Fursadaha Hab Nololeedka

Qaxootiga iyo magangalyo doonka hadda looma ogola inay ka shaqeeyaan Indonesiya. Si kastaba ha ahaatee, waxaad weli ka faa’iidaysan kartaa fursadaha aad ku kasbato xirfado iyo khibrad inta aad dalka joogto. Qaxootiga iyo magangalyo-doonku waxay heli karaan barnaamijyo tababar iyo xarumo tababar oo ay maamusho Wasaaradda Shaqaalaha iyo dawladaha hoose. Intaa waxaa dheer, UNHCR waxay taageertaa barnaamijyada dhisidda xirfadaha si loo xoojiyo qaxootiga, kor loogu qaado isku-kalsoonaanta, iyo horumarinta fursadaha lagu xaqiijinayo xal waara. Qorshayaashan tababar-xirfadeedku waa kuwo mashruuc ku salaysan. Boosaska xaddidan awgeed, mudnaanta waxaa la siiyaa qaxootiga xirfadahooda ka diiwaan gashaday Buugga xirfadaha ee hay’adaha nala shaqeeya, Talent Beyond Boundaries. Haddii aad xiisaynayso inaad diwaangeliso xirfadahaaga, fadlan halkan guji

Waa kuwan qaar ka mid ah iskaashigayadii iyo barnaamijyadeenii hore iyo kuwa socda:

Waxaan si joogto ah u raadinaa oo aan u abuurnaa fursado badan qaxootiga. Si aad xog ogaal u noqotid, fadlan si joogto ah uga hubi boggan wixii cusub.