Codsiga magangalyada waxaa laga soo gudbin karaa gudaha Sweden. Haddii aad Sweden kasoo galayso bar xaduudeed (garoon diyaaradeed, bar xaduudeed dhulka ama badda ah), u sheeg booliska xaduudka jooga inaad doonayso inaad magangalyo codsato. Booliska xaduudku waxay ku weydiin doonaan su’aalo waxayna kuu gudbin doonaan Hay’adda Socdaalka Sweden halkaasoo aad codsigaaga ka dhiiban karto.
Haddii aad horey u joogtay Sweden aadna jeceshahay inaad magangalyo codsato, waa inaad u tagtaa Hay’adda Socdaalka Sweden xaafiisyadeeda ku yaala Stockolm, Gothenburg iyo Malmö. Websaytka Hay’ada Socdaalka Sweden waxaad ka helaysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan ciwaanada iyo saacadaha shaqada xaafiisyadaan (ka dooro “Apply for asylum” qaybta xulashada). Uma baahnid inaad ballan u qabsato sidii aad magangalyo u codsan lahayd.
Waxaad sidoo kale macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida magangalyada looga codsado Sweden ka helaysaa websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden, oo aad ku helayso luuqadaha Amharic, Arabic, Dari, Farsi, Faransiis, Ingiriisi, Kurmanji, Pashto, Ruush, Soomaali, Sorani, Spanish, Swedish, Tigrinya, iyo Turkish.
Saraakiisha Sweden ayaa maamusha dhammaanba arrimaha ku saabsan nidaamka magangalyada si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka qaranka waxaana maamula saraakiil qaran oo tababaran howlkar na ah kuwaas oo ku takhasusay arrimaha magangalyada.
UNHCR shaqo kuma lahan nidaamka codsiyada magangalyada ee Sweden.