Talaabada 1-aad – Isdiiwaangalinta
Kadib marka ada gudbiso codsiga magangalyada, hay’adda Socdaalka Sweden waxay qiimayn doontaa dalka mas’uulka ka ah nidaamka codsigaaga magangalyada, si waafaqsan Xeerarka Dublin.
Haddii Sweden ay mas’uul ka noqoto diyaarinta codsigaaga magangalyada, Ha’adda Socdaalka Sweden waxay gudagali doontaa qiimaynta codsigaaga magangalyada. Waxada ku sugnaan kartaa Sweden inta aad sugayso in Hay’adda Socdaalka Sweden go’aan ka gaarto inaad xaq uleedahay magangalyo aad ka hesho Sweden iyo in kale.
Kadib markii codsigaaga la diiwaangaliyo, waxaad heli doontaa aqoonsi ah inaad tahay magangalyo doon ilaa go’aanka kama danbaysta ah lagaa gaarayo. Waxada sidoo kale heli doontaa kaarka loo yaqaano LMA. Kaarku ma ahan aqoonsi, laakiin waa caddayn muujinaysa inaad tahay magangalyo doon laguuna ogolyahay inaad Sweden joogto inta aad go’aanka sugayso.
Waad ka shaqaysan kartaa Sweden adiga oo ah magangalyo doon haddii aad haysato caddayn (loo yaqaano ‘AT-UND’) taasoo muujinaysa inaan lagaaga baahnayn ogolaansho shaqo.
Haddii aadan haysan lacag aad adigu shaqaysato aadna is kaafin karin inta aad Sweden joogto, waxaad kaalmo dhaqaale ka codsan kartaa Hay’adda Socdaalka Sweden.
Hay’adda Socdaalka Sweden waxay kuu diyaarin kartaa meel aad dagto haddii aadan haysan meel aad dagto. Waxada sidoo kale dooran kartaa inaad adigu diyaarsato meesha aad dagayso.
Ogow macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ada ku heli karto adeegyada noocaas ah adiga oo ka ogaanaya websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden, oo aad ku heli karto luuqadaha Ingiriisiga iyo Swedish.
Talaabada 2-aad– Wareysiga
Waxaa lagu siin doonaa fursad aad ku sharaxdo sababaha raadsashada magangalyada Sweden inta lagu jiro wareysiga gaarka ah ee uu kula yeelanayo shaqaale ka socda Hay’adda Socdaalka Sweden. Wareysiga magangalyadu waa tallaabo muhiim u ah hannaanka magangalyada. Inta wareysiga lagu jiro, waxaad fursad u haysataa inaad bixiso macluumaadka ugu badan ee kuu suurtagalka ah si uu u caawiyo codsigaaga magangalyada aadna keento dhammaan dukumiintiyada aad hayso ee xoojinaya codsigaaga magangalyada. Waa muhiim inaad bixiso macluumaad buuxa oo ku saabsan wixii kugu dhacay iyo waxa aad ka baqayso haddii laguugu celiyo dalkii aad kasoo jeedday. Haddii aad qabto baahiyo gaar ah, waxaad si ammaan ah ugu sheegi kartaa xilli kasta inta uu wareysigu socdo waxaadna codsan kartaa kaalmo gaar ah. Haddii aad u baahan tahay tarjumaan, waad codsan kartaa.
Dhammaanba macluumaadka aad bixinayso inta uu socdo codsigaaga magangalyadu (dukumiintiyada, xogaha xilliga lagu jiro wareysiga lagaa qaadayo ee magangalyada) saraakiisha Sweden lama wadaagi doonaan dalkaagii hooyo ama qof kale.
Tallaabada 3-aad– Go’aanka
Muxuu noqon karaa go’aanka laga gaarayo kiiskayga?
Go’aanka kadib, Hay’adda Socdaalka Sweden waa ay kula soo xiriiri doontaa, ayada oo kaal soo xiriiraysa xiriirka aad siisay, si ay kuugu wargaliso go’aanka codsigaaga magangalyada.
Go’aanka waraaqda laguugu siinayo waxaa uu ku qornaan doonaa waraaq iyadoo ku qoran Swedish, laakiin waxaad heli doontaa macluumada afka ah oo ku saabsan go’aanka ayada oo uu tarjumaan joogo kuna baxaya luuqad aad fahmayso.
Afar natiijo ayaa kasoo bixi karta nidaamka magangalyada:
- In laguu aqoonsado qoxooti laguna siiyo ogolaansho degenaansho oo kumeelgaar ah oo mudadiisu tahay 3 sanno, kaasoo lagu kordhin karo hadba 2 sanno.
- In lagu siiyo magangalyo aan buuxin laguna siiyo ogolaanshaha degenaansho kumeelgaar ah kaasoo mudadiisu tahay 13 bilood, kaasoo la kordhin karo mudo 2 sano ah.
- In lagu siiyo ogolaansho degenaansho oo ay sabab u yihiin xaalado xun oo gaar/khaas ah kaasoo mudadiisu tahay 13 bilood, lana kordhin karo muddo 2 sanno ah.
- In codsigaaga la diido.
Haddii aad tahay magangalyo doon la aqoonsaday (sadexda natiijo ee ugu horreysa, sida aqoonsiga qoxootiga, magangalyada aan buuxin ama ogolaanshaha degenaanshaha ayada oo ay sabab u yihiin marxalado xun oo gaar/khaas ah), waxaad xaq u lahayd inad ka shaqaysato kuna noolaato Sweden si lamid ah muwaadiniinta Sweden. Ayada oo caddayn u ah ogolaanshaha degenaanshahaaga, waxaad heli doontaa kaarka ogolaanshaha degenaanshahaaga oo aad ka helayso Hay’adda Socdaalka Sweden.
Kadib marka aad hesho ogolaanshaha degenaannshaha kumeelgaarka ah, waa inaad iska diiwaangalisaa diiwaanka dadweynaha ee Hay’adda Canshuuraha Sweden islamarkiiba websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden. Isdiiwaangalintu waxay muhiim u tahay sidii aad xaq ugu yeelan lahayd dheefaha nidaamka ammaanka bulshada ee Sweden iyo inaad qaadato koorsooyinka luuqadda Swedishka. Kadib marka aad iska diiwaangaliso diiwaanka bulshada, waxaad sidoo kale codsan kartaa kaarka aqoonsiga Sweden.
Haddii codsigaaga magangalyada lagaa diido, waxaad saxiixi kartaa ‘bayaanka aqbalaadda’ haddii aad aqbasho go’aanka Hay’adda Socdaalka Sweden. Haddii aadan aqbalin go’aanka hay’adda Socdaalka Sweden, racfaan ayaad ka qaadan karta go’aanka.