Daryeelka Caafimaadka Degdegga ah iyo Kan Heerka Sare

Sababo la xiriira xaddidaadda miisaaniyadda, UNHCR ma awoodo inay si dhaqaale ah u taageerto dhammaan xaaladaha caafimaadka degdegga ah iyo daaweynta heerka sare ee ay la kulmaan qaxootiga iyo magangalyo-doonka ku sugan Indonesia.

UNHCR iyo hay’adaha la shaqeeya waxay diyaariyeen tilmaamo gudaha ah si loo go’aamiyo noocyada daaweynta caafimaad ee heerka sare ee ay UNHCR bixin karto kharashkooda.

Fadlan ogow in UNHCR aysan dib u bixin karin kharashka daaweyn kasta oo degdeg ah ama heer sare ah haddii aan la helin oggolaansho ka hor inta aan la bixin adeegga caafimaadka.

Fadlan la tasho lamaanaha UNHCR – Yayasan Cita Wadah Swadaya (YCWS) ka hor inta aadan u tagin dhakhtar takhasus leh ama isbitaal, si loo hubiyo in daaweyntaasi ay ku jiri karto taageerada kharashka.

Laga bilaabo sanadka 2026, YCWS waxay sidoo kale maamuli doontaa xaaladaha degdegga ah ee ka dhaca goobaha dibadda (meelaha ka baxsan Jakarta iyo nawaxigeeda). Si kastaba ha ahaatee, taageerada waxaa ku kooban oo keliya xaaladaha degdegga ah, foosha iyo dhalmada.

Lambarka Khadka Degdegga ah ee Caafimaadka YCWS: 0811 8161 511

Habka loo codsado daryeel caafimaad oo degdeg ah

  1. Qaxootigu waa inay marka hore booqdaan Puskesmas ama xaruun cafimaad si ay u helaan warqad gudbin
  1. Haddii warqadda gudbinta ay muujiso in loo baahan yahay qolka xaaladaha degdegga ah (Emergency Room – ER), la xiriir Khadka Degdegga ah ee Caafimaadka YCWS: 0811 8161 511. Kooxda khadka degdegga ah waxay hubin doonaan cudurka iyo calaamadaha, kadibna waxay ka codsan doonaan maamulka oggolaansho degdeg ah. Warqadda gudbinta ee ER waxay shaqaynaysaa oo keliya 24 saacadood. Haddii Sarkaalka Caafimaadku go’aamiyo in xaaladdu degdeg tahay, wuxuu/ay kuu gudbin doonaa qolka xaaladaha degdegga ah ee isbitaalka kuugu dhow, isbitaalkana waa lagu wargelin doonaa inaad imanayso.
  1. Haddii Sarkaalka Caafimaadku go’aamiyo in aysan ahayn xaalad degdeg ah, codsigaaga waa la diiwaangelin doonaa waxaana loo gudbin doonaa Xafiiska Caawinta ee YCWS (Helpdesk). Waxaa kula soo xiriiri doona Helpdesk-ga Isniinta xigta. 
  1. Ka reeban :Haddii ay dhacaan xaalado sida suuxdin ,dhiig-bax ,ama shilal qaxootigu waa inay si toos ah ula xiriiraan khadka degdegga ah, bixiyaan faahfaahin buuxda oo ku saabsan xaaladda, si kiiska loo xaqiijiyo loona diyaariyo wareejin degdeg ah oo loo geeyo qolka xaaladaha degdegga ah (ER).

Habka loo codsado daryeel caafimaad oo heer sare ah (Waxaa heli kara oo keliya dadka ku nool aagga Jakarta)

  1. Marka hore, ka raadi daaweyn caafimaad PUSKESMAS-ka kuugu dhow.
  1. Haddii dhakhtarku go’aamiyo in dhibaatadaada caafimaad u baahan tahay daaweyn heer sare ah oo aan laga heli karin PUSKESMAS, dhakhtarku wuxuu kuu qori doonaa warqad gudbin Go’aankan waxaa lagu salayn doonaa qiimeynta baahidaada caafimaad, mana aha codsi ka yimid bukaanka. Warqad gudbin oo ku saleysan codsiga bukaanka lama aqbali doono.
  1. Haddii aad hesho warqadda gudbinta, ku soo dir WhatsApp warqaddaas Khadka Caafimaadka ee YCWS: 0811 8161 511
  1. Iyadoo lagu saleynayo macluumaadka ku qoran warqadda gudbinta ee uu qoray dhakhtarka PUSKESMAS, UNHCR iyo YCWS waxay go’aamin doonaan haddii UNHCR ay taageeri karto kharashaadka daaweynta. Qiimeyntan waxaa lagu samayn doonaa tilmaamaha gudaha ee loo dejiyey si loo go’aamiyo haddii taageero dhaqaale la bixin karo.
  1. Haddii YCWS ay hesho codsigaaga Isniinta kadib 12:00 duhurnimo, jawaabta waxaa lagu siin doonaa usbuuca xiga.
  1. Haddii YCWS ay hesho codsigaaga kahor Isniinta 12:00 duhurnimo, waxaad heli doontaa jawaab ugu dambayn Arbacada isla usbuucaas.
  1. Fadlan ogow in haddii daaweyn la helo iyada oo aan la helin oggolaansho hore, kharashka daaweyntaasi aan dib loo bixin Karin.