Coronavirus (COVID -19)

Haddii neefsashadu kugu adkaato, isla markiiba wac khadka taleefanka  449 (haddi aad joogtid  southern and central regions of Somalia),  988 (haddi aad jogtid Somaliland),  343 (haddi aad joogtid Puntland), ama aad xarunta caafimaadka ee kuugu dhow ama xaruntaada. Fadlan xiro maaskaro marka aad aadayso rugta caafimaadka si aad u badbaadiso naftaada iyo dadka kale ee bulshadaada.

UNHCR waxay ka welwelsan tahay Coronavirus-ka oo saameyn ku leh xaaladda qaxootiga, magangalyo-doonka, barakacayaasha iyo dadka aan wadan lahayn In kasta oo ay UNHCR sii waddo bixinta adeegyo ilaalin muhiim ah iyo caawimaadda qaxootiga iyo magangelyo-doonka u baahan degdegga, qaar ka mid ah howlaha UNHCR ee Soomaaliya ayaa si ku-meelgaar ah loo joojiyey si looga hortago halista qaadista ama faafidda fayraska. Waqtigaan la joogo, Wareysiga Xaalada Qaxootiga iyo wareysiyada dib udajinta waxaa laga sameeyaa meel fog.

Si looga hortago inuu sii faafo fayraska, UNHCR waxay si xoogan kugula talineysaa inaad raacdo tilmaamaha ka imanaya Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Maamulada si aad u ilaaliso naftaada iyo dadka kaleba. Kuwani waa:

Xidho wajiga wajiga afkaaga iyo sankaaga marka aad ku dhexjirtid dadweynaha, gacmahaaga si joogto ah ugu dhaq 20 saqiiqo ama saabuun isticmaal ugu yaraan, ka fogow meelaha dadku ku badan yihiin oo xiriir dhow la yeelo qof kasta oo qaba calaamadaha hargabka ama hargabka oo kale.

Haddii adiga ama xubin qoyskaaga ka mid ah aad ka shakisan tihiin inuu leeyahay COVID-19, guriga joog haddii aad isku aragtaan astaamo ay ka mid yihiin qandho, qufac, neef-qabad, urka iyo / ama dhadhamin la’aanta. Ka fogow dadka kale ee qoyskaaga oo ka faquuqo 10 maalmood, adoo isticmaalaya shukumaanno iyo maacuun kala duwan oo leh tallaabooyin kala fogayn bulsho oo buuxda.


Sidoo Kale eeg

<< Ku noqo bogga Soomaaliya >> Xulo waddan ku yaal boggayaga Caawinta