Haddii codsigaaga magangalyada la diido, waxaad xaq u leedahay inaad Maxkamadda Socdaalka u gudbiso racfaan. Waxaad sidoo kale xaq u leedahay inaad racfaan soo gudbiso haddii aad hesho ogolaanshaha degenaansjaja laakiin aadan aqbalayn nooca aqoonsiga aad heshay.
Si aad go’aanka racfaan uga qaadato, waa inaad racfaankaaga usoo gudbisaa hay’adda Socdaalka Sweden, taasoo racfaankaaga u gudbin doonta Maxkamadda Socdaalka. Si kastaba ha ahaatee, kahor inta aadan racfaanka usoo gudbin Maxkamadda Socdaalka, Hay’adda Socdaalka Sweden waxa ay ka fakari kartaa go’aankeeda.
Si aad go’aanka racfaan uga qaadato, waa inaad racfaankaaga usoo gudbisaa hay’adda Socdaalka Sweden, taasoo racfaankaaga u gudbin doonta Maxkamadda Socdaalka. Si kastaba ha ahaatee, kahor inta aadan racfaanka usoo gudbin Maxkamadda Socdaalka, Hay’adda Socdaalka Sweden waxa ay ka fakari kartaa go’aankeeda.
Haddii aad leedahay qareen, qareenkaaga ayaa kaa caawinaya racfaanka. Waxada la xiriiri kartaa Xarunta Sharciga Qoxootiga Sweden haddii aadan qareen haysan. Ogsoonow in racfaanka ay waajib tahay in lagu soo gudbiyo 3 todobaad laga bilaabo taariikhda marka uu go’aanku kaasoo gaaro Hay’adda Socdaalka Sweden. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka racfaanka iyo taariikhaha kama danbaysta ah, fadlan bookho websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden.
Maxkamadda Socdaalku waxay badali kartaa ama waafaqi kartaa go’aanka ay gaarto hay’adda Socdaalka Sweden. Haddii Maxkamadda Socdaalku waafaqdo go’aanka diidmada ee Hay’adda Socdaalka Sweden, waxaad wali racfaan u qaadan kartaa Maxkamadda Racfaanka ee Socdaalka.
Ilaa inta ay Hay’adda Socdaalka Sweden ka gaarayso go’aan kama danbays ah ama maxkamadaha Sweden, waxaad xaq u yeelanaysaa inaad aqoonsiga magangalyo doonka ku joogto Sweden.
Waa inaad Sweden ka tagtaa haddii racfaankaagu guuldarraysto marxalad kasta. Waxaad la xiriiri kartaa Hay’adda Socdaalka Sweden haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo sidii ada wadankaagii ugu laaban lahayd.
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah, fadlan booqo websaytka hay’adda Socdaalka Sweden.