Macluumaadka loogu tala galay dadka kasoo qaxaya Ukraine

Haddii aad tahay qoxooti ka yimid Ukraine oo ku sugan Sweden, fadlan booqo barta macluumaadka rasmiga ah ee saraakiisha Sweden adiga oo ka helaya macluumaadka dhabta ah oo ku qoran SwedishUkrainian iyo Ruush.

Dadka ka imaanaya Ukraine waxay xaq u leeyihiin in magangalyo kumeelgaar ah laga siiyo Sweden. Khaasatan, waxaad xaq u yeelan kartaa inaad Sweden ka hesho Magangalyada Kumeelgaarka ah haddii aad Ukraine kasoo tagtay 24-kii Febraayo 2022 ama kadib aadna tahay:

  • tahay muwaadin reer Ukraine ah kaasoo ku noolaa Ukraine kahor 24-kii Febraayo 2022,
  • qof ajanabi ah ama bilaa dal ah oo ku sugan Ukraine kaasoo haysta aqoonsiga qoxootinimada ama magnagalyo kale oo caalami ah ama ogolaanshaha degeneensho kumeelgaar ah ka haysta Ukraine, ama
  • xubin ka tirsan qoyska mid kamid ah dadka sare ku xusan.

Marka la eego shuruucda Sweden, shakhsiyaadka soo socda waxaa loo arkaa “xubin qoyska ah”:

  • saaxiib ama xaas,
  • canug aan qaangaarin oo aan guursan
  • qaraabada kale ee dhow ee kugula noolaa guriga kuna tiirsanaa muwaadinka reer Ukraine, ama ajanabi ama qof aan dal lahayn kaasoo aqoonsi qoxootinimo ama aqoonsi magangalyo oo caalami ah ka haysta Ukraine.

Haddii aad Sweden soo gashay laga bilaabo 30-kii Oktoobar 2021 ilaa 23-kii Febraayo 2022 aadna sii joogtay Sweden kadib markii aad soo gashay, waxaad sidoo kale xaq u yeelan doontaa magangalyada kumeelgaarka ah haddii aad waafaqdo mid kamid ah shuruudaha kor ku xusan.

Wixii macluumaad ah oo ku saabsan sida iyo halka laga codsado Magangalyada Kumeelgaarka ah ee Sweden, fadlan booqo websaytka Hay’adda Socdaalka Sweden, oo aad ku helayso luuqadaha UkraineIngiriisiRuush iyo Swedish.

Xarunta Sharciyada Qoxootiga ee Sweden (Asylrättcentrum) waxay leedahay websayt uu kujiro macluumaadka shakhsiyaadka kasoo qaxay Ukraine raadinayana magangalyo ay ka helaan Sweden (waxaad luuqadda ka dooran kartaa qaybta midig ee sare ee bogga, iyadoo la gujinayo ‘select language’).

Dadka aan xaqa u lahayn Magangalyada Kumeelgaarka ah

Haddii aadan xaq u lahayn magangalyada kumeelgaarka ah, waxaa kuu suurtagal ah inaad magangalyo codsato ama aad Sweden kusii sugnaato si waafaqsan shuruucda kale xaataa haddii fiisahaaga ama joogitaankaaga fiiso ka dhaafista uu dhamaado. Halkaan ayaad ka heli kartaa qaabka aad u codsan karto magangalyada.

Haddii aad ku sugantahay Bulgaria, Hungary, Italy, Moldova, Poland, Romania, Slovakia, fadlan hel macluumaadka Digital Blue Dot ee ku saabsan xaquuqaha iyo adeegyada iyo halka aad caawimaad ka helayso. Websaytku wuxuu sidoo kale ku qoran yahay luuqadaha Ukraine iyo Ruushka.


Macluumaadka la xiriira