Marinka Adeegyadayda

Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash.

UNHCR Adeegyadayda waa bog adeeg-isla-marin ah oo loogu talagalay qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah ee ku sugan Indonesia si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin iyagoo aan u baahnayn inay si shaqsi ah u tagaan xafiisyada UNHCR.

Marinka Adeegyadayda Waxaad ka samayn karto:

  • Inaad aragto xogtaada iyo macluumaadkaaga ee UNHCR hayso
  • Inaad cusboonaysiiso lambarkaaga taleefanka ama faahfaahinta kale ee lagala soo xiriirayo
  • Inaad soo geliso dukumeenti
  • Inaad codsato ballan diiwaangelin cusub
  • Inaad codsato ballan lagu darayo xubnaha qoyskaaga ee aan weli diiwaangashanayn (kuwo cusub oo dhashay sidoo kale waa la darin karaa)
  • Inaad hubiso xaalada kiiskaaga dib-u-dejinta

Si aad u isticmaasho Adeegyadayda, qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah waa inay marka hore sameystaan akoon.

  • Haddii aad tahay magangelyo-doon cusub oo aan weli lagaaga diiwaangelin Indonesia, waxaad ka bilaabi kartaa codsiga diiwaangelinta adigoo gujinaya badhanka hoose.
  • Haddii aad hore uga diiwaangashan tahay Indonesia, HA SAMAYN akoon cusub adigoo isticmaalaya badhanka hoose. UNHCR ayaa kaa caawin doona dejinta akoonkaaga.

Fadlan ogow in:

  • UNHCR wali waxay horumarinaysaa boggan internetka ah. Waxaan sii wadi doonnaa inaan ku darno shaqooyin iyo adeegyo waxaanan cusbooneysiin doonnaa boggan CAAWIMO marka hawlahan cusub la helo.
MUHIIM

UNHCR Indonesia waxay la wadaagtaa ogeysiisyada iyo macluumaadka la cusbooneysiiyay qaxootiga iyo magangalyo-doonka iyada oo loo marayo bogga Adeegyadayda. Ogeysiisyada waxaa lagu soo diri doonaa WhatsApp iyo/ama iimayl iyadoo lagu saleynayo kanaalka isgaarsiinta ee aad doorbidayso ee lagu doortay akoonkaaga Adeegyadayda.

Faahfaahinta rasmiga ah ee laguugu soo diro ogeysiisyada:

Haddii aad qabto su’aalo kale, fadlan la xiriir Wakiilka Gaarsiinta (Outreach Volunteer) ee Jakarta iyo agagaarkeeda, ama la-hawlgalayaasha UNHCR.

Guji badhamada hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah:

Click on the buttons below to find out more information: