Waxbarashada

Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka, Cilmi-baarista iyo Tignoolajiyada ee Indonesiya ayaa soo saartay Qoraal Wareegto ah 2019, iyadoo wax laga beddelayo 2022, taas oo u oggolaanaysa qaxootiga iyo magangalyo-doonka inay helaan waxbarasho rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn, laga bilaabo heerka aasaasiga ah ilaa heerka sare, nidaamka waxbarashada qaranka. Diiwaangelinta dugsiyada maxalliga ah waxay u baahan tahay dukumeenti UNHCR oo sax ah iyo aqoonta luqadda Indonesiyaanka.

Haddii aad si madaxbanaan ugu nooshahay Jakarta iyo nawaaxigeeda oo aad xiisaynayso inaad wax ka barato dugsi deegaanka ah ama haddii aadan awoodin inaad iska diiwaan geliso dugsi deegaanka ah, fadlan la xidhiidh Qadka Wicitaanka Qeybta Waxbarashada: 0877 7006 3436

Qaxootiga ku nool goobaha kale (Aceh, Medan, Pekanbaru, Makassar iyo magaalooyinka kale), fadlan la xidhiidh xafiiska UNHCR ee meesha aad ku nooshahay.

Waxbarashada rasmiga ah ee heerarka hoose iyo sare ee Indonesiya waxay diyaar u tahay carruurta da’doodu u dhaxayso 5-18 sano. Markay dhammeeyaan fasalka diyaarinta, carruurta qaxootiga ah waxaa lagu qori doonaa heer/darajo iyadoo loo eegayo natiijada qiimaynta kartidooda. 

Waxbarashada aanan rasmiga ahayn ee Indonesiya waxaa la siiyaa carruurta qaxootiga ah ee ku seegay sannad dugsiyeedka waddankooda ama Indonesiya oo raba inay gaaraan heerkooda fasalka ka hor intaysan sii wadin waxbarashadooda tooska ah. Adeegan waxaa laga heli karaa Xarunta Waxqabadka Ku saleysan Barashada Bulshada (oo loo yaqaan Pusat Kegaiatan Belajar Masyarakat (PKBM) ama Sanggar Belajar Masyarakat (SBM).