Akoon Abuuris- Isticmaalayaasha Cusub

  • Taleefon casri ah, ama kombuyuutar, 
  • Ciwaanka iimaylka,  
  • Lambarka taleefanka ee Indonesia (kani waa inuu noqdaa lambarka gacanta, ma aha lambarka WhatsApp),
  • Khadka internetka.

Haddii aadan weli ka diiwaan gashanayn UNHCR, raac tillaabooyinkan si aad akoonkaaga u samaysato:

  • TALLAABADA 1aad: Guji ama ku dhufo badhanka “Samayso akoon”
  • TALLAABADA 2aad: Waa in aad fahanto oo aad aqbashaa Ogeysiiska la xiriirta sharciga sirta, ee hoos ku xusan, si aad u isticmaashid bogga internetka ee is-adeegga UNHCR.
  • TALLAABADA 3aad: Geli ciwaanka iimaylkaaga iyo koodhka xaqiijinta ee lagu soo diray iimaylkaaga kadib markaad ku dhufato xaqiijinta.
  • TALLAABADA 4aad: Geli lambarkaaga taleefanka gudaha Indonesia (ma aha lambar WhatsApp) iyo lambarka xaqiijinta ee lagu soo diro taleefankaaga ka dib markaad riixdo xaqiijin.
  • TALLAABADA 5aad: Abuur furaha sirta ah ee adag oo aad xasuusan karto. Waa inuu noqdaa 9 xaraf, oo leh ugu yaraan hal xaraf, hal xaraf oo weyn, hal lambar iyo hal calaamad.
  • TALLAABADA 6aad: Waxaad si guul leh u samaysay koontada iskaa u adeeggo ee onlaynka ah. Guji ama ku dhufo “Maya” haddii aadan weli ka diiwaan gashanayn UNHCR oo aad jeclaan lahayd inaad iska diiwaangeliso magangalyada UNHCR gudaha Indonesia.

Markaad dhammayso abuurista akoonkaaga, si toos ah ayaa laguugu martiqaadi doonaa inaad buuxiso tillaabooyinka aad u gudbiso codsigaaga diiwaangelinta.

Haddii aad ka baxday akoonkaaga ka dib markii aad samaysay adigoon soo gudbin codsigaga, dib ayaad u soo geli kartaa oo aad sii wadan kartaa tillaabooyinka soo socda.

Talaabada koowaad: Buuxi macluumaadka loo baahan yahay si aad UNHCR iskaga diiwaan geliso oo soo gali dukumeentigaaga.   

  • Macluumaadka gaarka ah: Marka hore waxaan u baahanahay inaan ogaano adiga macluumaadkaaga. Geli macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed, oo ay ku jiraan magacaaga, taariikhda dhalashada, dalka dhalashada, iyo jinsiga. Waxaad u baahantahay in aad magacaaga geliso qayb kale isaga oo af ingiriisi ku qoran haddii aad isticmaalaysid bogg luuqad kale ah. Goobaha lagu calaamadeeyay casaan “loo baahan yahay” waa in la buuxiyaa. Haddii aad ka tagto kuwan bannaan, ma sii wadi kari doontid.
  • Macluumaadka xiriirka: Geli lambarka taleefanka ee dheeriga ah, ciwaannada iimaylka ama lambarka WhatsApp ee UNHCR ay isticmaali karto si ay kula soo xiriirto. Fadlan calaamadee iimaylka ama lambarka xiriirka aad rabto in UNHCR isticmaasho. Iimayl si toos ah ayaa loo dooran doonaa haddii aadan bedelin.
  • Cinwaanka iyo taariikhda maalinta aad dalka timid: Geli ciwaankaaga dalkaagi iyo ciwaanka aad hadda ku sugan tahay ee Indonesia.  
  • Macluumaad dheeraad ah: Geli macluumaadka baahi kasta oo gaar ah oo laga yaabo inaad qabto. Tani waa wax ikhtiyaari ah. 
  • Sawir: Ka qaad sawirka wejigaaga / “selfi” adoo isticmaalaya badhanka shaashadda ama soo gali sawirka wajigaaga oo aad hore u haysatey. Sawirku waa inuu ahaadaa mid tayo wanaagsan leh, oo la mid ah sawirka baasaboorka.  
  • Dukumentiyada: Waxa kale oo aad soo galin kartaa nuqulka baasaboorkaaga iyo dukumeentiga aqoonsiga qaranka, ama dukumeenti kale oo aqoonsi oo laga yaabo inaad haysato. Fadlan kaliya soo gali dukumentiyada aqoonsigaaga. Dukumeentiyada xubnaha qoyskaaga waxa la gelin doonaa marka aad xubnaha qoyskaaga ku darto codsigaaga. 
Halkan ku dhufo si aad u hesho tilmaamaha sawirka

Markaad soo galinayso sawirkaaga, hubi in:

  • Dhammaan wejigaaga in uu ka muuqda sawirka.
  • Indhahaaga fur oo eeg kamarada.
  • Ma xiranid wax koofiyadaha ama muraayadaha (xijaabka waa la ogol yahay).
  • Sawirku maaha mid mugdi ah.
  • Wejigaagu waa iftiin.
  • Dhabarka dambe ee sawirkaagu waa in uu cadyahay.

