Goobta Adeegga Iskaa u adeeggo

Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash.

UNHCR waxa ay samaysay goobtan iskaa u adeeggo si ay uga caawiso qaxootiga iyo magangalyo-doonka inay:

  • Arag xogtaada iyo astaantaada diiwaanka ee UNHCR
  • Cusbooneysii macluumaadkaaga xiriirka
  • Codso ballan cusub ee diiwaangelin

Si loo isticmaalo bogga intarnaytka, qaxootiga iyo magangelyo-doonku waa inay marka hore samaystaan akoon.

  • Haddii aad tahay magangelyo-doon ku cusub Indonesia oo aadan weli ka diiwaan gashanayn UNHCR, waxaad riixi kartaa badhanka hoose si aad u bilowdo diiwaangelintaada UNHCR.
  • Haddii aad hore uga diiwaan gashanayd UNHCR Indonesia, fadlan ha ku samaynin akoon onlayn ah badhanka hoose. UNHCR waxay kaa caawin doontaa inaad akoon ka samaysato bogga intarnaytka inta lagu guda jiro barnaamijka xaqiijinta ee dalka oo dhan ka dhacaya 2024. Haddii aanad awoodin inaad samaysato akoon inta lagu jiro barnaamijka xaqiijinta, UNHCR ayaa si gooni ah kuula soo xidhiidhi doonta.

Fadlan la soco in:

  • UNHCR ayaa wali horumarinaysa boggan intarnaytka. Waxaan sii wadi doonaa inaan ku darno howlaha iyo adeegyada waxaana cusbooneysiin doonaa goobtan CAAWINTA marka adeegyada cusub ay noqdaan kuwo la heli karo.

Ku dhufo badhamada hoose si aad u hesho macluumaad dheeri ah: