Akoon Abuuris- Isticmaalayaasha Cusub

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay UNHCR, fadlan ha u samayn koonto goobta iskaa u adeeggo. Waxaan ku caawin doonaa inta lagu jiro wareysi fool ka fool ah si aad u abuurto akoonkaaga.

  • Taleefon casri ah, ama kombuyuutar,
  • Ciwaanka iimaylka,   
  • Lambarka taleefanka ee Indonesia (kani waa inuu noqdaa lambarka gacanta, ma aha lambarka WhatsApp)
  • Khadka internetka.

Haddii aadan weli ka diiwaan gashanayn UNHCR, raac tillaabooyinkan si aad akoonkaaga u samaysato:

  • TALLAABADA 1aad: Guji ama ku dhufo badhanka “Samayso akoon” 
  • TALLAABADA 2aad: Waa in aad fahanto oo aad aqbashaa Ogeysiiska la xiriirta sharciga sirta, ee hoos ku xusan, si aad u isticmaashid Marinka Adeegyadayda UNHCR.
  • TALLAABADA 3aad: Geli ciwaanka iimaylkaaga iyo koodhka xaqiijinta ee lagu soo diray iimaylkaaga kadib markaad ku dhufato xaqiijinta.
  • TALLAABADA 4aad: Geli lambarkaaga taleefanka gudaha Indonesia (ma aha lambar WhatsApp) iyo lambarka xaqiijinta ee lagu soo diro taleefankaaga ka dib markaad riixdo xaqiijin.
  • TALLAABADA 5aad: Abuur furaha sirta ah ee adag oo aad xasuusan karto. Waa inuu noqdaa 9 xaraf, oo leh ugu yaraan hal xaraf, hal xaraf oo weyn, hal lambar iyo hal calaamad.
  • TALLAABADA 6: Ka bilow buuxinta codsigaaga is-diiwaangelinta.

Markaad dhammayso abuurista akoonkaaga, si toos ah ayaa laguugu martiqaadi doonaa inaad buuxiso tillaabooyinka aad u gudbiso codsigaaga diiwaangelinta.

Si aad u abuurto akoontigaaga, waa inaad leedahay ciwaan e-mail oo kuu gaar ah. Haddii aadan lahayn, waa inaad marka hore samaysataa mid cusub.

Fadlan ha isticmaalin e-mail qof kale iska leh ama e-mail aanad heli doonin mustaqbalka, sababtoo ah:

  • E-mail-kaaga ayaa noqon doona magaca aad ku gasho.
  • Waxaad u baahan doontaa inaad geliso koodka xaqiijinta ee loo soo diro e-mail-ka mar kasta oo aad gasho.
  • Waxaan kuu soo diri karnaa macluumaad gaar ah oo aan qof kale arki karin.

Haddii aadan awoodin inaad abuurto ciwaan e-mail, waxaad caawimaad ka heli kartaa bulshadaada ama waxaad la xiriiri kartaa Wakiillada Outreach Volunteers. Faahfaahinta xiriirkooda waxaad ka heli kartaa boggan: https://help.unhcr.org/indonesia/assistance-and-support/outreach-volunteer/

Si aad u isticmaasho bogga adeegyada, waxaad u baahan tahay internet iyo telefoon casri ah ama kombiyuutar.

Waxaad amaahan kartaa qalab qof aad ku kalsoon tahay, ama waxaad isticmaali kartaa qalab dadweyne (tusaale ahaan xarun dijital ah ama internet café). Fadlan hubi in:

  • Aad isticmaasho e-mail iyo lambarkaaga telefoonka adiga kuu gaar ah.
  • Aad ka baxdo (log out) markaad dhammayso isticmaalka akoontigaaga.

Haddii aadan awoodin inaad gasho bogga adeegyada, waxaad weli adeegyada ku codsan kartaa siyaabo kale. Booqo bogga adeegga aad rabto ee ku jira website-kan si aad u ogaato waddooyinka kale ee aad adeegyada ku heli karto.

Geli akoontigaaga, kadib tag qaybta “Settings-kayga (My Settings)”, ka dib dooro “Dib u dejinta erayga sirta ah” si aad u beddesho.