Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo

 Ma haysto ciwaan iimayl ah Sideen ku heli karaa bogga internetka ee iskaa u adeeggo?

Si aad u samaysato akoonkaaga, waxa aad u baahantahay in aad lahaato ciwaanka iimayl kuu gaar ah. Haddii aadan mid lahayn, waxaad u baahan tahay inaad abuurto akoon iimayl ah. Fadlan ha samayn koonto iskaa u adeeggo oo leh ciwaanka iimaylka oo aadan gali karin. Waa inaad u isticmaashaa ciwaanka iimaylkan sidii astaanta isticmaalaha oo aad gelisaa lambarka ansixinta ee laguu soo diray iimaylka mar kasta oo aad rabto inaad gasho akoonkaaga iska u adeeggo onlaynka ah. Xasuusnoow inaad weli codsi isdiiwaangelin ah ka soo diri karto Foomka Onlaynka ee Kobo, haddii aadan heli karin iimayl.

Ma haysto taleefan casriga ah ama kombuyuutar. Sideen ku heli karaa bogga internetka ee is-adeegga?

Bogga internetka ee iskaa-u-adeeggo waxaa la isticmaali karaa oo keliya marka lagu xiro internetka. Waxaad u baahan tahay inaad tan u isticmaasho taleefonka casriga ama kombiyuutarka. Waxaad ka amaahan kartaa saaxiibkaa taleefankiisa casriga ah ama kumbuyuutarka ama waxaad isticmaali kartaa mid dadweyne si aad u abuurto oo aad u gasho akoonkaaga internetka ee iska u adeeggo laakiin fadlan hubi inaad haysato ciwaankaaga iimaylka gaarka ah iyo lambar telefoon oo aad geli karto. Haddii aad isticmaasho taleefanka casriga ah ama kombiyuutarka qof kale si aad u gasho akoonkaaga, xasuuso inaad ka baxdo markaad dhammayso!

Haddii aadan geli karin boggan, waxaad weli ka codsan kartaa adeegyada kanaalada kale. Booqo bogga ku saabsan adeegga aad xiisaynayso ee ku yaal boggan Caawinta HELP si aad u ogaato siyaabo kale oo lagu helo adeegyada.

Waxaan ilaaway erayga sirta ah Sideen dib ugu abuuri karaa?

Haddii aad illowday eraygaaga sirta ah oo aadan geli karin bogga iskaa u adeeggo, waxaad dib u abuuri kartaa eraygaaga sirta ah adiga oo ku dhufanaaya ” ilaaway erayga sirta ah? ” Bogga galitaanka oo raac tilmaamaha.

Fadlan hubi inaad gali karto iimaylkaga inta lagu jiro hawshan sababtoo ah waxaad u baahan doontaa inaad geliso koodh iimayl laguu soo diray si aad u hubiso inaad adigu isku dayayso inaad dib u abuurto eraygaaga sirta ah.

 Ciwaanka iimaylkaygu wuu isbedelay. Ma cusbooneysiin karaa?

Koontadaada gaarka ah waxay ku xidhan tahay iimaylkaga waxaana loo isticmaalaa in lagu hubiyo inaad tahay qofka kaliya ee isticmaala akoonka. Tani waxay ka dhigan tahay inaadan bedeli karin ciwaanka iimaylka akoonkaaga.Haddii aadan heli karin iimaylkii aad ku sameysatay akoonkaaga, fadlan la xiriir UNHCR.

Miyaan u baahanahay inaan soo galiyo sawirkayga iyo mid kasta oo ka mid ah xubnaha qoyskayga bogga internetka?

Si aad u codsato ballan oo aad isaga diiwaan geliso UNHCR, waa in aad soo galisaa sawir ama aad sawir ka qaadaa adiga oo isticmaalaya kamarada taleefankaaga marka lagu weydiiyo in aad soo galiso boggan . Haddii aadan sawir kusoo darin codsigaaga, ma awoodi doontid inaad gudbiso codsigaaga. Dhammaan xubnaha qoyska ee lagu daray codsiga sidoo kale waxay u baahan yihiin in sawirkooda la soo galiyo.

