Sida loo buuxiyo codsigaaga diiwaangelinta

Sida loo codsado ballanta diiwaangelinta

Talaabada koowaad: Buuxi macluumaadka loo baahan yahay si aad UNHCR iskaga diiwaan geliso oo soo gali dukumeentigaaga.   

  • Macluumaadka gaarka ah: Waxaad soo geli kartaa ama sawiri kartaa baasaboorkaaga si loo akhriyo, ama waxaad gacanta ku gelin kartaa faahfaahintaada shaqsiga ah, oo ay ku jiraan magac, taariikhda dhalashada, dalka aad ka timid, jinsigaaga, iyo xaaladda guurka. Waxaad u baahantahay in aad magacaaga geliso qayb kale isaga oo af ingiriisi ku qoran haddii aad isticmaalaysid bogg luuqad kale ah. Goobaha lagu calaamadeeyay casaan “loo baahan yahay” waa in la buuxiyaa. Haddii aad ka tagto kuwan bannaan, ma sii wadi kari doontid.
  • Cinwaanka iyo taariikhda imaanshaha: Geli cinwaankaaga waddankaaga, cinwaankaaga hadda ee Indonesia iyo taariikhda aad timid.
  • Sida Lauula soo xiriirayo:
    • Cinwaanka e-mailka: Hore ayuu u buuxsanaa, mana la beddeli karo
    • Lambarka telefoonka ee diiwaangashan: Waa lambarka aad ku isticmaashay samaynta akoonkaaga.
    • SMS: Waxaad calaamadin kartaa sanduuqa haddii aad rabto in lagugu soo waco SMS.
    • WhatsApp: Waxaad calaamadin kartaa haddii aad rabto in lagala soo xiriiro WhatsApp oo aad geliso lambarka WhatsApp-kaaga.
    • Luqadda aad doorbidayso: Ka dooro luqadaha la heli karo.
  • Macluumaad dheeraad ah: Geli macluumaadka baahi kasta oo gaar ah oo laga yaabo inaad qabto. Tani waa wax ikhtiyaari ah. 
  • Sawir: Ka qaad sawirka wejigaaga / “selfi” adoo isticmaalaya badhanka shaashadda ama soo gali sawirka wajigaaga oo aad hore u haysatey. Sawirku waa inuu ahaadaa mid tayo wanaagsan leh, oo la mid ah sawirka baasaboorka.  (Fadlan hoos ka eeg tilmaamaha dheeraadka ah)
  • Dukumentiyada: Waxa kale oo aad soo galin kartaa nuqulka baasaboorkaaga iyo dukumeentiga aqoonsiga qaranka, ama dukumeenti kale oo aqoonsi oo laga yaabo inaad haysato. Fadlan kaliya soo gali dukumentiyada aqoonsigaaga. Dukumeentiyada xubnaha qoyskaaga waxa la gelin doonaa marka aad xubnaha qoyskaaga ku darto codsigaaga.
Halkan ku dhufo si aad u hesho tilmaamaha sawirka

Markaad soo galinayso sawirkaaga, hubi in:

  • Dhammaan wejigaaga in uu ka muuqda sawirka.
  • Indhahaaga fur oo eeg kamarada.
  • Ma xiranid wax koofiyadaha ama muraayadaha (xijaabka waa la ogol yahay).
  • Sawirku maaha mid mugdi ah.
  • Wejigaagu waa iftiin.
  • Dhabarka dambe ee sawirkaagu waa in uu cadyahay.

Talo: Haddii aad isku dayayso inaad sawir qaado laakiin waxba ma kuu suuraglayaan markaad ku dhufato badhanka, hubi qaybta settingka telefoonkaaga, waxaa laga yaabaa inaad u baahantahay in aad bedesho ogolaanshaha isticmaalka kamarada.

Tallaabada labaad: Ku dar xubnaha qoyskaaga

Kaliya xubnaha qoyskaaga ee hadda kula jooga Indonesia ayaa lagu dari karaa codsigaaga ballanta diiwaangelinta.

Xubnaha qoyska waxaa laga yaabaa inay ku jiraan carruurtaada, xaaskaaga, ama xubnaha qoyskaaga waayeelka ah ee adiga kugu tiirsan. Waa inaad bixisaa isla macluumaadka aad ka bixisay naftaa ee adiga kugu saabsan dhammaan xubnaha qoyska ee aad rabto inaad diiwaan geliso, oo ay ku jiraan dukumeentiyadooda aqoonsiga iyo sawiradooda. Waxaan kugula talineynaa inay kula joogaan inta aad dhameystireyso buuxbuuxinta macluumaadkooda.

Tallaabada Saddexaad: Dib u eeg codsigaga ka hor inta aanad u gudbin UNHCR

  • Ku dhufo ‘Profilkayga’ si aad dib ugu eegto macluumaadkaaga shakhsiyeed, faahfaahinta xiriirka, iyo sawirka.
  • Ku dhufo ‘Dukumentiyadayda’ si aad dib ugu eegto dukumeentiyada adigu ku quseeya ee aad soo gelisay.
  • Ku dhufo ‘Qoyskayga’ si aad dib ugu eegto macluumaadka shakhsiyeed, sawirka iyo dukumeentiyada aad u soo gelisay xubnaha qoyskaaga.  

Tallaabada Afaraad: U gudbi codsigaaga diiwaangelinta UNHCR

  • Marka aad ku qanacsantahay, macluumaadka, sawirada iyo dukumeentiyada codsigaaga inay sax yihiin, dhagsii ‘Gudbi codisgayga’. 
  • Ogsoonow marka aad gudbiso codsigaaga, ma awoodid inaad bedesho macluumaadkaaga shakhsiyeed. Waxaad kaliya ku dari kartaa dukumeenti dheeri ah oo aad cusbooneysiin kartaa macluumaadkaaga isgaarsiineed.

Tallaabada shanaad: Waxaad si guul leh u gudbisay codsigaaga. Maxaa xiga?

  • Meel ku qoro oo ilaasho lambarkaaga aqoonsiga ee ku meel gaarka ah ee UNHCR si aad mustaqbalka ula xidhiidho UNHCR. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa lambarkan tixraaca bogga ‘Guriga’.
  • Xaaladda codsigaaga diiwaangelinta marka aad gudbiso waa “Diiwaangelinta Sugeysa.” Waxaad ka hubin kartaa xaaladda codsigaaga bogga ‘Guriga’ ama waxaad ka hubin kartaa bogga ‘Ballamahayga’ si aad u aragto taariikhda, waqtiga iyo goobta ballanta UNHCR kuu qoondeysay marka codsigaaga dib loo eego..  
  • Waxa aad heli doontaa ogaysiis kusoo dhici doona ciwaankaaga iimaylka ah marka ballantaada la qabto oo UNHCR ayaa kula soo xidhiidhi doonta wixii macluumaad dheeraad ah.
  • UNHCR waxay hiigsan doontaa inay kula soo xiriirto oo ay kula wadaagto wixii cusub laba toddobaad gudahood, si kastaba ha ahaatee, fadlan ogow tani macnaheedu maaha in waraysigaagu uu dhici doono laba toddobaad gudahood. Codsiyada oo batay awgeed, waxa laga yaabaa inay dhawr bilood qaadato ilaa iyo inta lagaaga ballamin doono wakhtiga waraysigaaga

Ready to create your account?

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Waxaan ku qiyaaseynaa inay qaadan karto 10 daqiiqo qofkiiba si loo dhammeeyo hawsha, dhammaystirka codsiguna wuxuu ku xirnaan doonaa tirada xubnaha qoyska ee aad ku darto codsigaaga.

