Wakiillada Wacyigelinta Bulshad (OV)
Dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash.
Wakiillada Wacyigelinta Bulshada (OVs) waa xubno lagu kalsoon yahay oo ka tirsan bulshada qaxootiga kuwaasoo taageera UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda si loo xoojiyo isgaarsiinta iyo la-tashiga lala yeesho qaxootiga iyo dadka magangelyo-doonka ah. Doorarkooda ugu muhiimsan waa in ay fududeeyaan in macluumaadka uu si ammaan ah, ixtiraam leh, oo dadka dhan la gaarayo uga socdo UNHCR una gudbo bulshada, iyo sidoo kale ka yimaado bulshada una gudbo UNHCR.
Doorka iyo Mas’uuliyadaha
- Waxay u adeegaan sida isku xirka u dhexeeya UNHCR / la-hawlgalaha iyo bulshada qaxootiga.
- Waxay bulshada la wadaagaan macluumaad sax ah oo waqtigiisa la joogo.
- Waxay aqoonsadaan una gudbiyaan dadka leh baahiyo gaar ah adeegyada ku habboon ee UNHCR / la-hawlgalaha.
- Waxay wacyigelin u sameeyaan dadka nugul oo ay taageeraan booqashooyinka guryaha.
- Waxay ka qaybqaataan hawlaha iyo waxqabadyada bulsho ku saleysan.
- Waxay xoojiyaan, matalaan oo dhiirrigeliyaan xuquuqda iyo waajibaadka qaxootiga, iyo nolol-wadaag nabdoon.
- Waxay ururiyaan xog waxayna ka qaybqaataan hagaajinta barnaamijyada.
- Waxay ka qaybqaataan tababbarro kor loogu qaadayo aqoontooda iyo xirfadooda mutadawacnimo.
Xusuusin Muhiim ah:
OVs mas’uul kama aha xalinta arrimaha shakhsiyeed ee qaxootiga mana hayaan awood ay go’aan uga gaari karaan adeegyada ama kaalmooyinka. Doorkoodu waa inay fududeeyaan isgaarsiinta — ma ahan inay si toos ah u farageliyaan.
OV walba waa mamnuuc inuu lacag ka qaato ama ka dalbado wax faa’iido ah xubin ka tirsan bulshada. Dhammaan adeegyada ay bixiyaan UNHCR iyo la-hawlgalayaasheedu waa bilaash.
Haddii aad u baahan tahay taageero ama macluumaad ka imanaya OV, fadlan la xiriir mid ka mid ah OV-yada hoos ku taxan:

Wakiilka rasmiga ah ee OV waa qof:
- Waxaa magacaabay UNHCR ama la-hawlgalayaalkeeda;
- Waxaa la siiyay tababbar la xiriira doorkiisa;
- Wata Shahaado Magacaabis oo ansax ah, taasoo ay saxiixeen UNHCR ama la-hawlgalayaasheeda.
Haddii aad shaki ka qabto qof sheeganaya inuu yahay OV ama aad dareento walaac ku saabsan habka uu u shaqeynayo, fadlan la xiriir [email protected] ama YCWS bogga [email protected].