Miyaan ku daraa xubnaha qoyskayga codsigayga bogga onlaynka ah si aan isaga diiwaan geliyo UNHCR?

Kaliya xubnaha qoyska ee jooga Indonesia oo kula nool waa in lagu daraa – ninka ama xaaska, iyo carruurta ka yar 18 sano. Carruurta qaangaarka ah ee aan guursan ama dadka kale ee waaweyn ayaa laga yaabaa in lagu daro haddii ay kula nool yihiin hal guri oo ay adiga kugu tiirsan yihiin. Ku darida xubnaha qoyskaaga codsigaaga waxay kaa caawinaysaa in dukumeenti isku mar laguu oo aadna wada heli kartaan adeegyo.

Fadlan hubi in xubnaha qoyskaagu ay ogolaadeen in lagu daro isla codsiga oo ay wanaagsan tahay in aad waydiiso inay raali ka yihiin inaad nala wadaagto dukumeentiyadooda taasoo qayb ka ah nidaamka.

Haddii ay jiraan xubin qoyskaaga ka mid ah oo hore uga diiwaangashanaa UNHCR oo haysta dukumeenti UNHCR, fadlan kaliya samee akoon naftaada aha oo kaliya. UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta ballan la xiriirta diwaangelintaada waana inaad la timaadaa xubinta qoyskaaga ah oo diiwaangashan.

Isku day inaad buuxiso codsigaaga iyada oo xubnaha qoyskaaga ay kula joogaan. Waxaad u baahan doontaa inaad galiso sawiradooda, dukumeentiyadooda aqoonsiga, iyo dukumeentiyada sheegaya sida aad qaraabo u tihiin. Haddii aanad haysan dukumeentiyada xubnaha qoyskaaga, waad kaydin kartaa codsigaga, kadib ka bax akoonkaaga oo mar labaad dib usoo gal marka aad hesho dukumeentiyada lagama maarmaanka ah (fadlan xasuuso iimaylkaga iyo eraygaaga sirta ah si aad mar kale u gasho!)

Fadlan hubi inaad ku darto dhammaan xubnaha qoyskaaga ee hadda kula jooga Indonesia ka hor intaadan gudbin codsigaaga. Ha ku darin xubnaha qoyska ee aan joogin Indonesia.

 Waxaan rabaa inaan ku daro xubin qoyska ka tirsan, laakiin ma haysto dukumeentiyadooda weli. Ma sii wadan karaa?

Waxaan kugula talineynaa inaad haysato nuqullo elektaroonik ah oo ah ugu yaraan hal dukumeenti aqoonsiga xubin kasta oo qoyska ah oo aad rabto inaad ku darto, maadaama ay tani fududeyn doonto habka diiwaangelintaada.

 Dukumentiyada la aqbali doono waa:

  • Shahaadada dhalashada
  • Ogeysiinta dhalashada
  • Shahaadada dhimashada
  • Ogeysiinta dhimashada
  • Shahaadada waxbarashada
  • Dukumeentiga shaqada
  • Kaarka aqoonsiga qaranka
  • Baasaboor qaran
  • Shahaadada guurka
  • Shahaadada diiwaangelinta madaniga ah ee kale
  • Wax kale

Haddii aadan haysan wax dukumeenti ah, weli waad ku dari kartaa xubnaha qoyskaaga, laakiin tani waxay ku keeni doontaa waraysi dheer oo lagula yeesho xiliga diiwaangelinta UNHCR ah.

Intee in le'eg ayay qaadataa in lagu buuxiyo codsiga diiwaangelinta cusub ee bogga iskaa u adeeggo?

Waxa aanu ku qiyaasnay in ay qaadan karto 10 daqiiqo qofkiiba si uu dhamaystiro, laakiin tani waxa ay ku xidhnaan doontaa tirada xubnaha qoyska ee aad ku darto codsigaga.