Haddii aad u baahan tahay caawimo ku saabsan diiwaangelinta iyo dhammaystirka codsigaaga khadka tooska ah ee ballanta diiwaangelinta adiga iyo qoyskaaga, waxaad la xiriiri kartaa UNHCR iyada oo loo marayo kanaalka xiriirka ee la heli karo. Fadlan ogow inaad sidoo kale ku soo gudbin karto codsigaaga diiwaangelinta emayl ahaan [Eeg Bogga Diiwaangelinta], laakiin ma awoodi doontid inaad hubiso xaaladda codsigaaga.

Kaliya xubnaha qoyska ee degdega ah ee Indonesia, kuwaas oo aan weli ka diiwaan gashanayn UNHCR Indonesia oo kula nool waa in lagu daraa – xaaska/sayga, iyo carruurta ka yar 18 sano. Carruurta qaangaarka ah ee aan guursan ama kuwa kale ee ku tiirsan ayaa lagu dari karaa haddii ay ku nool yihiin isla guriga adiga oo ah kuwa aad ku tiirsan tahay.

Ku darista xubnaha qoyska ee u qalma waxay hubineysaa in dukumentiyada iyo helitaanka adeegyada si wadajir ah loo bixin karo. Fadlan hubi in xubnaha qoyskaaga ay ogolaadaan inay qayb ka noqdaan codsigaaga iyo inaad awood u leedahay inaad la wadaagto dukumentiyada inta lagu jiro hawsha diiwaangelinta.

Haddii aad haysato xubin qoyska ka tirsan oo hore uga diiwaangashan UNHCR oo haysata dukumenti UNHCR ah, fadlan samee akoon My Service ah oo adiga kuu gaar ah. UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta ballanta diiwaangelinta, waana inaad la timaaddaa xubin qoyskaaga ka tirsan oo diiwaangashan.

Isku day inaad codsigaaga la dhammaystirto xubnaha qoyskaaga ee dhow. Waxaad u baahan doontaa inaad ku darto sawirradooda, dukumentiyada aqoonsiga, iyo dukumentiyada caddaynaya xiriirkaaga. Haddii aadan haysan dukumentiyada xubnaha qoyskaaga, waxaad kaydin kartaa codsigaaga, ka bixi kartaa oo dib u geli kartaa mar dambe marka aad haysato dukumentiyada lagama maarmaanka ah (fadlan xasuuso cinwaankaaga iimaylka iyo eraygaaga sirta ah si aad mar kale u gasho!)

Fadlan hubi inaad ku darto dhammaan xubnaha qoyskaaga ee hadda ku sugan Indonesia ka hor intaadan gudbin codsigaaga. Ha ku darin xubnaha qoyska ee aan joogin Indonesia.

Haa. Waa in aad ku darto dhammaan xubnaha qoyska ee aad rabto in aad kula diiwaangeliso ka hor inta aanad gudbin codsigaaga. Mar dambe ku dari maysid.

Haa. Waa inaad ku dartaa dhammaan xubnaha qoyska ee aad rabto inaad iska diiwaangeliso ka hor intaadan gudbin codsigaaga. Kuma dari kartid wax dheeraad ah.

Haddii qof ku biiro ama ka tago ka dib marka la soo gudbiyo, ma cusbooneysiin kartid codsigaaga. Fadlan u sheeg UNHCR inta lagu jiro wareysigaaga.

Maya. Kaliya ku dar xubnaha qoyska ee hadda kula jooga. Waxaad weydiisan kartaa UNHCR inta lagu jiro wareysigaaga sida loo diiwaan geliyo dadka soo daahay.

Si aad u codsato ballan si aad isaga diiwaangeliso UNHCR, waa inaad soo gelisaa sawir kamaradda taleefankaaga ama aad soo gelisaa sawir jira marka lagu weydiiyo inaad sidaas ku sameyso bogga internetka. Haddii aadan sawir soo gelin codsiga, ma awoodi doontid inaad soo gudbiso codsigaaga. Dhammaan xubnaha qoyska ee lagu dari doono codsiga sidoo kale waxay u baahan yihiin in sawirradooda la soo geliyo.

