Tallaalka Dhallaanka Cusub 

Waxaa jira shan tallaal oo aasaasi ah oo ilmahaagu u baahan yahay inuu qaato ka hor inta uusan gaarin 1 sano. Tallaaladan waxa loogu talagalay inay ka difaacaan cudurro kala duwan si ilmahaagu si caafimaad leh ugu koro.

Jadwalka Tallaalka Aasaasiga ah:

1 Bil: 

  • BCG + Polio (qiyaasta 1) – qaaxada (TB) iyo Polio.

2 Bilood:

  • DPT-HB-Hib (qiyaasta 1) – (diphtheria, qufac dheer, teetanada, cagaarshow B, Hib)
  • Polio (qiyaasta 2) 

3 Bilood:

  • DPT-HB-Hib (qiyaasta 2) 
  • Polio (qiyaasta 3)

4 Bilood:

  • DPT-HB-Hib (qiyaasta 3)
  • Polio (qiyaasta 4)

 9 Bilood:

  • Jadeeco

Waxaan kugu dhiirri gelinaynaa inaad raacdo jadwalkan tallaalka adigoo ka faa’iideysanaya PUSKESMAS kuugu dhow, maadaama uu door muhiim ah ka ciyaaro ilaalinta caafimaadka ilmahaaga. Tallaalku waa badbaado, wax ku ool ah, oo si ballaaran loo tijaabiyay si loo xaqiijiyo caafimaadka carruurta.

UNHCR waxay dib u bixin kartaa kharashyada tallaalka.

Jakarta iyo agagaarka – YCWS Health Hotline: 0811 8161 511 

Gobollada – la xiriir shaqaalaha UNHCR ee goobtaada