Halkeen ka heli karaa caawimo si aan codsigayga diiwaangelinta UNHCR ugu buuxiyo online?

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii aad isku diiwaangelin lahayd oo aad u buuxin lahayd codsigaaga onlaynka ah ee ballanta diiwaangelinta ee adiga iyo qoyskaaga, waxaad kala xidhiidhi kartaa UNHCR khadadka xiriirada. Fadlan xusuusnow inaad sidoo kale ku soo gudbin karto codsigaaga isdiiwaangelinta adigoo isticmaalaya foomka onlaynka ee Kobo ama iimayl, laakiin ma awoodi doontid inaad hubiso heerka uu maraayo codsigaaga.

Waxaan soo galiyay dukumeenti khaldan / aan la akhrin karin. Ma ku bedeli karaa mid sax ah?

Waxaad kaliya ku bedeli kartaa dukumeentiga faylkaaga adiga oo isticmaalaya khadka internetka ee UNHCR ee iskaa u adeeggo haddi ay UNHCR aysan wali dhamaystirin dib u eegista codsigaaga.

Si aad u bedesho dukumeenti adigoo isticmaalaya bogga internetka:  

  • Soo gal oo ku dhufo “Dukumentiyadayda”.
  • Hubi liiska dukumeentiyada la soo galiyay oo ku dhufo ‘tirtir’ oo ku xiga dukumeentiga aad rabto inaad ka saarto.
  • Waxaa laguu wareejin doonaa bogga soo galinta dukumeentiga waxaana lagugu hagi doonaa inaad soo geliso dukumeenti kale.

Ma arki karaa macluumaadka aan ka gudbiyay aniga iyo qoyskayga?

Gal khadka intarnaytka ee UNHCR oo raac talaabooyinkan:

  • Ku dhufo “Profilkayga” oo waxaad arki doontaa dulmar guud ee tafaasiisha shakhsi ahaaneed ee aad adigu soo gudbisay.
  • Ku dhufo “Qoyskayga”, oo waxaad arki doontaa liiska dhammaan xubnaha qoyska aad ku dartay codsigaaga. Ku dhufo magacyadooda si aad u aragto faahfaahinta gaarka ah ee aad ka gudbisay xubin kasta oo qoyska ka mid ah.

Ma cusbooneysiin karaa macluumaadkayga onlaynka ka dib markaan soo gudbiyo codsigayga?

Waad awoodaa gal bogga internetka ee UNHCRs ee iskaa u adeeggo oo arag macluumaadkaaga la gudbiyay wakhti kasta. Waxaa jira macluumaad aad bedeli karto haddii codsigaaga aysan wali dib u eegin UNHCR iyo macluumaad aadan bedeli karin.

Waxaad u cusbooneysiin kartaa adiga iyo xubnaha qoyskaaga:

  • Cinwaanka Indonesia,
  • Macluumaadka xiriirka Indonesia,
  • Baahiyaha gaarka ah,
  • Soo gali dukumeenti dheeri ah.

Ma cusboonaysiin kartid adiga iyo xubnaha qoyskaaga:

  • Macluumaadka shakhsiyeed sida magaca, taariikhda dhalashada, lambarka aqoonsiga qaranka, dhalashada, iwm.
  • Sawirro,
  • Xubnaha qoyska cusub
  • Marna ma beddeli kartid ciwaanka iimaylka aad u isticmaashay diiwaangelinta. Haddii aadan geli karin iimaylkaga, ma awoodid inaad isticmaasho akoonkaaga ama ma wareejin kartid. Fadlan hubi inaad haysatid siyaabo aad ku soo ceshan karto iimaylkaga haddii aad ilowdo eraygaaga sirta ah, sida inaad haysato ciwaanka soo kabashada ama tilmaan aad ku xasuusato eraygaaga sirta ah.

Please also see: