Month: December 2025

Cusbooneysiin Muhiim ah: Bogga Adeegyadayda ee UNHCR Indonesia oo la cusbooneysiiyay

Bogga Is-Adeegga ee UNHCR Indonesia waxaa lagu casriyeynayaa bogga caalamiga ah ee Marinka Adeegyadayda (My Services) ee UNHCR. Kama baqanaysid—dhammaan adeegyada aad hore u isticmaali jirtay weli way jiri doonaan. Cusboonaysiintan waxay ka dhigaysaa bogga mid fudud, amnigiisu sarreeyo, oo si ka wanaagsan loo heli karo. 

Waxa Isbeddelaya

👨‍👩‍👧 Akoon-qoyska wuu sii ahaanayaa sidii hore
Haddii aad hore u isticmaashay bogga adeegyada, waad ogtahay in hal akoonto qoys lagu maamuli karo dhammaan xubnaha qoyska. Tani waxay sii ahaan doontaa sidii hore ee My Services. Qofka loo diiwaangeliyey inuu yahay xiriiriyaha ayaa weli awood u yeelan doona inuu ku matalo qoyska bogga.

👤 Ikhtiyaar cusub: Akoon shaqsiyeed
Iyadoo la adeegsanayo My Services, dadka da’doodu tahay 18 sano iyo wixii ka sarreeya waxay hadda codsan karaan inay helaan akoon shaqsiyeed oo u gaar ah. Si aad u codsato, fadlan gudbi su’aal adigoo adeegsanaya farta Foomka Waydiimaha Onlaynka ee Kobo. Dooro “HAA” su’aasha ah “Ma ka diiwaan gashan tahay UNHCR Indonesia?” kadibna dooro “Abuurista Akoonka Adeegyadayda ee Onlaynka” sida mowduuca su’aashaada. Fadlan sharax codsigaaga gudaha foomka. Fiiro gaar ah: Si aad u samaysato akoon shaqsiyeed waa inaad leedahay cinwaan email adiga kuu gaar ah.

🌐 Naqshad fudud oo cusub, adeegyo isku mid ah

Muuqaalka bogga adeegyada wuu isbedelayo. Waxaan ku shaqeynay in boggu noqdo mid fudud, cad, oo ay dadka oo dhan si sahlan u isticmaali karaan, oo ay ku jiraan dadka baahiyaha kala duwan qaba. Ha welwelin: adeegyadii aad hore u heli kartay ayaa weli jira. Kaliya sida bogga internetka u eg yahay ayaa isbeddelay.

🔑 Isku-xirayaal cusub oo isdiiwaangelin iyo galid ah

Isku xirayaashii lagu samayn jiray akoonta ama lagugu geli jiray waxay noqon doonaan kuwo waxyar ka duwan kuwii hore. Si kastaba ha ahaatee, waxaad had iyo jeer ka heli doontaa isku xirka saxda ah halkan bogga Help-ka.

🤝 U wakiilidda akoonkaaga qof aad aaminsan tahay

Waxaad hadda awood u leedahay inaad si rasmi ah u u wakiilato qof aad kalsooni buuxda ku qabto si uu kaaga caawiyo maareynta akoonkaaga. Si aad u codsato wakiillaynta, fadlan gudbi su’aal adigoo adeegsanaya Foomka Waydiimaha Onlaynka ee Kobo. Dooro “HAA” su’aasha ah “Ma ka diiwaan gashan tahay UNHCR Indonesia?” kadibna dooro “Dhibaato Farsamo oo ku saabsan  Adeegyadayda ee Onlaynka” sida mowduuca. Fadlan sharax sababta codsigaaga gudaha foomka.
 

Waxyaabaha Sidiisa Ugu Haraya

Waxaad weli awoodi doontaa inaad:

  • Abuurato akoon haddii aad tahay qof cusub oo dalka ku soo gaaray Indonesia, kadibna codsato ballan-diiwaangelin markaad dhammayso habraaca hore
  • Lagugu casuumo bogga My Services ee UNHCR haddii aad horey uga diiwaangashanayd Indonesia (casuumaadaha waxaa lagu soo diraa iimayl kadib wareysigaaga xaqiijinta)
  • Codsato ballan si aad u dartid xubnaha qoyskaaga ee aan wali ku diiwaangashanayn Indonesia (oo ay ku jirto diiwaangelinta dhallaanka cusub)
  • Cusboonaysiiso lambarkaaga telefoonka
  • Hubiso xaaladda dib-u-dejintaada

Dhammaan adeegyada aad hore u isticmaali jirtay wali way ku jiri doonaan bogga cusub ee Marinka Adeegyadayda.