Talo: Haddii aad isku dayayso inaad sawir qaado laakiin waxba ma kuu suuraglayaan markaad ku dhufato badhanka, hubi qaybta settingka telefoonkaaga, waxaa laga yaabaa inaad u baahantahay in aad bedesho ogolaanshaha isticmaalka kamarada.

Tallaabada labaad: Ku dar xubnaha qoyskaaga 

Kaliya xubnaha qoyskaaga ee hadda kula jooga Indonesia ayaa lagu dari karaa codsigaaga ballanta diiwaangelinta.t. 

Xubnaha qoyska waxaa laga yaabaa inay ku jiraan carruurtaada, xaaskaaga, ama xubnaha qoyskaaga waayeelka ah ee adiga kugu tiirsan.     

Waa inaad bixisaa isla macluumaadka aad ka bixisay naftaa ee adiga kugu saabsan dhammaan xubnaha qoyska ee aad rabto inaad diiwaan geliso, oo ay ku jiraan dukumeentiyadooda aqoonsiga iyo sawiradooda. Waxaan kugula talineynaa inay kula joogaan inta aad dhameystireyso buuxbuuxinta macluumaadkooda.

Tallaabada Saddexaad: Dib u eeg codsigaga ka hor inta aanad u gudbin UNHCR

  • Ku dhufo ‘Profilkayga’ si aad dib ugu eegto macluumaadkaaga shakhsiyeed, faahfaahinta xiriirka, iyo sawirka.
  • Ku dhufo ‘Dukumentiyadayda’ si aad dib ugu eegto dukumeentiyada adigu ku quseeya ee aad soo gelisay.
  • Ku dhufo ‘Qoyskayga’ si aad dib ugu eegto macluumaadka shakhsiyeed, sawirka iyo dukumeentiyada aad u soo gelisay xubnaha qoyskaaga.

Tallaabada Afaraad: U gudbi codsigaaga diiwaangelinta UNHCR

  • Marka aad ku qanacsantahay macluumaadka, sawirada iyo dukumeentiyada codsigaaga inay sax yihiin, dhagsii ‘Gudbi codisgayga’. 
  • Ogsoonow marka aad gudbiso codsigaaga, ma awoodid inaad bedesho macluumaadkaaga shakhsiyeed. Waxaad kaliya ku dari kartaa dukumeenti dheeri ah oo aad cusbooneysiin kartaa macluumaadkaaga isgaarsiineed. 

Tallaabada shanaad: Waxaad si guul leh u gudbisay codsigaaga. Maxaa xiga? 

  • Meel ku qoro oo ilaasho lambarkaaga aqoonsiga ee ku meel gaarka ah ee UNHCR si aad mustaqbalka ula xidhiidho UNHCR. Waxaad sidoo kale ka heli kartaa lambarkan tixraaca bogga ‘Guriga’.
  • Xaaladda codsigaaga isdiiwaangelinta marka aad soo gudbiso waa “Lama qorshayn.” Waxaad ka eegi kartaa heerka codsigaga bogga ‘Guriga’ ama waxaad ka eegtaa bogga ‘Ballamahayga’ si aad u aragto taariikhda, wakhtiga iyo goobta ballanta UNHCR ay kuu qabanayso marka codsigaaga dib loo eego. 
  • Waxa aad heli doontaa ogaysiis kusoo dhici doona ciwaankaaga iimaylka ah marka ballantaada la qabto oo UNHCR ayaa kula soo xidhiidhi doonta wixii macluumaad dheeraad ah.
  • UNHCR waxay hiigsan doontaa inay kula soo xiriirto oo ay kula wadaagto wixii cusub laba toddobaad gudahood, si kastaba ha ahaatee, fadlan ogow tani macnaheedu maaha in waraysigaagu uu dhici doono laba toddobaad gudahood. Codsiyada oo batay awgeed, waxa laga yaabaa inay dhawr bilood qaadato ilaa iyo inta lagaaga ballamin doono wakhtiga waraysigaaga.


Please also see: