Ururada ay hogaamiyaan Qaxootigu (RLO)

UNHCR Indonesiya waxay taageertaa Ururada ay hogaamisyaan Qaxoontiga (RLO), kaas oo ay qaxootigu abaabulaan si ay u bixiyaan ilaalinta iyo caawinta qaxootiga kale. Waayo-aragnimada nololeed ee barakaca, RLO-yadu waa meesha ugu fiican ee wax looga qabto dhibaatooyinka, lagu garto fursadaha, oo loo helo xal wax ku ool ah oo waara oo loogu talagalay bulshada qaxootiga ah. 

RLOs inta badan waxay u shaqeeyaan sidii meesha ugu horeysa ee lagala xiriiro qaxootiga si ay u helaan macluumaadka adeegyada iyo xuquuqaha la heli karo ee wadanka ay martida u yihiin. RLO-yadu waxay sidoo kale u adeegaan hagayaal iyo turjumaano bixin kara taageerada safka hore iyo caawinta shakhsiyaadka iyo kooxaha aadka u nugul ee bulshada qaxootiga ah.

UNHCR iyo RLOs waxay leeyihiin shirar joogto ah waxayna si dhow ula shaqeeyaan hawlaha kala duwan iyo qaybaha shaqada, oo ay ku jiraan waxbarashada, dhalinyarada iyo carruurta, hab-nololeedyada, xoojinta haweenka, caafimaadka, ciyaaraha, iwm. 

Si aad u hesho macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan liisaska RLO maxaliga ah iyo sida loo sameeyo, fadlan kala xiriir UNHCR emailka CBP [email protected]