Waxaan kugula talineynaa inaad haysato nuqullo elektaroonig ah oo ugu yaraan hal dukumeenti aqoonsi ah oo loogu talagalay xubin kasta oo qoyska ka mid ah oo aad rabto inaad ku darto, maadaama tani ay fududeyn doonto habka diiwaangelintaada.

Dukumentiyada la aqbalay waa:

  • Shahaadada dhalashada
  • Ogeysiiska dhalashada
  • Shahaadada dhimashada
  • Ogeysiiska dhimashada
  • Shahaadada waxbarashada
  • Dukumentiga shaqada
  • Kaarka aqoonsiga qaranka
  • Baasaboorka qaranka
  • Shahaadada guurka
  • Shahaadada diiwaangelinta madaniga ah ee kale
  • Kale

Haddii aadan haysan wax dukumeentiyo ah, wali waad ku dari kartaa xubnaha qoyskaaga, laakiin tani waxay keeni doontaa wareysi diiwaangelin oo dheer oo lala yeesho UNHCR.

Waxaad ku beddeli kartaa oo keliya dukumeenti faylkaaga ah adoo isticmaalaya bogga Adeegyadayda ee UNHCR ee khadka tooska ah haddii UNHCR aysan weli dhammaystirin dib u eegista codsigaaga.

Si aad u beddesho dukumeenti adoo isticmaalaya bogga internetka:

  • Soo gal oo guji “Dukumentiyadayda”,
  • Hubi liiska dukumeentiyada la soo geliyay oo guji ‘tirtir’ oo ku xiga dukumeentiga aad rabto inaad ka saarto.

Soo gal bogga Adeegyadayda ee UNHCR oo ku yaal bogga Adeegyadayda oo raac tallaabooyinkan:

  • Guji “Boggayga” waxaadna arki doontaa dulmar guud oo ku saabsan faahfaahinta shakhsi ahaaneed ee aad adigu u gudbisay.
  • Guji “Qoyskayga”, waxaadna arki doontaa liiska dhammaan xubnaha qoyska ee aad ku dartay codsigaaga. Guji magacyadooda si aad u aragto faahfaahinta shakhsi ahaaneed ee aad u gudbisay xubin kasta oo qoyska ka mid ah.

Waxaad geli kartaa bogga Adeegyadayda ee khadka tooska ah ee UNHCR oo aad arki kartaa macluumaadkaaga la soo gudbiyay wakhti kasta. Waxaa jira macluumaad aad bedeli karto haddii codsigaaga aysan weli dib u eegin UNHCR, iyo macluumaadka aanad bedeli karin.

WAXAAD CUSBOONEYSIIN KARTAA faahfaahinta xiriirkaaga adiga iyo xubnaha qoyskaaga.

MA CUSBOONEYSIIN KARTID adiga iyo xubnaha qoyskaaga:

  • Cinwaanka waddankaaga hooyo iyo Indonesia,
  • Macluumaadka shakhsi ahaaneed sida magaca, taariikhda dhalashada, lambarka aqoonsiga qaranka, dhalashada, iwm.
  • Sawirro,
  • Ku dar xubnaha cusub ee qoyska,
  • Baahiyaha gaarka ah,

Weligaa ma beddeli kartid cinwaanka emailka aad iska diiwaangelisay. Haddii aadan geli karin emaylkaaga, ma awoodi doontid inaad isticmaasho akoonkaaga ama aad wareejiso. Fadlan hubi inaad haysato siyaabo aad ku soo ceshan karto emaylkaaga haddii aad illowday eraygaaga sirta ah, sida inaad haysato cinwaan soo kabasho ama tilmaan aad ku xasuusato eraygaaga sirta ah.