikhtiyaari ah, oo ay uga jawaabto su’aalo kasta oo aad qabtid. Marka la dhammeeyo, UNHCR waxay kuu gudbinaysaa IOM si aad u sii wadato qabanqaabadaada safarka.

IOM ayaa markaas kula kulmi doonta si ay u bixiso gargaarka soo socda:

  • Taageerada dhoofitaanka ka hor, oo ay ku jiraan la-talin, qiimeyn caafimaad, iyo taageero si loo helo dukumeenti socdaal
  • Hoyga inta lagu jiro habka soo celinta
  • Gaadiidka, oo ay ku jiraan duullimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah haddii loo baahdo
  • Taageerada kala duwan ee la xiriirta si aad awood ugu yeelatid ka bixista Indonesiya
  • Kaalmada gaadiidka iyo soo dhawaynta oo ay ku xidhan tahay dariiqa
  • Qiimaynta imaatinka ka dib iyo taageerada

 In order to initiate a request for AVRR, please contact either IOM or UNHCR: 

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan barnaamijka AVRR, fadlan booqo https://indonesia.iom.int/id/penempatan-ke-negara-ketiga-dan-pemulangan-secara-sukarela 

Barnaamijka AVRR ma awoodo inuu taageero ku laabashada Afgaanistaan, Falastiin, Suuriya, Liibiya, Yemen, Ereteriya, Suudaan, iyo Myanmar sababtoo ah khatarta amni ee ka socota dalalkaas. Qaxootiga iyo magangelyo doonka doonaya inay ku noqdaan wadamadan waa inay iibsadaan tigidhada duulimaadka. UNHCR waxa ay ku taageeri doontaa in ay ku siiso macluumaadka ku saabsan dalka aad ka timid waxa ayna kaa caawin doontaa in aad hesho ogolaansho bixitaan oo ay bixiso Dowlada Indonesiya.

Mowqifka UNHCR ee ku saabsan Dib-u-celinta

Ka dib dhacdooyinkii Ogosto 2021 ee Afghanistan, UNHCR waxay soo saartay talo-bixin aan dib-u-celin ahayn (non-return advisory) taasoo ugu baaqaysa Dowladaha martigeliya dadka reer Afgaanistaan inay joojiyaan khasabka dib-u-celinta muwaadiniinta Afgaanistaanka ah ee la geynayo Afghanistan. In kasta oo UNHCR ay cadaysay in kuwa aan doonayn inay ku laabtaan Afghanistan aan lagu khasbin in dib loo celiyo, UNHCR waxay ixtiraamtaa oo ay taageertaa go’aanka shakhsiyaadka Afgaanistaanka ah ee doonaya inay gurigooda ku laabtaan.

Haddii aad tixgelinayso inaad ku laabato Afghanistan, adiga iyo xubnaha qoyskaaguba waa inaad hubisaa inaad haysataan macluumaad ku filan oo ku saabsan xaaladda ka jirta halka aad u socoto ee Afghanistan. Fadlan raadi macluumaad ku saabsan badbaadada/amniga, heerka ay adeegyada muhiimka ahi – oo ay ku jiraan waxbarashada iyo caafimaadka – ay diyaar u yihiin oo la heli karo, fursadaha dhaqaale, iyo arrimaha kale ee muhiimka kuu ah adiga iyo qoyskaaga int aanad gaarin go’aanka ah in aad rabto iyo in kale inaad ku laabato Afghanistan.

Caawimada loo heli karo qaxootiga ku laabanaya Afghanistan

UNHCR waxay leedahay barnaamij gaar ah oo lagu taageerayo dib-u-dhex-galka qaxootiga doonaya inay ku laabtaan Afghanistan iyada oo la sii marinayo lacag deeq ah oo caddaan ah (cash stipends) oo aad heli doonto markaad timaaddo iyo ka dib marka aad degto. Tani waxay kaliya u furan tahay qaxootiga diiwaangashan ee si ikhtiyaar ah ugu laabnaya isla markaana buuxiya shuruudaha soo socda:

  • Haweeney keli ah
  • Qoysaska ay madaxda u yihiin haweenku
  • Qoysaska ay ku jiraan xubno qaba naafannimo
  • Qoysaska ay madaxda u yihiin dadka da’da ah (60+ sano rag iyo dumarba leh)
  • Qof da’ ah oo keli ah (60+ sano jir rag iyo dumarba leh)
  • Qoysaska ay ku jiraan haween uur leh
  • Qoysaska leh xubin/xubno qaba dhibaatooyin caafimaad oo halis ku ah nolosha
  • Carruurta aan wehelinta lahayn iyo kuwa kala maqan
  • Qoys nugul oo la kulmaya khasaare/dhimasho xubin qoyska ka mid ah inta ay ku guda jiraan safarka dib-u-celinta ee waddanka deriska ah
  • Dadka wajahaya khatar dhanka ilaalinta ah oo sarraysa

Si aad ugu qalanto caawimada UNHCR ee Afghanistan, waa inaad marka hore u timaaddaa Xafiiska UNHCR ee Indoonisiya si laguu sii wado loona siiyo Foomka Dib-u-celinta Ikhtiyaarka ah (VRF). Foomka VRF waa inuu ahaadaa mid ikhtiyaari. Haddii dukumeentigu lumay midabkiisii ama aan la akhrin karin, fadlan hel nuqul kale intaadan ka tegin Indoonisiya. Fadlan hubi inaad ka fogaato inaad waxyeelayso ama lumiso foomkaaga VRF.

Waxaad marin u heli doontaa nidaamka qiimaynta iyo caawimada Xafiiska UNHCR ee Kabul. Markaad timaaddo Afghanistan, waa inaad la xiriirtaa UNHCR adiga oo isticmaalaya nambarada khadka kulul (hotline) ee soo socda:
0791990225, 0790691746, iyo 0704996168 (waxay diyaar yihiin dhammaan maalmaha shaqada, Axad illaa Khamiis, 7:45 subaxnimo illaa 4:15 galabnimo).

Dadka buuxiya shuruudaha kor ku xusan, ee sidoo kale dhammaystiray habraaca diiwaangelinta, ayaa markay yimaadaan heli doona deeq lacageed oo hal mar ah, looguna talagalay ujeeddooyin kala duwan, sida soo socota:

  • AFN 11,500 qoyskiiba, iyada oo aan loo eegin xajmiga qoyska.
  • Iyo lacag dheeri ah (top-up) oo ah AFN 2,300 qoyskiiba oo kaliya loogu talagalay dadka naafada ah iyo qoysaska ay haweenku madaxda u yihiin.
  • Caawimada lacagta ah waxaa lagu wareejin doonaa kaarka horay loo sii lacag-bixiyay ee HesabPay (HesabPay prepaid card). Lacagaha deeqda ah waxaa si degdeg ah loogu shubi doonaa diiwaangelinta ka dib waana lagu bixin doonaa xarunta soo-dhaweynta.
  • Intaas waxaa dheer, dadka soo laabtay waxay heli doonaan daryeel caafimaad oo aas-aasiyay, tallaal, hoy habeen ah, talo-bixin ilaalinta ah, waxbarashada khatarta miinooyinka, meelo ku habboon carruurta, iyo baaritaanka nafaqo-xumada.

Fadlan ogow in dhammaan macluumaadka aad bixiso, oo ay ku jiraan magacaaga, nambarkaaga xiriirka, cinwaanka iyo sidoo kale su’aalaha iyo faallooyinka lagu ilaalin doono si qarsoodi ah.