Gargaar Maaliyadeed
Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash.
UNHCR waxa ay haysataa miisaaniyad kooban oo lagu bixiyo gargaar lacageed tiro yar oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah oo aad u nugul, kuwaas oo si madaxbannaan ugu nool, si ay uga caawiso buuxinta baahiyahooda aasaasiga ah. Waxaa jira qaxooti aad uga badan kuwaas oo u baahan gargaar lacageed marka loo eego inta UNHCR awood u leedahay inay taageerto. Sidaas darteed, waa inaan qiimeynaa oo mudnaanta siinno kuwa u muuqda inay ugu baahan yihiin.
Waxaa la aas aasay khad gaar ah oo loogu talagalay gargaar maaliyadeed, waxaana maamula bahwadaagta UNHCR – Yayasan Relief Islami Indonesia (YRII). YRII waxay samayn doontaa hordhac qiimeyn (pre-screening) dhammaan codsiyada, iyagoo mudnaanta siin doona kuwa leh nuglaanshaha ugu badan. Kuwa gudba qiimeynta hordhaca ah, kiisaskooda waxaa lagu qiimeyn doonaa booqasho guri oo ay sameeyaan bahwadaagta. Sababo la xiriira awood xaddidan, codsiyada aan gudbin heerka hordhaca ah lama siin doono booqasho guri. Go’aanka ugu dambeeya ee lagu go’aaminayo in gargaar lacageed la bixiyo waxa uu ka iman doonaa guddi ka kooban UNHCR iyo bahwadaagtiisa fulinta.
Hadda waxaa jira liis sugitaan si loogu daro barnaamijka gargaar lacageed. Sidaas darteed, xitaa haddii lagu go’aamiyo inaad u qalanto gargaar lacageed, waxaa dhici karta inaad sugtid inta qofka hadda ku jira barnaamijka gargaar lacageed uu ka dhoofayo Indonesia ama laga qiimeeyo inuusan sii xaq u lahayn helitaanka gargaarka.
Qof kasta oo u qalma gargaar lacageed waxa guud ahaan la siiyaa gunno bille ah muddo lix bilood ah, kadibna dib ayaa loo qiimeeyaa si loo go’aamiyo in gargaarka lacageed la sii wadi doono iyo in kale.
Fadlan ogow in shakhsiyaadkii horey loogu joojiyay gargaarka maaliyadeed sannadkii hore ay dib uga codsanayaan barnaamijkan si mar kale loo tixgeliyo.
Qof kasta oo u qalma gargaar lacageed, qadarka lacageed ee la siiyo waxa uu inta badan ku xiran yahay tirada qoyskaaga iyo nuglaanta gaarka ah ee aad leedahay.
Haddii aad u baahan tahay gargaar maaliyadeed, fadlan kala xiriir Khadka Gargaar Maaliyadeed ee YRII: 0878 1549 5259
0878 1549 5259