La xiriir UNHCR-ta Soomaaliya

Facebook page | Twitter account

Khadadka taleefanka ayaa shaqeynaya laga bilaabo Axadda illaa Arbacada inta u dhexeysa 08:00 AM iyo 16:30 PM iyo Khamiista inta u dhaxeysa 08:00 AM iyo 16:00 PM. Wicitaanka degdegga ah waxaa la heli doonaa 24/7. Wicitaanada aan degdegga ahayn ee la helo marka laga reebo saacadaha shaqada ee caadiga ah ee kor lagu muujiyey dib ayaa loo dhigi doonaa saacadaha hawlgalka.

Xafiiska Hargeisa:

  • Khadka tooska ah ? 0634000415 / ? 0636172848 (Oromo, Amharic, Somali and English)
  • Khadka tooska ah? 0633820070 (Arabic, Somali and English)
  • Email: [email protected]

Xafiiska Galkayo (Bossaso Khadka tooska ah):

Xafiiska Mogadishu

  • Hotline: ? +252 (0)616002255

Waa maxay doorka UNHCR ee Soomaaliya?

UNHCRta Soomaaliya waxay si dhaw ulashaqeeysaa Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya si ay u difaacaan una caawiyaan qaxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee kusugan Soomaaliya. UNHCR sidoo kale waxay lashaqeysaa la-hawlgalayaasheeda si ay taageero ugu fidiso qaxootiga, magangalyo-doonka, iyo qaxootiga soomaaliyeed ee soo laabanaya iyadoo la siinayo taageerada soo socota:

  • Macluumaad ku saabsan sida magangalyo looga codsado Soomaaliya
  • Caawinta diiwaangelinta codsiga magangalyada ee Soomaaliya iyo helitaanka dukumiintiyada sida Cadaynta Diiwaangelinta iyo / ama Shahaadada Magangelyo-doonka, iyadoo kuxiran goobta diiwaangelinta
  • Helitaanka la-talin sharci / gargaar iyo ilaalin, iyo taageero loogu talagalay kiisaska gaarka ah ee waxyeelada ama xadgudubka
  • Helitaanka noocyo kala duwan oo gargaar badbaadin ah

Boggan, waxaan ku siineynaa macluumaad ku saabsan xuquuqdaada, waajibaadkaaga, iyo adeegyada laga heli karo Soomaaliya, si aad go’aan rasmi ah uga gaarto mustaqbalkaaga. Fadlan si xor ah nala soo xiriir haddii aad rabto inaad hesho macluumaad dheeraad ah.

Ma Soomaali baa tahay oo gudaha Soomaaliya ma ku barakicisay?

Boggan kuma jiraan macluumaad u gaar ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku barakacay gudaha (IDPs), in kasta oo adeegyo badan oo la soo sheegay ay adiguba heli karaan. Haddii lagugu qasbay inaad qaxdo ama aad ka baxdo guryahaaga ama meelaha aad ku nooshahay gudaha Soomaaliya, waxaad ku baran kartaa ilaha iyo adeegyada laga heli karo deegaankaaga adoo la hadlaya adeeg bixiyeyaasha ama la xiriiraya xafiisyada UNHCR ee Soomaaliya nambarka caawinta / emaylka kor ku xusan.


Sidoo Kale eeg

<< Ku noqo bogga Soomaaliya >> Xulo waddan ku yaal boggayaga Caawinta